Woyaanaha oo u soo diray canaasiirtiisii dalal Yurub-ta ka mid ah iyo America ayaa soo gaaray Washington DC, halkaasoo ay qawmiyadda Amxaarada aad ugu nooshahay, waxayna ahayd meel ay aad xooga u saareen indhahana ay dad badani ku hayeen. Dhamaan dalka Maraykanka intiisa kale ayaa laga sugayay siday wax ugu dhacaan goobta ay shirka ku qabta islahayeen oo ahayd Jamaacad Madowgu uu leeyahay oo layidhaahdo Howard University.
Jamaacadan ayaa xidhiidho badan lagala sameeyay inay ka noqdaan martigalinta shirka Woyanaha taasoo lagu guulaysan waayay. Hasa ahaatee markii dadkii banaanbaxayaasha ahaa oon wali badankoodii isa soo gaadhin ay afarta Jiho ee Washington DC ka soo dhaqaaqeen oo madaxii ugu horeeyayba la arkay ayaa durba cabsi daraadeed albaabada loogu laabay shirkii, intii yarayd ee u socotayna loo sheegay in safaarada gudaheeda loogu qaban doono.
Police-kii ilaalinayay ayaa banaabaxayaashii u sheegay in la joojiyay shirkii halkaas oo sacab iyo sawaxan lagu soo dhaweeyay, halkaasoo ay dhamaan mucaaradkii Woyanuhu iskugu hambalyeeyeen guusha laga soo hooyay Washington. Waxaa ku dhacay Woyaanihii dacaayad suuq geeya is lahaa jab uusan kasoo waaqsan doonin, iyagoo lacag badan ku khasaariyay qabashada shirkan.
Waxaa la rajaynayaa in gobalada kalee barri ay damacsanyihiin in ay xafaldo ku qabtaan ay kusii karaar qaadan doonaan waxa Washington ka gaadhay Woyaane.
Dadweynihii ka socday qawmiyadda Amxaarada ee Washington ayaa soo gaarsiiyay wariyaha wakaaladda bogaadin ay dirayaan qaybtii uu ka qaatay xafiiska JWXO u qaabilsan xidhiidhka qawmiyadaha ku dhaqan Itobiya iyagoo ugu baaqay in la sii xoojiyo wadashaqaynta jaaliyadaha dhexdooda ah.
ONA/Washington.
The Woyane, having sent its operatives to a number of European countries and America, arrived in Washington DC, where many members of the Amhara nationality live. It was a place on which they had placed great emphasis, and many people had their eyes on it. Across the rest of the United States, people were waiting to see how things would unfold at the venue where they intended to hold the conference, a university belonging to Black Americans called Howard University.
Many contacts were made with this university urging it to withdraw from hosting the Woyane conference, but these efforts did not succeed. However, when the protesters, most of whom had not yet even assembled, set off from the four directions of Washington DC and the very first of them were sighted, the doors to the conference were immediately closed out of fear, and the small number of people heading to it were told that it would be held inside the embassy.
The police officers on guard told the protesters that the conference had been cancelled, news that was greeted with applause and cheering, and all the opponents of the Woyane congratulated one another on the victory achieved in Washington. The Woyane, who peddle propaganda, suffered a defeat that it seems they will not recover from, having lost a great deal of money on holding this conference.
It is expected that other regions where they intend to hold celebrations tomorrow will draw resolve from what befell the Woyane in Washington.
Members of the public from the Amhara nationality in Washington conveyed to the agency's reporter their praise for the part played by the ONLF office responsible for relations with the nationalities living in Ethiopia, and called for cooperation among the communities to be further strengthened.
ONA/Washington.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
