
Waxaad moodaa hadda inay Itobiya aad xoogga u saartay arimaha dacaayadda waliba nooca loo yaqaano –Black Propaganda- oo ah dacaayada aan jirin ee lagula dagaalamo cadawga. Waxaase aad nasiib darro u ah dadka u jilaya ey adeegsanayso inay yihiin culumadii Soomaliyeed qaar ka mid ah oy ugu talagashay quruxdooda iyo haybadooda diiniga ah inay caalamka u soo bandhigto si loo yidhaahdo waa xukuumad qunyar socod ah oon cadaadis ku haynin dadka laga tira badan yahay (sida ay jecel yihiin kooxda Ibraahim dheere in loogu fityoodo).
Culumada meesha socota qurux badanaa oo gadh waaweynaa. Bashaashnimada ka muuqata iyo marxabaynta iyo soo dhaweynta waxaad moodaa inay tageen dal Somaliyeed oo xor ah. Waana arinta ay Itobiya doonayso inay ka iibiso caalamka oo Ibraahim dheere iyo gacan yarayaashiisa ay waligoodba (hadda umbay banaanka soo dhigeene) ku dhex jireen. Waa hubaal inay Itobiya ku farxayso culumada meesha socota, lagana yaabo inuu gacan-ku-dhiigle Cabdi ilay ku helo madax salaax, hasa ahaatee Ilaahay miyaa lagu khaldi karaa sawiradaa quruxda badan ee lagu soo bandhigayo shabakadaha gumaysiga u adeegaya? Rasuulka CS waxaa ka sugnaaday inuu yidhi;
)إن الله لا ينظر إلى أجسادكم , ولا إلى صوركم , ولكن ينظر إلى قلوبكم ( رواه مسلم .
Waa hubaal taasi. Waxaa kaloo ka sugnaaday Rasuulka CS inuu yidhi kuwa aakhiro loogu horcadaabi waxaa ka mid ah nin caalim ah oo markuu sheegtay wanaagii uu dunida ku soo sameeyay uu Ilaahay ku odhanayo been ayaad sheegtaye dantaada waxay ahayd mid aduunyo waanad soo heshay ee Cadaabka gal.
ورجل تعلم العلم وعلمه وقرأ القران ، فأتى به فعرفه نعمه فعرفها فقال ما عملت فيها؟ قال: تعلمت فيك العلم وعلمته وقرأت فيك القران. فقال: كذبت ولكنك تعلمت ليقال هوعالم فقد قيل وقرأت القران ليقال:هو قارئ فقد قيل. ثم أمر به فسحب على وجهه حتى ألقي في النار.
Bal hadda aynu eegno ujeedada ay sheeganayaan kooxdan culumada ah inay u socdaan. Waxaa ka mid ah inay leeyihiin dacwadii Salafiga ee Suufiyada ay ka dulmartay ayaan ka faafinaynaa Ogadenya. Waa hagaag. Ilowse su’asha aadka u fududee qofkasta oo caqli leh uu isweydiin karo waxay tahay, Salafiyada ay Itobiya kala dagaalamayso Somaaliya ee Ogadenya ay u ogolaanayso in lagu fidiyo maxay tahay? Midda kale, waxaa la wada ogsoon yahay in kooxda la magac baxday –AhluSunna Wal-Jamaaca- ay Itobiya soo abaabushay, tababartay, hubaysay say ula dagaalamaan kuwa ay u haystaan inay yihiin cadawgooda koobaad ee ah salafiyiinta.

Maxay tahay marka ujeedada ka dambaysa inay Itobiya ku shiriso culumo sheeganaya inay yihiin salafiyiin magaalada Jigjiga? Dhanka Itobiya waan garan karnaa ujeedada ay ka leedahay iyo waxa ku qasbaya. Umana baahna maskaxda in lagu daaliyo. Itobiya waxay ku shaqaysaa nidaam ah inay madax isu galiso Somalida oo koox aan jirin intay kolba abuurto ay ka horgayso cadawgeeda. Itobiya hadday u nabdoon tahay Ogadenya culumadan iskuma aanay mashquuliseen, aragoodana waxay ka necebtahay shaydaanka waa haday neceb yihiin.
