Opens in a new tab

Dharbaaxadii Wayaanaha ka Qabsatay Frankfurt waa Mid Taariikh ah.

ONA17 April 2011
Read in English
Maalintii sabtida ahayd saacadu markay ku beegneeyd 11.00 barqinimo ayaa waxaa raxa raxan u imanayay goobta banaanbaxa dad kasoo jeeda qoomiyadaha taliska Itoobiya ku hoos nool. Dadkaas ayaa diidanaa shir ay qabaabinaysay Safaarada Itoobiya koox calooshood u shaqaystayaal ah oo wasiiro u ahaa taliska dhiigyacabka ah ee uu madaxda ka yahay Zenawi.
Banaanbaxan  oo si aad ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay shacab aad u badan oo ka soo jeeda somalida Ogadenya, Oromiya, qoomiyadaha koonfureed iyo qoomiyada amxaarada. Guud ahaan qoomiyadahaas waxay si wada jir ah uga soo horjeedeen canaasiirta uu ku adeegto taliska TPLF, kuwaas oo uu u soo diray in ay jaaliyaadka dibada u qabtaan shirar ay ku xaysiinayaan wax qabadka xukuumada Sawaawi.
ka soo qaybgalayasha oo ay aad uga muuqatay Cadho laxaadle ayaa ku dhawaaqayay, Melis waa dabiile, wakhtigiisii wuu dhamaaday, jooji xasuuqa aad shacabak ku hajaysid, Ogadenya haxoowdo, Orimiya ha xoroowdo, waa beenaalayaal kuwan, xaar wayaane, melis ha lakeeno maxakada danbiyada Dagaalka iyo erayo kale oo lagaga soo horjeedo kuwa uu soo diray.
Dadkii  shirka lagu marti qaaday ayaa soo gali waayay goobtii ay ugu tala galeeyn kadib markay arkeen boqolaal ruux oo ka soo horjeeda kooxda Zenawi uu soo diray, waxaa ruuxii galaya lala beegsanayay ukumo ka buuxay dabiilo oo ay wateen banaanbaxayaashu.
Dadkii gudaha Hoolka galay ayaa waxay u badnaayeen mucaaradka waxayna khalkhal galiyeen hab socodkii shirka, ayaga oo kii hadlaba ku lahaa beenaale ayaad tahay waxaad wadana waxba kama jiraan. Kooxdii Wasiirada ahaa waxay awoodi waayeen in ay soo bandhigaan beentii ay soo dhoofiyeen.
Ugu danbeentii banaanbaxa ayaa ku soo gaba gaboobay guul iyo si nabdgalyo ah. dadkii ka soo qaybgalayna ayagoo faraxsan ayay guul kala hoydeen.
ONA Frankfurt
Dhiidhi Nuur
La wadaag