Tan iyo bilowgii ilbaxnimadii aduunka waxay dhalin yaradu ahaayeen laf dhabarta bulshooyinkooda. Waxaase qiimhii dhalin yarad meesha ka saaray xukuumadaha kali-taliska ah gaar ahaan marka ay ku daahaan xukunka iyagoo xoogaga dhalinyarada u isticmaala sidii aalad aan lahayn mustaqbal, iyadoon la tix galinin rabitaanka dhalinyarada iyo xaquuqdooda midnaba.
Wadamad dimuqraadiga ah dhalinyarada codkooda waa miduu siyasi kasta oo raba inuu ku soo boxo doorashada u baahanyahay ama xisbigii doonaya inuu sii waaro kaasoo u carbiya dhalinyarada la wareega talada xisbigaa. Meesha wadamada digtaatoorka ah ay xoogga dhalinyarada u isticmaalaan in lagu cabudhiyo xoogaga ka soo horjeeda diktaatoorka iyagoo dhalinyarada u adeegsada inay ku fushadaan isbadalada danta u ah maamuladaa diktaatooriga ah.
Waxaa xaga kale isu rogay dhamaadkii sanadkii tagay aduunkii kali-talisyadu ku amar kutaag layn jireen, iyadoo sanadkaa lagu sagootiyay haraati xoog leh oo dib u soo celisay awoodi iyo haybadii dhalinyarada duniada gaar ahaan Carabta oo sida sunaamigii ay xoogagii dhalinyarada u burburiyeen xukuumadihii kali-taliska ahaa.
Isbadalada ay dhalinyarada ka wadaan dunida saddexaad waa mid dan u ah shucuubta oy kaga xoreynayaan xukuumado Kali-talis ah oo horumarkii dalalkaa hagaasiyay isla markaana shucuub faqri iyo xoriyad la’aan ku nool.
Hadaan u soo noqono qadiyadeena dhalinyarada ku midowday ururka dhalinayarada ee OYSU kama madhna dareenkooda duufaanada isbadalka ee adunka dacaladiisa kasocda, waxaayna gaarsiiyeen laamaha ururkooda aduunka oo idil, iyagoo ujeedadoodu tahay in la xoojiyo dadaalka lagaga xoreynayo dalka Ogadenya gumaysiga Itobiya iyo kaligi taliye Zinaawi. Wuxuu ururka dhalinyarda iyo ardaydu si xoogan u abaabulayaan dhalinyrada qawmiyadaha kalee ku jira xayndaabka Itobiya sidii isbadal lamid ah ka ay keeneen dhalinta Tunisya iyo Masar looga hirgalin lahaa Itobiya guud ahaan.
Hawla badan ayuu qabtay ururka dhalinyarada Ogadenya mudadii yareydee uu jiray. Si loo hirgaliyo barnaamijyada ururka Midowga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenia wuxuu fuliyay ururka arimahan soo socda;
- Midaynta dhalinyada walaalaha ah ee dunida kukala baahsanaa.
- Inuu ka hortago qof dhalin yara ah oo ushaqeeya cadowga.
- Inuu ururka dhalinyadu noqdo kaabadii isku xidhi lahayd bulshada Ogadenia laamaheeda kala duwan.
- Inuu ururka dhalinyadu u noqdo halganka waran iyo gashaan.
Ururka OYSU iyagoo ka duulaya ahdaaftaa waxay soo dhawaynayaan dhamaan dhalinyarada inay xubin kanoqdaan ururka gaar ahaan dhalinyarada xubnaha ah iyo taageerayaasha qadiyad ogadenia.
Ururka dhalinyradu wuxuu ugu baaqayaa dhalinyarada aaminsan xaqnimada qadiyada xoraynta dalka Ogadenya in ay ku soo biiraan daladda ururka si loo mideeyo dadaalka loogu jiro xoraynta dalka hooyo.
Ugu dambayntii waxaa laga doonayaa qofka dhalinyarada ah inuu ku tijaabiyo awoodiisa wax u qabadka dadkiisa, kana feejignaado in awoodiisa loo isticmaalo burburinta iyo dhibaataynta dadkiisa.
Qormadan lagu cabirayo halkudhiga howsha ururka dhalinyarada oo ah – Halgan qarni jirsaday ayaad ku abtirsataaye war hakaa hadho – wuxuu noqon doonaa qormo joogta ah oo dhalinta loogaga warbixiyo howsha da’yartu wado.
Guuuul gobanimo
Omar jigjiga – ONA/KA
Since the dawn of world civilisation, young people have been the backbone of their societies. However, the value of youth has been undermined by dictatorial governments, especially when they cling to power, using the strength of young people as a tool without a future and without regard for either the wishes of the youth or their rights.
In democratic countries, the youth vote is something every politician who wants to succeed in an election needs, as does any party that wishes to endure, which trains young people to take over the leadership of that party. Dictatorial countries, by contrast, use the strength of youth to suppress forces opposed to the dictator, using young people to carry out changes that serve the interests of those dictatorial administrations.
On the other hand, at the end of last year the world in which dictatorships used to rule by decree was turned upside down. That year ended with a powerful uprising that restored the power and prestige of the world's youth, especially in the Arab world, where, like a tsunami, the force of young people brought down the dictatorial governments.
The changes young people are bringing about in the Third World serve the interests of peoples who are freeing themselves from dictatorial governments that have stalled the development of those countries while their peoples live in poverty and without freedom.
Turning to our cause, the young people united in the youth organisation OYSU are not unaffected by the storms of change sweeping across the world, and they have communicated this to their organisation's branches around the world, with the aim of strengthening efforts to liberate the land of Ogadenia from Ethiopian colonialism and the dictator Zenawi. The Youth and Students Union is also vigorously mobilising the youth of the other nationalities within Ethiopia's borders so that a change similar to the one brought about by the youth of Tunisia and Egypt can be achieved in Ethiopia as a whole.
The Ogadenia youth organisation has carried out a great deal of work during the short time it has existed. In order to implement the programmes of the Ogadenia Youth and Students Union, the organisation has carried out the following:
- Uniting the fellow young people scattered across the world.
- Preventing any young person from working for the enemy.
- Making the youth organisation the bridge that connects the various branches of Ogadenia society.
- Making the youth organisation the spear and shield of the struggle.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
