Opens in a new tab

Haduu Nabar Idin Soo Gaadho (Dhimasho iyo Dhaawac) Qoladiina (Cadowga) Waxaa Gaadhay Nabar (Dhimasho iyo Dhaawac) Kaa Lamid ah! by: Xaaji M/Rashiid

ONA9 April 2016
Read in English

Suuratu Aali Cimraan, Aayada 140 aad-إِن يَمْسَسْكُمْ قَرْحٌ فَقَدْ مَسَّ الْقَوْمَ قَرْحٌ مِّثْلُهُ

Haduu Nabar idin soo gaadho (dhimasho iyo dhaawac) Qoladiina (Cadowga) Waxaa gaadhay Nabar (dhimasho iyo dhaawac) kaa lamid ah.

Bismillaah, Alxmadu Lillaah- Waxaad ogtihiin laga soo bilaabo markii udbaha loo taagay dunidan ee lagu talaalay bani,aadamka inay durbadiiba ka dhex bilowday hardan ku salaysan xaq iyo baadil oy kala hogaaminayaan Daalim iyo isdifaace. Madaama oy tahay xaalad si wayn cid waliba ula socota ma doonayo inaan kusii dheeraado arinkaas ee waxaa kaliya oo muhiim ah inaan ujeedada karaaco. Waxaa dhab ah inay noloshu ku wacantahay in la is amaan galiyo, hadii la isu baahdana in deeq la is waydiisto, hadii lakala waayana in dayn la is waydiisto, hadii lakala waayana in duco lakala dalbado. Waxaan is leeyahay hadii dadyowgu intaa kala heli lahaayeen buuqan iyo qiiqa joogtada ahi ma oogsadeen!

Hadii la diiday in la is daayo ama lagu wada dhaqmo dariiqa saxda ah een soo sheegay isla markaas uu yimaado gacan kahadal horta waa su’aale yay u daran tahay? Ma jirtaa cid iyadu Dhagxaan iyo Biro ka samaysan oo hadii Rasaas iyo qool lala dhaco aan xanuunsanaynin isla markaana aan dhiig kasoo daadanaynin? masi jirtaa cid laba nafood leh oo haday midi daaqada ka baxdo ay midi usoo hadhayso? Waxaa intaa dheer inayna cidina dhul ka foodhac ahayn oo ruux waliba leeyahay Waalid, Walaal iyo Maxas intaba. Hadii la isu daba marana cid walba way saameynaysaa oo jidhku wuu dubaaxinayaa.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mandiqada Caalamka looga yaaqaano Ogaden oy la fac,tirsatay Taariikhda is difaacida ku dhisan ayaa noqotay mid si wayn uga soo shaac baxday guud ahaan caalamka. Runtii waa bulsho ay u kala cadahay waxay doonayaan iyo waxay diidanyihiin oo leh meel loogu soo aado. Waa bulsho jiilba jiil u dardaarmayo inayna ogolaanin dulinimada ay marwalba kala kulmayaan Axmaarada ay gaajada iyo faqrigu kasoo daahireen ee la kacaakufaya Qoriga ay rasaasta ugu soo shubeen gacmaha shisheeye ee danaystayaalka ah.

Sidaad horayba Indhaha ugu soo dhufateen waxaynu maanta darsaynaa Aayada Qur’aanka ah oo u muuqata mid lagula hadlayo dadka calaacalka lasoo taagan ee qaadanwaaga dhibku ku dhacay ama hadaan si kale u dhigo ku hadaaqaya- waanu dhimanay, waanu dhaawacanay iyo waanu baaba’nay. Waxaabad moodaa in la leeyahay war Dhareerka isku duwa cadowgiiba waxaa soo gaadhay intaas oo kalee! Bal adiguba akhristow hadaad si fiican u dhuuxdo micnaha Aayada maxaa kaaga dhadhamaya? Haduu Nabar idin soo gaadho (dhimasho iyo dhaawac) Qoladiina (Cadowga) Waxaa gaadhay Nabar (dhimasho iyo dhaawac) kaa lamid ah! Suuratu Aali Cimraan, Aayada 140 aad-إِن يَمْسَسْكُمْ قَرْحٌ فَقَدْ مَسَّ الْقَوْمَ قَرْحٌ مِّثْلُهُ
Waxaa iyaduna xusid mudan in ruuxii Aayada sii akhriya oo arkayo iyadoo halgamaaga farta kasaaraysa xaaqiiqda ah inay guushu tahay nimba maalintiisa.

Aayadan wanaagsan qolo gaar ahi iskama leh oo way shaqaynaysaa ilaa Qiyaamaha, balse hadaan halganka Ogadenya ku dabaqo waxaan leeyahay Haday agoontoobaan caruur kamid ah Somalida Ogadenya waxaa sidoo kale agoontoobay caruur Axmaaraad. Haday Asay qaado Marwo ree ogadenya ah waxaa iyaduna maro madow isku duubtay haweenay idifsan oo axmaara! Hadii qoys S.ogadenya ah ruux ka shahiido ooTacsi soo wajahdo isla markaana loo fadhiisto in la quraamo shahiidka, dhanka kale waxaa qiiqa budhbudhinaya qoys kale oo ku sugan Maqale iyo Goojaan oo iyaguna Tacsi u fadhiya. Walaalayaal miyuuna garnaqsigan aynu aayada kala soo dhex baxnay noqon karin wax lagu qanci karo! jawaabta idinkaan idiin daayay.

Waxaa marwalba halgamaha looga baahanyahay inuu ku baraarug,sanaado oo uu maskaxda iyo maankaba ku hayo in maamulka koonku gacanta ugu jiro ilaahay Caza Wajalla. Waxaa dhab ah inuu Amarkiisu soconayo oyna jirin cid ka kahor imaan karta. Waxaa kale oo dhab ah inuu wax waliba agtiisa ku leeyahay Madal iyo waqti uuna dhaafi karin. Midaa kasoo horjeedkeeda waxaa noqonaysa in doonista bani,aadamku ayna mar walba u dhacaynin siduu isagu jeclaa, balse ay wax is daba mari karaan. Si kastaba ha ahaatee waxaa hubaal ah inay fashilmayso cid kasta oo halgankeeda Madal u qabata.

Gabagabadii hadaan ahay Qoraaga qoraalkan aad dul taagantahay oo si wayn u aaminsan inayna sidaa u dheerayn goorta ay kala yaacayso guumaystada itoobiya, ayaa waxaan leeyahay ilaahow yaa u noolaada Raq xumideeda!

Guushu gobanimo doonka ha raacdo, Aamiin – Guuldaraduna Guumaystaha ha raacdo, Aamiin.

Xaaji M/Rashiid Aw Macalim
Qoraa madax banaan

La wadaag