Ilowse arinta u baahan in maskaxda loo yarehe daayo waa kooxdan culumada ah ee waliba sheegan jirtay sanad ka hor inay jihad kula jiraan Itobiya maxaa ku kalifaya inay maanta haybadoodii diineed uga farxiyaan Itobiya oon ogsoonahay dhibka ay u gaysteen dadka Somaliyeed iyo diinta Islaamka? Aniga shaqsiyan igama saarna xuub caaro xataa inaan ogaado ujeedada ay wataan culumadan, gaar ahaan kuwa qaban-qaabinaya shirarka noocan oo kale ah ee horeyna u lahaa waxaan nahay mujaahidiinta Somaligalbeed. Xog badan oo qoraal iyo maqalba ahna waan ka haynaa oo waqtigeeda aan umadda u soo bandhigi doono.
Marka laga yimaado, arimaha maadiga ah ee la taaban karo, nimankan soo abaabulay shirka waxaa haysta cawaaqibta dambiyo qarsoon oy umadda iyo sharcigaba ka galeen. Waxaana la rogmaday oo Ilaahay Casaa Wa-Jalaa uu ku daba gadiyay been badan oy u maleegeen shacabka halgamaya ee gaajada iyo oonka ku dagaalamaya (sida ay afkooda ka qireen).

Waxaa intaa dheer, qofka niyadiisa iyo hawsha uu hayo hadaanay is-waafiqin lagama yaabana inuu Ilaahay guusha siiyo. Nimankan intooda badan waxaan ka haynaa afkooda in aanay waligoodba aaminin inay guul ku gaarayaan jihaadka ay sheeganayeen inay kula jireen gumaysiga Itobiya. Waxaanan ogsoonahay shuruuda 1aad ee guusha inay tahay in uu qofka aamino laba mid un inuu helayo oo aanu waligiiba ku khasaareynin haduu jihaad ku jiro;
قل هل تربصون بنا إلا إحدى الحسينيين ونحن نتربص بكم أن يصيبكم الله بعذاب من عنده أو بأيدينا فتربصوا إنا معكم متربصون
Ilaahay niyadooda ayuu ogaa waxay jeclaayeena wuu u fududeeyay oo waa midda ay hadda hayaan ee ah inay isu dhiibeen Itobiya, iyaduna u ogolaato inay isku soo bandhigaan halkaa oo kolba ay shir ku qabsadaan halkaa maadaama ay uga dhamaatay Somaliya.
Waxaa ceeb ugu filan in Jigjiga ay ku soo bandhigaan wajiyadooda iyagoo ku faraxsan oy masaajidda yidhaahdaan muxaadaro ayaan ka jeedinaynaa, meel aan sidaa uga fogayn oo gumaysiga ula baxay Jeel Ogadena lagu ciqaabayo gabdho iyo wiilal aan waxba galabsan oo loo xidh-xidhay waxaa soo agmaray koox ONLF ah oo ma’aanay soo sheegin ama way marti galiyeen? Aaway Islaaminada iyo akhlaaqda islaamka ay ka sheekaynayaan?
Ugu dambayntii, Itobiya inay jabtay waxaa daliil u ah ogolaanshaha ay u ogolaatay kuwan inay halkaa isku soo sawiraan. Kumana imaanin arintaa baryo iyo rabitaanka Meles ee waxay ku timid dhiigga wiilasha iyo gabdhaha naftooda u huray la dagaalnka gumaysiga Itobiya. Waxayna doonayaan sida dixiriga (goroyaan – Hookworm) inay u dhiigmiirtaan shacabkaa halgamaya. Waxayse ogayn inay ula dhimanayaan sida goroyaanka uu ula dhinto qofka markuu dilo haddii ay u suurta gasho Itobiya waxa ay ka damacsan tahay ee ah inay kula dagaalanto muuqaalkooda halganka hubaysan ee ka socda Ogadenya.
ONA
It now seems that Ethiopia has placed great emphasis on propaganda, especially the kind known as "Black Propaganda", which is fabricated propaganda used to fight an enemy. What is most unfortunate, however, is that the people it is using as actors are some of the Somali religious scholars, whose good looks and religious dignity it intends to present to the world so that it may be said that it is a moderate government that does not oppress the minority population (as the Ibraahim dheere group like to be portrayed).
The scholars who are going there were very handsome, with large beards. From the cheerfulness on display and the welcoming and reception, you would think they had gone to a free Somali country. And this is exactly what Ethiopia wants to sell to the world, something that Ibraahim dheere and his underlings have always been part of (now that they have come out into the open). There is no doubt that Ethiopia is delighted with the scholars going there, and the bloody-handed Cabdi ilay may even receive a pat on the head for it. But can God be deceived by those beautiful pictures being displayed on the websites that serve the colonisers? It is authentically reported that the Prophet (peace be upon him) said:
)إن الله لا ينظر إلى أجسادكم , ولا إلى صوركم , ولكن ينظر إلى قلوبكم ( رواه مسلم .
