Dalka Masar ayaa Madaxweyne loo doortay Dr. Maxamed Mursi oo ah murashaxa ka socday xisbiga Xoriya iyo Cadaalad oo ah xisbiga Akhwaan al Muslimiin.
Guddoomiyaha Guddiga doorashada Dr.Farouq Sultan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Madaxweyne loo doortay Dr. Maxamed Mursi. 15ban Bilood oo halgan adag ah ka dib ayaa waxaa u soo hoyatay shacabka reer Masar Guul weyn taas oo sababtay inay xukunka ka eryaan Maxamed Xusini Mubaarak iyadoon la filaynin in laga qaadi karo xukunka.

Maalintii la eryay Xusni Mubaarak iyo maanta oo shacabka Masaru u si xor ah u doortay markii ugu horeysay taariikhda dalkaa madaxweynihii ay rabeen waxay ka soo gudbeen marxalado adag oo hadhaagii xukunkii hore ay isku dayahayeen inay xagal daaciyaan kacdoonka shacabka Masar. Hasa ahaatee dhalinyarada Masar ayaa si gaar ahaneed sutida ugu qabtay kuwaa oo ishortaagay in dib oo celiyo cajalada taariikhda tawradda shacabka.
Dr. Maxamed Mursi waa madax weynihii ugu horeeyey oo doorasho xor ah ku yimid dalka Masa, waa madaxweynihii ugu horeeyey ee shacab ah tan iyo markii Boqorkii Masar Faaruuq ay ciidamada ka tuureen xukunka, waa madaxweynihii ugu horeeyey oo lagu tiriyo inuu yahay islaami ee si Dimuqraadiyad ah loo doorto. Dr. Mursi waa Injineer ka qaatay shahaadada Master-ka jaamadda Qaahira, ka dibna Ph.D ayuu ka qaatay 1982dii jaamacad Mareykan ah University of South California.
Shaki iyo walaac badan ayaa abuurmay markii lala daahay ku dhawaaqidda rasmiga ah ee natiijada doorashada taasoo keentay inuu shacabka mar 2aad dib ugu soo noqdo Maydaanka caanka ka noqday caalamka ee Taxriir iyagoo diidan golaha sare ee militeriga oo awoodoodii xukunka sii kororsaday.
Dadka siyaasadda Masar u kuur gala ayaa ku tilmaamay in laga yaabo in golaha sare ee Militariga oo xukunka si ku-meel gaadh ah u sii haya ay heshiis la galaan Madaxawynaha la doortay si aanay isugu dhicin oo dib loogu saxo heshiisyadii la saxiixay xilligii Madaxweynihii hore ee Xusni Mubaarak iyo intii ka dambaysayba.
Natiijadii doorashada ee si kama dambays ah loogu dhawaaqay maanta wuxuu helay Dr. Maxamed Mursi 13.2 Milyan oo cod oo u dhiganat 51%. Halka uu helay ninkii la tartamayey isaga oo ahaa Gen. Axmed Shafiqi 12.3 milyan oo cod oo u dhiganata 48%. Axmed Shafiqi wuxuu ka soo jeeday Xukumadii madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Xusni Mubaarak, wuxuuna ahaa ra’aisal wasaarihii ugu dambeeyay ee Xusni Mubaarak uu jagadaa u magacaabo.
Waxaa ka socda saacadan aynu mareyno damaashaad iyo dabaaldag ay isugu soo baxeen malaayiin qof Maydaanu taxriir iyo gabi ahaan dalka Masar.
Waa guul u soo hoyatay shucuubta Carabta iyo shucuubta Afrikaba, maadama ay Masar tahay dawlad weyn oo ta’thiir weyn ku leh Afrika iyo Bariga Dhexe labadaba.
Halkan ka daawo damaashaadka ka socda Maydaanu Taxriir –
Halkan ka daawo kacdoonkii lagu eryay Xusni Mubaarak –
ONA.
Between the day Xusni Mubaarak was ousted and today, when the Egyptian people freely elected the president they wanted for the first time in the country's history, they went through difficult stages in which the remnants of the former regime tried to derail the Egyptian people's uprising. However, the youth of Egypt in particular stood firm against those who tried to turn back the clock of history on the people's revolution.
Dr. Maxamed Mursi is the first president to come to power through a free election in Egypt, the first civilian president since the army overthrew King Faaruuq of Egypt, and the first president regarded as an Islamist to be democratically elected. Dr. Mursi is an engineer who obtained his Master's degree from Cairo University, and then obtained his Ph.D in 1982 from an American university, the University of South California.
Much doubt and concern arose when the official announcement of the election result was delayed, which led the people to return for a second time to Tahrir Square, which has become famous around the world, in opposition to the Supreme Military Council, which had further increased its powers of rule.
Observers of Egyptian politics have suggested that the Supreme Military Council, which is temporarily still holding power, may reach an agreement with the elected President to avoid a clash and so that the agreements signed during the time of former President Xusni Mubaarak and afterwards are revised.
In the election result officially announced today as final, Dr. Maxamed Mursi received 13.2 million votes, equivalent to 51%, while his opponent, Gen. Axmed Shafiqi, received 12.3 million votes, equivalent to 48%. Axmed Shafiqi came from the government of the ousted president Xusni Mubaarak, and he was the last prime minister Xusni Mubaarak appointed to that post.
At this very hour, celebrations and festivities are taking place, with millions of people gathering in Tahrir Square and throughout Egypt.
It is a victory for the Arab peoples and the African peoples alike, since Egypt is a major state with great influence in both Africa and the Middle East.
Watch the celebrations in Tahrir Square here -
Watch the uprising that ousted Xusni Mubaarak here -
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
