Opens in a new tab

Gudomiyaha Jaaliyada Koonfur Afrika oo Kawaramay Banaanbaxii ka Dhacay South Africa

ONA16 June 2015
Read in English
Gudoomiyaha Jaaliyada Koongur Afrika Halgame Maxamed Daahir Colhaye oo u waramay Warbaahinta ONA ayaa ka xogwaramay Banaanbaxii weynaa ee shalay lagu qabtay wadanka south Afrika.
 
Gudoomiyaha ayaa sheegay in mudaharaadkan in muddo aheydba lawaday qorshihiisa aadna loogu guuleystay, waxaa noo hirgalay in aan helno Oggolaanshaha Banaanbaxa oo muddo dheerba aan sii heysanay, waxaa sidoo kale xidhiidho lasameynay oo mudaharaadkan nagala qeyb qaatay ururada u ololeeya Qadiyada Falasdiin oo iyagu caan ku ah qorshayaashan ururadaas oo xidhiidh wanaagsan jaaliyada leeyihiin. Waxaa kale oo noo hirgashay In aan Saxaafad badan kusii wargalinay banaanbaxan kuwaas oo dhamaantood kaqeybqaatay tabinta Mudahraadkan. Jaaliyadu waxaa ay mudaharaadkan u fidisay oo kala qeyb qaatay iyana Jaaliyada Oromada iyo qowmiyadaha kale ee ku dulman taliska Woyaanaha.
Yaad ku Mudaharaadayseen?
Ujeedada mudaharaadku waxa uu ahaa in marka hore aan caalamka u sheegno dhibka nagasoo gaadhey haysashada gumeystaha Ethiopia ee dhulka Ogadeniya iyo sida caalamku indhaha uga xidhanayaan tacadiyadaas loo geysanayo shacabka. Mida labaad waxay aheyd in caalamka aan gaadhsiino codkayaga. Waxaa kale oo aan rabnay inaan canbaareyno in dalka South Africa ay yimaadaan Madax ku sheegta taliska Ethiopia oo ah kuwa xasuuqa u geysta shacabka Ogadeniya anaga oo tusayna in cadawgayagu arko in meel walba aan taaganahay xaqayaga iyo Xoriyadayadana aan sidaas lagu haysan Karin.
Dacwad maxaad uga dhigi weydeen taliska Woyanaha?
Way jirtaa arrintaas inaan isku daynay, waxaana kasooqeyb galay banaanbaxan Looyaradii Jaaliyada, waxaa la isku dayay in dacwad laga dhigo sida madaxweynaha Sudan oo kale, balse arrintaas arrimo dhinaca farsamada ah awgeed waxaan go’aansanay in aan dib u dhigano, oo dacwadii horey u tiilay lasii xoojiyo.
Dad intee le’eg baa kasoo qeyb galay
Banaanabxa waxaa kazoo qeybgalay dad aad u tiro badan oo kabadan tiradii aan u gudbinay Poliska, alxamdulilaah laakin si wanaagsan oo nidaamsan ayuu u dhacay.
Saxaafada kasoo qeyb gashay eed la kulanteen maxaad nooga sheegi kartaa
Waxaa noo yimid Saxaafad aad u tiro badan waxaana kazoo qaadan karnaa South Africa Broadcast Corporation (SABC), Reuters, Soweto TV, Pretoria News, Media review Network,, Turkey News Agency, Cape Talk radio, kuwaas oo dhamaantood naga qaaday wareysi tiro badan. Waxaa kale oo si toosa ah u soo tabinaysay banaanbaxan Saxaafada halganka ee Ogadeniya iyo Oromada iyo midka Axmaarada.

ugu-danbayntii Gudomiye Maxamed Daahir Colhaye ayaa amaan usoo jeediyay jaaliyada Ogaadeniya ee Koonfur Afrika dadaalka ay muujiyeen, waxuuna u sheegay warbaahinta ONA in jaaliyada South Africa ay heer sare dadaalkeedu gaadhay kana go’antahay jaaliyadaas inay fuliyaan howlaha halgan ee loo idmay.
Warbixintan kooban waa Xogwaran kooban oo uu bixiyay Gudoomiyaha Jaaliyada Koonfur afrika.
ONADSC04229
 
 
 
 
La wadaag