That is certainly true. It is also authentically reported that the Prophet (peace be upon him) said that among the first to be punished in the Hereafter will be a scholar who, when he recounts the good deeds he did in the world, God will say to him: you have lied; your aim was worldly, and you obtained it, so enter the Fire.
ورجل تعلم العلم وعلمه وقرأ القران ، فأتى به فعرفه نعمه فعرفها فقال ما عملت فيها؟ قال: تعلمت فيك العلم وعلمته وقرأت فيك القران. فقال: كذبت ولكنك تعلمت ليقال هوعالم فقد قيل وقرأت القران ليقال:هو قارئ فقد قيل. ثم أمر به فسحب على وجهه حتى ألقي في النار.
Now let us look at the purpose for which this group of scholars claims to be travelling. Among their claims is that they will spread in Ogadenia the Salafi call that has passed the Sufis by. Very well. But the very simple question that any sensible person could ask is: why would Ethiopia, which is fighting the Salafis in Somalia, allow Salafism to be spread in Ogadenia? Secondly, it is common knowledge that the group calling itself "AhluSunna Wal-Jamaaca" was organised, trained and armed by Ethiopia so that they could fight those they consider their number one enemy, namely the Salafis.
So what is the purpose behind Ethiopia hosting, in the city of Jigjiga, a meeting of scholars who claim to be Salafis? On Ethiopia's side, we can understand its aim and what compels it. There is no need to tire the mind over it. Ethiopia operates on a system of setting Somalis against each other, each time creating some non-existent group and placing it in front of its enemy. If Ethiopia were at peace in Ogadenia, it would not have bothered itself with these scholars; it hates the sight of them more than it hates the devil, if they hate him at all.
However, the matter that deserves some thought is this group of scholars, who only a year ago used to claim they were waging jihad against Ethiopia: what compels them today to please Ethiopia with their religious dignity, when we know the harm it has done to the Somali people and to the religion of Islam? Personally, I do not care even as much as a spider's web to know the intentions of these scholars, especially those organising meetings of this kind, who previously used to say "we are the mujahideen of Western Somalia." We hold a great deal of information, both written and audio, about them, which I will present to the nation in due time.
Apart from material, tangible matters, the men who organised the meeting are haunted by the consequences of hidden crimes they have committed against both the nation and the law. They have been overturned, and God Almighty has exposed the many lies they fabricated against the struggling people who are fighting through hunger and thirst (as they admitted with their own mouths).
Furthermore, if a person's intention and the work he is engaged in do not match, God cannot be expected to grant him success. We have it from the mouths of most of these men that they never believed they would achieve victory in the jihad they claimed to be waging against Ethiopian colonialism. And we know that the first condition of victory is that a person believes he will obtain one of two outcomes and will never be a loser if he is engaged in jihad;
قل هل تربصون بنا إلا إحدى الحسينيين ونحن نتربص بكم أن يصيبكم الله بعذاب من عنده أو بأيدينا فتربصوا إنا معكم متربصون
God knew their intentions and what they desired, and He made it easy for them; it is what they now have, namely that they surrendered themselves to Ethiopia, and Ethiopia in turn allows them to show themselves off there, holding meetings there from time to time, since Somalia is finished for them.
It is shame enough that they display their faces in Jigjiga, happy, and say they will deliver lectures in the mosques, while not far from there, in the Ogaden Jail, which the colonisers have made notorious, innocent girls and boys who have been arrested are being tortured. They passed close by a group of ONLF members; did they not report it, or did they host them? Where is the Islamic spirit and the Islamic morality they talk about?
Finally, the fact that Ethiopia has been defeated is proven by the permission it has given these people to photograph themselves there. That did not come about through pleading or the wishes of Meles; it came through the blood of the boys and girls who sacrificed their lives fighting Ethiopian colonialism. They want, like the hookworm (goroyaan – Hookworm), to suck the blood of that struggling people. But they do not know that they will die with them, just as the hookworm dies with the person when it kills him, if Ethiopia succeeds in what it intends, which is to use their appearance to fight the armed struggle taking place in Ogadenia.
ONAAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
