Opens in a new tab

Degmooyinka Waxaa loo Sameeyay Ujeedo Badan – Noora Afgaab

ONA14 April 2016
Read in English

   Odayaal iyo qurbajoog ayaa isdaba marayay xafiiska Cabdi Iley bilowgii sanadkan ilaa maalintuu ku dhawaaqay inuu sameeyay 60 iyo dhowr degmo oo cusub. Waxaa laga hayaa R/wasaare Somali ah oosoo dhisay dawlad ka kooban boqol Wasiir iyo ku-xigeen markii la weydiiyay tira badnida golaha wasiiradiisa inuu yidhi qolo walba waxaan u sameeyay wasiir ay iska dhex aragto. Waxaa hadda ka socota Jigjiga in la tiriyo qolo walba inta degmo ay leedahaya ama loo sameeyay. Waxaa intaa dheer in qolo walba ay la xidhiidhaan qurbajoog-tooda oy yidhaahdaan dagmadii nala siiyay ayaa loo baahan yahay in la dhiso ee lacag soo dira. Waxaan dhegaha iyo qalinka la dhex qaaday goobaha lagu sheekaysto anigoo wareysiyo hoose la yeeshay dad xog-ogaal u ah arimaha gobolka iyo ujeedada ka dambeysa degmooyinka uu magacaabay Cabdi iley iyo maamul ahaan siday u waafaqsan yihiin Nidaamka Maamulka Degmo ee Itobiya (Administrative Division of Ethiopia).

Inta aanan qodobada muhiimka ah ee ku saabsan ujeedada laga leeyahay degmooyinka aanan sii dhexgalin; Itobiya waxaa ka socda isbadal aan cidna ka qarsoonayn, waxaa ka mid ah isbadaladaa in maamulada ka jira Somaliya ee loo yaqaano Dawlad Goboleedyada (Regional States) ay la mid noqdaan maamulka Ogadenya, oo Itobiya ay daaha gadaahshiisa ka maamusho dhamaan maamuladaa. Jeneraal Abraha Wolde oo ah ninka ka taliya Ogadenya iyo Jeneraal Gabre oo ah kan ka taliya Muqdishu, maamulka Itobiya waa laba jenen oo isku awood ah oo ka kala taliya laba Kilil oo Somalidu dagto oo labadaba ay Itobiya maamusho. Intaa ka dib;

Ethiopia_zone_regionMaamulka Deegaanada ee Itobiya waxay u qabsan tahay sidan;

  • Kilil (Dawlad Goboleed)
  • Zone (Gobol)
  • Woreda (Degmo)
  • Kebele (Tuulo).

Itobiya waa 9al Kilil (Dawlad Goboleed), oo u qaybsan 68 Zone (Gobol – ma sugna), kuwaasoo ka kooban 670 Woreda (degmo – ma sugna). Degmada (Woreda) waxaa hoos taga tiro Qabaly (Kebele) ama tuulo ah. Intaan ogsoonahay Kililka Amxaarada waxay leeyihiin 150 Woreda, Oromadana 298 woreda, Tigreegana 46 Woredo, Cafar 29 Woredo. Ogadenya ama Kililka Somalida wuxuu ka kooban yahay 9 Zone (Gobol), iyo 68 Woredo/Degmo.

Marka laga yimaado Kililada Tigree, Amxaaro, Oromo iyo Gambela, Kililada soo hadhay ahmiyad fiican lama siiyo, maamul federal ahaana lama daneeyo habkay isu magacaabayaan, maadaama aanay dawladda dhexe diyaar ula ahayn dhaqaale inay ku kordhiso miisaaniyadda loo qoondeeyo haday degmooyin cusub magacawdaan. Taasoo jirta ayaa waxaa lawada ogsoon yahay in Itobiya aanay waligeed u aqoonsanin  Ogadenya (Somali State) inuu yahay gobol leh xuquuq la siman xuquuqda gobolada Itobiya.cwxo2 Wixii ka horeeyay halganka ONLF-na, waxay Itobiya caalamka ka dhaadhicin jirtay inay Somalida Ogadenya yihiin xoolo dhaqato Somaliyeed oo xadka labada dawladood daaqsin ahaan isaga goosha. Jabhadihii hubaysnaa ee ka horeeyay ONLF-na waxay Itobiya ka dhaadhicin jirtay caalamka inay yihiin ciidamo ama maleesiyaad ay dawladda Somaliyeed soo abaabulayso oon ahayn halgano gobanimadoon oo dadka dalka dagan ay shaqa ku leeyihiin. Sidaa darteed, markay burburtay dawladii Somaliyeed, waxay Itobiya iyo caalamkaba filayeen in aayaha Ogadenya ay noqotay siday Itobiya doonaysay ee ahayd in; Dhulka Ogadenya ay Itobiya leedahay, dadka daganna yihiin xoolo-dhaqato Somaliya kasoo doolay oo markii la doono dib loogu celin karo dalkoodii Somaliya. Itobiya iyo caalamkaba diyaar uma ahayn mana filaynin kacdoon aanay dawlad Somaliyeed maalgalinin oo aanay hubaynaynin inay shacabka Somaliyeed ee Ogadenya ay bilaabi karaan, hadday bilaabaana ay wada karaan muddo dhaafsan hayikaca shacabka (fantasy –  خيال  ). Arintaasi way beenowday, shacabka Somaliyeed ee Ogadenyana waxay u sugeen dawladda Itobiya inay dalka iyagu leeyihiin hadii la heshiinayo iyo hadii la dagaalamayaba.

Maamulka Cabdi iley wuxuu qayb ka yahay hardanka u dhexeeya shacabka Somaliyeed gaar ahaan kuwa Ogadenya iyo gumaysatada Itobiya. Mana aha markii ugu horeysay oo dawlad gumaysi ah ay kula dagaalanto shacabka ay gumaysato mid iyaga ka mid ah oy la mid noqdaan geedkii ku yidhi gudinta ima aadan goyseen hadaanu badhkay kugu jirin.

Dagmooyinka ay magacaabeen Abraha Wolde iyo Cabdi Iley waxay ka mid tahay qorshaha ay ka wadaan Ogadenya ee shacabka gudaha lagu maaweelinayo, kuwa qurba joogta ahna lagu dhacayo xoolahooda. Waxaa durbadiiba loo sameeyay reer walba guddiyo la faray inay la xidhiidhaan Qurba-joogtooda oy ka codsadaan inay soo ururiyaan lacagtii lagu dhisi lahaa degmada reerka loo sameeyay. Gudiyadaa waxaa ugu jira Cabdi Iley mid ama laba oo qasnada u haya. Cabdi iley iyo Abraha waxay noqdeen gofane ku dhagan shacabka saboolka ah oon ka fuqaynin ilaa dab iyo mudac looga fujiyo. La soco.

Noora Afgaab/Jigjiga

 

La wadaag