Dawladda Jermalka ayaa waxay cadeysay hadda inay Itobiya tashwiish ku wada furtay idaacadihii dibadda ee ku wajahnaa dadka shacabka ah. Idaacdda Deutsche Welle ee laga leeyahay dalka Jermalka ayaa cadeysay in labadii maalmood ee la soo dhaafay lagu furay idaacadooda ku wajahan Itobiya tashwiish xoogan. Sidoo kale ayaa idaacadda VOA qaybta afka amxaariga iyo kan Oromada loogu furay tashwiish xoogan.
Waxaan iyada is-weydiin lahayn idaacadaheena oo mudaba ay tashwiish xoogan la daba socdeen gumaysiga si aanay dadweynaha gudaha u ogaanin heerka uu marayo halganka shacabka iyo dhibaatada uu gumaysiga ku hayo dadweynaha nugulka ah.
Marka laga yimaado idaacadaheena tashwiishka ay la daba socdeen, falkan hadda ay la beegsadeen idaacadaha caalamiga ah ee Deutsche Welle iyo VOA oo hadda ka hor waagii doorashada ay ka socotay ay ku fureen ayaa waxaa lala xidhiidhinayaa banaanbaxyada la filayo inay dalkaa hadheeyaan bilaha soo socda. Banaanbaxyadan ayay dadka qaban-qaabinaya ugu magac dareen –Beka- oy ka soo luunjeexdeen –Kifaaya- oo ahaa halku dhigii shacabka Masaarida, taasoo macnaheedu yahay (kugu filan) oo loola jeedo 20kii sano ay dalka xukumayeen Wayaanaha.
Dawladda Itobiya ayaa diiday inay tashwiishka ku furto idaacadaha taasoo qaanuunka dawliga ah ee idaacadaha ka soo horjeeda, hasa ahaatee KT Meles ayaa hadda ka hor cadeeyay inay idaacadha ka soo horjeeda la dagaalamayaan. Qalabkan ayaa sida la ogsoon yahay waxaa ku caawiyay Itobiya dalka Shiinaha oo ku horeeya qalabkan wax lagu tashwiishiyo.
ONA.
The German government has now confirmed that Ethiopia has jammed the foreign radio stations aimed at the civilian population. The German-owned radio station Deutsche Welle confirmed that over the past two days heavy jamming was directed at its broadcasts aimed at Ethiopia. Likewise, the Amharic and Oromo services of VOA radio were subjected to heavy jamming.
We would not ask ourselves about this regarding our own radio stations, which the colonisers have long pursued with heavy jamming so that the people inside would not learn the state of the people's struggle and the hardship the colonisers are inflicting on the vulnerable population.
Apart from our radio stations, which they have pursued with jamming, this act in which they have now targeted the international radio stations Deutsche Welle and VOA, which they had also jammed previously during the election period, is being linked to the protests expected to overshadow the country in the coming months. The organisers have named these protests –Beka-, which they adapted from –Kifaaya–, the slogan of the Egyptian people, meaning "enough", referring to the 20 years the Woyane have ruled the country.
The Ethiopian government has denied jamming the radio stations, which is against international broadcasting law; however, PM Meles had previously stated that they would fight the opposition radio stations. As is known, Ethiopia was assisted with this equipment by China, which leads in jamming equipment.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
