Shir lagu dhisyay guddiga jaaliyadda ee gobolka Gauteng ayaa wuxuu dhacay 25/03/2011 2dii duhurnimo shirkaasoo uu soo qabanqaabiyay gidigii gobolka Gauteng.
Waxaa shirgudoon ka ahaa oo daadihinayay gudoomiyii GB. mudane Maxamed Dahir Colhaye oo si mugleh uga war bixiyay wax qabadkii faraca ee sandkii ina dhaafay. Wuxuu sidoo kale mudane Maxamed D. Colhaye uu war bixindheer ka jeediyay shirka ku saabsan heerka uu marayo halganka gobanimadoonka iyo xaaladaha wadankii ka jirta iyo tabaha cusub ee gumaysiga. .waxaa kaloo uu gudomiyaha xusay abaaraha kajira wadanka Ogadenia iyo cunaqabataynta saran dalka taasoo uu ku tilmaamay inay tahay arin uu gumaysiga ula jeedo inuu kaga aargoosto shacabka.
waxaa kaloo codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay N/hure C/rashid Giileeye oo isagana war bixino koob koban ka bixiyay jaaliyad iyo waxqabadkeeda iyo
guud ahan wadankii.
Waxaa warbixinadii ka dib xilkii wareejiyay gudigii jaaliyadaa horey u soo hogaminayay iyadoo mid waliba uu ka warbixiyay wax qabadkii haayadiisa ama hogaankii uu wakiilka ka ahaa.
Intaa ka dib ayaa waxa laga doortay xubnaha shirkagudi farsamo oo soo xula gudigii hogaamin lahaa faraca. Waxaa gudomiyaha guddiga doorashada loo doortay mudane Axmed Daahir Haruun iyo 4 xubnood oo kale.
Gudiga farsamad ayaa waxy soo hordhigeen shirwaynihii 6dii xubnood ee noqon lahaa guddiga sanadka soo socda hogaminaya faraca Gauteng .. dood dheer kadib ayaa waxa ladoortay guddigii hogaamin lahaa faraca gobolka Gauteng,
oo loo doortay xubnaha kala ah;
- halgame Mukhtaar Cali Gurxan
- halgame C/rashiid sheekh Cabdi
- halgame Axmed Naasir (sinji)
- halgame C/rashiid giileeye
- halgame Huud sheekh badri
- halgame sheekh Faysal Cismaan
shirka ayaa waxa hadlo kooban kasoo jeediyay gudoomiyha cusub ee faraca Gauteng mudane Mukhtaar Cali Gurxan. Sida oo kale waxa shirka khudbado wacyi galin ah kasoo jeediyay mudane C/raxmaan Xeef Khaliif oo xubnaha kula dardarmay in gudiga la doortay ay ula shaqeeyaan sida ugu firfircoon. Halgame Axmed Daahir Haarun ayaa isna kula dardaarmay gudiga la doortay iyo xubnaba inay mujiyan wadashaqayn wanagsan iyo shaqada kor loo sii qaado lana tayeeyo lagana hortago tabah cusub ee gumaysiga uu adeegsanayao.
waxa sidoo kale khudbad gaaban ka jeediyay goobta mudane C/rashiid(goljano) oo xubnaha ka codsady inay Ilahay u baryaan in xilka loo doorty uu Ilaahay ku asturo.
Shirkan oo bilowday abaarihii 2:00 duhirnimo ayaa wuxuu dhamaaday 7.00 fiidnimo isagoo ku soo dhamaaday guul iyo waji farxadeed.
ONA/JOKA
A meeting to form the community committee of Gauteng province took place on 25/03/2011 at 2 in the afternoon, a meeting organised by the outgoing committee of Gauteng province.
The meeting was chaired and moderated by the branch chairman, Mr Maxamed Dahir Colhaye, who gave a substantive report on the branch's activities over the past year. Mr Maxamed D. Colhaye also delivered a lengthy report to the meeting on the current state of the independence struggle, the situation in the homeland and the colonisers' new tactics. The chairman also mentioned the drought in Ogadenia and the blockade imposed on the country, which he described as a matter through which the coloniser intends to take revenge on the people.
Also welcomed to the microphone was the deputy chairman, C/rashid Giileeye, who likewise gave a brief report on the community and its activities, and on the homeland in general.
After the reports, the committee that had previously led the community handed over its duties, with each member reporting on the work of their office or the leadership they had represented.
After that, a technical committee was elected from among the meeting's members to select the committee that would lead the branch. Mr Axmed Daahir Haruun and 4 other members were elected to the election committee, with him as its chairman.
The technical committee presented to the general meeting the 6 members who would form the committee leading the Gauteng branch for the coming year. After a long debate, the committee that would lead the Gauteng province branch was elected,
consisting of the following members:
- Freedom fighter Mukhtaar Cali Gurxan
- Freedom fighter C/rashiid sheekh Cabdi
- Freedom fighter Axmed Naasir (sinji)
- Freedom fighter C/rashiid giileeye
- Freedom fighter Huud sheekh badri
- Freedom fighter sheekh Faysal Cismaan
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
