Daqiiqad wax ka yar oo loo ogolaaday TV-ga dalka inuu ka hadlo ayuu Lauren Gbagbo M/w horee dalka Ivory Coast ee diiday in doorashada lagaga guulaystay wuxuu ka codsaday taageerayaashiisi inay joojiyaan dagaalka oy hubka dhigaan. Maalin ka hor ayuu isla isaga wuxuu kula dardaarmayay ciidankiisii ku xeernaa inay dagaalamaan ilaa ninka ugu dambeeya uu ka dhinto. Dabeecadaha Kali-taliska ayay ka mid tahay inuusan waaqica marnaba aqoonsanin ilaa daqiiqada ugu dambaysa xukunkiisa.
Sida lala wada socdo doorashadii ka dhacday dalkaa ayuu caalamka dhamaantii wada aqoonsaday in lagaga guulaystay Gbagbo hasa ahaatee waxaa arintaa diiday oo ka doorbiday dagaal iyo in la burburiyo dalka isaga iyo intii ku xeernayd ee gacanta ku haysay dhaqaalaha dalka ivory Coast ee hudanka ku ah geedka loo yaqaano Cocoa-ga ee laga sameeyo shukulaatada iyo waxa la halmaala. Dalkan ayaa ka mid ahaa dalalka ugu dhaqaalaha roon Afrika.
Dadka Ivory Coast oo lagu qiyaaso inay dhan yihiin 20 Milyan ayaa qlibiyadooda ay yihiin muslimiin waqooyiga dalka dagta, diinta ku xigtaan waa masiixiyadda Roman Catholic. Dagaal sokeeye oo dhiigbadan uu ku daatay ayaa ka qarxay 2002dii kaasoo lagu soo afjaray dawlad wadaag ah 2007dii, iyo in la qabto doorasho caalamka uu ka yahay ilaaliye. Dooarsahadaa oo dhowr jeer dib loo dhigay ayaa la qabtay 2010, kaasoo goobjoogayaashii ay dhamaantood isla qireen inuu ku guulaystay M/Weyne xassan Watara oo ah nin aqoon fiican leh in badanna ka soo shaqeeyay ururo caalami ah. Lauren Gbagbo ayaa ku gacan saydhay isla markaana dagaal ku qaaday meelihii ay fadhiyeen ciidamada taageera Mr. Watara. Dagaal aan waxba la’isula hadhin ayaa ka qarxay oo caalamka badankii uu taageeray M/W Xassan Watara, iyadoo dhamaan dhaqaalihii laga jaray Gbagbo iyadoo waliba la xanibay lacagihii u yiilay dalka dibadda inuu la soo boxo. Ciidanka Faransiiska oo saldhig ku leh dalka Ivory Coast ayaa markuu dagaalka soo gaaray caasimada Abidjan faraha la soo galay oo dayaarado ku burbiriyay tiknikadii Lauren Gbagbo.
Dhamaan madaxda caalamka ayaa taageeray qabashada la qabtay ninkan macangaga ah ee diiday inuu u hogaansamo rabitaanka shacabkiisa. M/Weyne Obama ayaa soo dhaweeyay kuna tilmaamay qabashadiisa inay tahay guul uu gaaray shacabka Ivory Coast oo dhibaato badan kala kulmay Gbagbo siduu yidhi Obama.
Waxaa ugu hadal fiicnayd Wasiiradda Arimaha Dibadda Mareykanka Mrs. Clinton oo tidhi; Qabashada Gbagbo waxay fariin u tahay dhamaan xukuumadaha kalitaliska ah ee caalamka ka jira inay la kulmi doonaan cawaaqib la mid ah hadday diidaan rabitaanka shacabkooda.”
Banaabaxyada dunida dacaladeeda ka socda ee lagaga soo horjeedo maamulka KT Meles Zinawi ee mudada 20ka sano ah kolba shaatiga u badalanaya, waxaa hubaal ah inay arintan iyo guuda ahaan waxa ka socda dalalka carabta u tahay fariin. Hasa ahaatee maamulada kali-taliska ayaan iyagu marnaba ku wacyi qaadanin ilaa birta la saaro oo xaalkoodu wuxuu la mid yahay – Wanka ilaa la gowraco indhiiisa cirka ma arkaan -.
ONA.
Given less than a minute to speak on the country's TV, Lauren Gbagbo, the former president of Ivory Coast who refused to accept that he had lost the election, asked his supporters to stop fighting and lay down their arms. Only a day earlier, the same man had been urging the troops surrounding him to fight until the last man died. One of the traits of dictatorship is never acknowledging reality until the final minute of its rule.
As is well known, after the election held in that country the whole world recognised that Gbagbo had lost. However, he and those around him, who controlled the economy of Ivory Coast, refused to accept this and instead preferred war and the destruction of the country. Ivory Coast's economy relies on the tree known as cocoa, from which chocolate and similar products are made. The country was among the most economically prosperous in Africa.
The people of Ivory Coast, estimated to number 20 million, are mostly Muslims living in the north of the country; the next largest religion is Roman Catholic Christianity. A bloody civil war broke out in 2002 and was ended in 2007 by a power-sharing government and an agreement to hold an election monitored by the international community. That election, postponed several times, was held in 2010, and all observers agreed that it had been won by President Xassan Watara, a well-educated man who had worked extensively for international organisations. Lauren Gbagbo rejected the result and at once launched attacks on areas held by forces supporting Mr. Watara. An all-out war broke out, with most of the world backing President Xassan Watara, while all of Gbagbo's finances were cut off and his funds held abroad were frozen so that he could not withdraw them. French forces, which have a base in Ivory Coast, intervened when the fighting reached the capital Abidjan and used aircraft to destroy Lauren Gbagbo's armed vehicles.
All world leaders supported the capture of this stubborn man who refused to submit to the will of his people. President Obama welcomed it and described his capture as a victory for the people of Ivory Coast, who, as Obama put it, had suffered greatly under Gbagbo.
The best statement came from the US Secretary of State, Mrs. Clinton, who said: "The capture of Gbagbo is a message to all dictatorial governments in the world that they will face similar consequences if they defy the will of their people."
For the protests taking place across the globe against the regime of PM Meles Zinawi, which has been changing its shirt time and again over 20 years, this and, in general, what is happening in the Arab countries is surely a message. However, dictatorial regimes never learn their lesson until the knife is put to them; their situation is like that of the ram, which does not look up at the sky until it is slaughtered.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
