Inshaar Maxmed Doolaal oo ka mid ahaa gacanyareyaasha gumaysiga Itoobiya ee wadanka South Africa uga hawl gala ayay dad xogtiisa la socda sheegeen inuu isku dayay inuu wadanka Koonfur Afrika ku soo laabto isagoo safar baxsad ahaa ku tagay Addis Ababa daba yaaqadii sanadkii tagay.
Inshaar oo ka mid ah qabqableyaasha gumaysiga sida aadka ah u horbooda isla markaasna dambiyo kala duwan wadankaa Koonfur Afrika ka gaystay aya horay wadankaas loogu xidhay isagoo loo haystay dambiyo ay ka mid tahay inuu dad shacab ah si ula kac ah u xabadeeyay. Inshaar oo in mudo ah xabsi ku jiray ayaa markii xabsigaas si damiin ah loogaga sii daayay wuxuu u cararay dhinaca Addis Ababa wuxuuna mudo ku maqnaa gudaha Itoobiya. Wararka xogogaal ah een helnay ayaa waxay sheegayaan inuu bishan horaanteedii ka soo dagay Garoonka caalamiga ah ee magaalada Johannesburg hasa ahaate dib loogu celiyay Addis Ababa oo uu ka soo duulay.
Wararku waxay intaas ku darayaan in sharcigii uu S/Africa ku joogay laga qaaday lagana kansalay. Ninkan ay cadaawadda ka buuxdo ayaa wuxuu balan ku lahaa maxkamada 18ka bishan oo aanu soo xaadirin. Maxakamada ayaa waxay u jirtay (arrest warrant) ama Xadhig mar alaale markuu yimaado.
Warar hoose ayaa xaqiijinaya inuu 19.4.2011 yimid wadanka Zimbabwe halkaasoo uu joogay afar maalmood, ka dibna uu maanta soo galay Johannesburg isagoo ku soo galay dhuumaal oo gaadhi xamulka qaada lagu soo dhumiyey. Sida muuqata safaaradda Itobiya ayaa aad ugu dadaashay inay ninkan si kastaba ku soo galiso dalka.
Waxaa sidoo kale soo gaaray magalada Johannesburg koox daba qoodhi ah kuwaaso laga soo diray magalda Adisababa. Waxay wararku intaa ku darayaan in ay caawa jiifan hotel safarada Itoobiya u dhaw. Si kasa taba ha ahaatee jaaliyadda JOKA oo weerere lagu soo qaaday ayey ka go’an tahay inay iska difaacado marnana anay ka yeelin in Itoobiya ay dixiri ku tarma ku abuurto wadankan Koonfur Afrika
Magacayada daba qoodhiga iyo wixii ka soo kordha kal socda halkan.
Omar jigjiga ONA/KA.
People familiar with his activities say that Inshaar Maxmed Doolaal, one of the henchmen of Ethiopian colonialism operating in South Africa, attempted to return to South Africa after travelling as a fugitive to Addis Ababa at the end of last year.
Inshaar, one of the most prominent warlords of the colonisers, committed various crimes in South Africa and had previously been jailed there on charges that included deliberately shooting civilians. Inshaar, who spent some time in prison, fled to Addis Ababa after being released on bail and stayed in Ethiopia for a period. Well-informed reports we have received say that he landed at the international airport in Johannesburg at the beginning of this month but was sent back to Addis Ababa, where he had flown from.
The reports add that his South African residence permit has been withdrawn and cancelled. This man, who is full of hostility, had a court date on the 18th of this month, which he did not attend. The court had issued an arrest warrant for him, to be executed as soon as he arrives.
Inside sources confirm that on 19.4.2011 he arrived in Zimbabwe, where he stayed for four days, and then today entered Johannesburg, smuggled in hidden in a cargo truck. It appears that the Ethiopian embassy made great efforts to get this man into the country by any means.
A group of informers sent from Addis Ababa has also arrived in Johannesburg. The reports add that tonight they are staying at a hotel near the Ethiopian embassy. In any case, the JOKA community, which has been targeted with attacks, is determined to defend itself and will never allow Ethiopia to sow terror in South Africa
Follow the names of the informers and any further developments here.
Omar jigjiga ONA/KA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
