Intaanan ka faaloonin dagaalka gumaysiga Itobiya uu ku hayo shacabkeena ee nafsiga ah, ujeedada uu ka leeyahayna ay tahay inuu mugdi galiyo hadafkii umadda ee waligiiba ahaa in shacabka Ogadenya u madax-banaanaado aayihiisa, waxaan qaybaha soo socda ku ifin doonaa shucuubta caalamka ee soo maray halgan dheer, ugu dambayntiina gaadhay hadafkoodii, siday ugu adkaysteen dhibaatadii loo gaystay shacabkooda si loo jabiyo Iraadadooda.
Awoodda ugu weynee Ilaahay uu siiyay aadanaha waa –Iraada (إرادة Will) xoog badan oon la loodin karin. Ereygan Iraada, markaan macnihiisa ka raadiyay afkeena, waxaan ka badin waayay in aan u daayo sidiisa oo carabi ah, sababtoo ah waa erey ka guda weyn (Rabitaan) oo tilmaamaya awood balaadhanoo uu Ilaahay siiyay aadanaha. Waxaana dhab ahaan loo ogaaday in Iraada-da qofka, markuu go’aansado inuu gaadho hadafkuu astaameystay ama u god galo ayna jirin awood ishortaagi karta. Sidoo kale, Iraada-da shacabka oo isbiirsaday oo u istaagay inay gaadhaan hadaf ay astaameysteen awood ka guulaysan karta ma jirto. Waa meesha uu gabayaagii Tuunisiga ahaa, Abul Qaasim Al-Shaabi, gabayguu tiriyay ee caanka noqday uu leeyahay; Haduu shacab maalin un doono nolol (xoriyad), waxaa la hubaa inuu qadarkana ajiibayo.
إذا الشعب يوما أراد الحياة فلا بد أن يستجيب القدر
Arintaasi waa dhab la xaqiijiyay. Iraada-da shucuubta waa awood aad u xoog badan oy adagtahay in laga adkaado. Hadaanay arintaasi dhab ahayn oy jirto awood lagu maquunin karo Iraada-da (Rabitaanka) shacab u dhaqaaqay inuu xor noqdo, lama heleen shacab ka xorooba gumaysi. Sababtoo ah, gumaysiga markasta xoogga maadiga ah, hadday tahay mid ciidan, qalab militari, dhaqaale, saaxiibo u hiiliya, intaba wuu kaga awood badan yahay shacabka uu gumaysanayo. Wuxuuna adeegsanayaa awoodiisa ugu badan inuu kula dagaalamo shacabkaa markay go’aansadaan inay u halgamaan xoriyadooda.
Awoodaa maadiga ah ee ugu muuqda gumaysiga iyo kuwa la socda, inuusan jirin wax loodin kara, waxaa ugu dambaynta ka adkaada oo jabiya Iraada-da shacabka halgamaya. Taariikhda caalamka mid fog iyo mid dhowba markaad fiiriso, waxaad ogaanaysaa in Iraada-da shacabka uu yahay awood ay adagtahay in la jabiyo. Tusaale ahaan, shacabka Vietnam wuxuu dagaal lagalay laba dawladood oo ka mid ahaa kuwii ugu awooda badnaa caalamka. Faransiiska iyo Mareykanka. Dagaaladaa oo socday intii u dhaxaysay (1945-1973), waxaa kaga dhintay shacabka Vietnam sagaal sano oo Mareykanka uu dagaalka dhab ahaan ugu qaaday hal malyan iyo saddex-boqoloo kun (1.3million). 28kii sano oo shacabka Vietnam uu halgamayay waxaa kaga dhintey in ka badan 3ex malyan oo qof. Mareykanka wuxuu ku tijaabiyay hub kasta oo warshadihiisa ay soo saareen, ugu dambayntii waxay noqotay inay si fadeexad ah uga cararaan magaalada Saigon. Waxaa intaa dheer oo la socday ciidamada Mareykanka oo ka garab dagaalamayay ciidan xoogan tiro iyo qalabba oo ka socday dawlad ku magacaaban Koonfurta Vietnam (Republic of Vietnam). Sidoo kale halganadii shacabka Algeria, midkii Ertrea ama halgankii midab-takoorka Koonfur Afrika oo intaba la dagaalamayay dawlado iyo ciidamo ka xoog badan tiro iyo qalab ciidanba, ugu damabyntii waxaa ka adkaaday oo jabiyay Iraada-da aan la loodin karin ee shacabka u istaagay inay gaadhaan hadafkooda.
Shacabka markuu yidhaahdo; Waxaan doonaynaa in aan ka xorowno gumaysiga, waxay ka horyimaadeen awood ka xoogbadan oo doonaysa inay gumaysato. Sidaa darteed, dagaalka dhabta ah waa mid u dhexeeya Iraada-da shacabka iyo awood gumaysiga oo ka soo horjeeda rabitaankooda. Dagaalka ugu weyn ee gumaysiga uu ku qaadayo shacabka wuxuu ku wajahan yahay inay jabiyaan Iraada-da shacabkaasi, taasoo loo yaqaano Jabinta Iraadada Cadawga (Breaking the Will of the Enemy). Umadda u halgamaysa xoriyad iyo inay difaacaan dalkooda lagama adkaanin intay leeyihiin Iraado xoogan oo aanay ka quusanin rabitaankooda. Ujeedada gumaysigana waa inuu shacabka, gaar ahaan dhalinyarada iyo facaada soo kacaysa, ka quusato inay ka xaroobi karaan.
Tusaale dhow oo lagu tilmaami karo mucjisada qarnigan, waxaa loosoo qaadan karaa halganka ree Gaza ay kula jiraan dawladda ugu xooga badan ciidan ahaan Bariga dhexe uguna saaxiiba badan caalamka ee Israel. Waa hardan u dhexeeya Iraada-da shacabka Falastiin iyo xoogga ciidan ee Isreal.
Gaza waa dhul yar oo u dhexeeya Masar iyo Yuhuuda. Dhererka waa 41km, baladhkuna waa 6-12km. Waa maalin socod dhanwalba ah. Waxaa intaa dheer xadka u dhexeeya Gaza iyo Yuhuuda oo 2-3Km aan cidna loo ogolayn inay soo galaan (bufeer zone). Laga bilaabo 2006dii markuu xisbiga Xamas ku guulaystay doorashadii baarlamaanka Falastiin ilaa maanta waxaa saran Gaza cunaqabatayn aan horey caalamka uga dhicin oo dhanwalba ah. Gaza waxay leedahay xeeb dheer, hasa ahaatee waxaa loo diiday kaloomaysatada inay dhaafaan 3km oo badda ah. Dawladda Masar oo ah dawladda Carbeed ee kaliya oy xad wadaagaana way ka xidhatay albaabkii Rafax halkaasoo ay ka dhoofi jireen ardayda, bugtada, qurba-joogtooda. Dadka dagan Gaza oo lagu qiyaaso 1.8milyan qof waxaa lagusoo ooday halkaa oo lagu yidhi kama bixi kartaan ilaa aad aqoonsataan jiritaanka Israel, ood ogolaataan inuusan jirin dhul idinka maqan ood u halgmaysaan. Siday uga jawaabeen shacabka Gaza cunaqabataynta saran iyo dagaalka joogtada ah ee ciidanka xooga badan uu kusoo qaadayo labadii sanaba mar.
La socda.
Noora Afgaab/Jigjiga
The greatest power God has given human beings is –Iraada (إرادة Will), a mighty force that cannot be overcome. When I searched for the meaning of this word Iraada in our language, I could do no better than to leave it as it is in Arabic, because it is a word deeper than (Desire) and denotes a vast power that God has given human beings. It has truly been established that when a person's Iraada resolves to reach a goal they have set or to risk everything for it, there is no power that can stand in its way. Likewise, there is no power that can defeat the Iraada of a people who have united and risen up to achieve a goal they have set. This is where the Tunisian poet Abul Qaasim Al-Shaabi says, in his famous poem: If one day a people wills to live (freedom), destiny is certain to respond.
إذا الشعب يوما أراد الحياة فلا بد أن يستجيب القدر
That is a proven truth. The Iraada of peoples is an extremely strong power that is hard to defeat. If that were not true, and there existed a power that could subdue the Iraada (Will) of a people who have moved to become free, no people would ever be found who freed themselves from colonialism. This is because the coloniser is always more powerful than the people it colonises in material strength, whether troops, military equipment, economy or allies who back it. And it uses the greatest part of its power to fight that people when they decide to struggle for their freedom.
That material power of the coloniser and those with it, which appears to be unmatched, is ultimately overcome and broken by the Iraada of the struggling people. When you look at world history, both distant and recent, you find that the Iraada of a people is a power that is hard to break. For example, the people of Vietnam fought against two states that were among the most powerful in the world: France and America. In those wars, which lasted between (1945-1973), the people of Vietnam lost one million three hundred thousand (1.3million) in the nine years during which America actually waged the war. In the 28 years that the people of Vietnam struggled, more than 3 million people died. America tested every weapon its factories produced, and in the end they had to flee the city of Saigon in disgrace. In addition, fighting alongside the American troops was a force strong in both numbers and equipment belonging to a state called South Vietnam (Republic of Vietnam). Likewise the struggles of the people of Algeria, that of Eritrea, or the struggle against apartheid in South Africa, all of which fought against states and armies stronger in numbers and military equipment, were in the end won by the unstoppable Iraada of peoples who rose up to achieve their goal, which overcame and broke their enemies.
When a people say: We want to free ourselves from colonialism, they confront a stronger power that wants to colonise them. Therefore, the real war is one between the Iraada of the people and the power of the coloniser that opposes their will. The greatest war that colonialism wages against a people is aimed at breaking the Iraada of that people, which is known as Breaking the Will of the Enemy. A nation struggling for freedom and to defend its country has never been defeated as long as it has a strong Iraada and does not despair of its aspiration. And the aim of the coloniser is for the people, especially the youth and the rising generation, to despair of ever being able to free themselves.
A recent example that can be described as the miracle of this century is the struggle the people of Gaza are waging against Israel, the militarily strongest state in the Middle East and the one with the most allies in the world. It is a contest between the Iraada of the Palestinian people and the military might of Israel.
Gaza is a small territory between Egypt and the Jews. Its length is 41km and its width is 6-12km. It is a day's walk in every direction. In addition, along the border between Gaza and the Jews there is a 2-3Km strip that no one is allowed to enter (buffer zone). From 2006, when the Hamas party won the Palestinian parliamentary elections, until today, Gaza has been under an all-encompassing blockade unprecedented in the world. Gaza has a long coastline, but fishermen have been barred from going beyond 3km out to sea. The Egyptian government, the only Arab state with which it shares a border, has closed off the Rafah gate, through which students, the sick and its diaspora used to travel. The people living in Gaza, estimated at 1.8 million, have been fenced in there and told: you cannot leave until you recognise the existence of Israel and accept that there is no land missing from you for which you are struggling. How the people of Gaza have responded to the blockade imposed on them and to the continuous war that the powerful army launches against them once every two years.
To be continued.
Noora Afgaab/JigjigaAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
