
Jaaliyadda Ogadenya ee San Diego ayaa dhaq-dhaqaaq xoogan ka dhex wada bulshada ay la noolyihiin iyo siyaasiyiinta gobolkooda. Warqad furan oo cabasha ah oy caalamka u direen ayuu nuqul na soo gaadhsiiyay wariyaha Wakaalada.
Warqadda ay jaaliyadda qortay ayay ugu sheegeen caalamka in malaayiin qof ay u baahan yihiin Geeska Afrika gargaar dagdag ah abaaraha ku dhuftay gobolka darteed. Waxay jaaliyadda ku sheegtay warqaddan furan inuu caalamka aqoonsaday xaaladda Somaliya oo loo gurmanayo hasa ahaatee uu ku guuldareystay inuu arko dhibaatada ka sii dareysa ee ka jirta Ogadenya. Waxay sheegeen in tobonaan kun oo dadweyaha S.Ogadenya ay ka soo carareen dalkoodii oy soo galeen waqooyiga iyo badhtamaha Somaliya iyo dalka Kenya kuwaasoo u baahan gargaar insaani ah. Waxaase jirta boqolaal kun oo gudaha Ogadenya ku jira oy soo wajahday macaluul iyo cadaadiska xukuumadda Itobiya. Hasa ahaatee xayiraadda iyo cunaqabataynta Itobiya ee sharcidarada ah darteed aanu caalamka uga warqabin xaaladda dhabta ah ee ka jirta Ogadenya. Waxay Itobiya xayiraada u saartey Ogadenya waa si aan loo ogaanin xadgudubka xuquuqul Insaanka ay ka wado gobolka iyo xasuuqa ay ceedamadeeda ay ku hayaan dadka shacabka ah. Waxaa intaa dheer sida ay ku qoreen jaaliyadda warqadooda maleesiyaad ay Itobiya maalgalisay oo loo yaqaano –Liyuu Police- kuwaasoo u dhaqma sidii jaanjaweedkii oo dadka shacabka ah si aabayeel la’aan ah u leynaya.
Xadgudubyada ka jira Ogadenya oo ah mid baahsan waxaa ka mid ah kufsi xad dhaaf ah, jidh-dil, xabsi iyo layn aan loo aabayeelin iyo baabi’in tuulooyinka iwm.
Xidhitaankii labada wariye ee Swedish-ka ahaa – Martin Schibbye and Johan Persson – waxay tusaale u yihiin ololaha xasuuqa qarsoon ah ee Itobiya ay ka wado Ogadenya oo aanay doonaynin inuu caalamka ogaado.
Ugu dambayn waxay jaaliyadda San Diego ka codsanayaan caalamka in gargaar dagdag ah loo fidiyo dadka shacabka ah ee Ogadenya ku tabaalaysan. Waxay kaloo dawladaha deeqda bixiya iyo ururada aan xukuumiga ahayn (NGO,s) iyo Golaha Amniga ee QM in lagu qasbo Itobiya inay u ogolaato haya’adaha samafalka inay gargaar dagdag ah gaadhsiiyaan dadka shacabka ah eek u tabaalaysan Ogadenya. Waxay ka codsanayaan caalamka iyo dawladda mareykanka in Ogaadeenya loogu gurmado sida loogu gurmaday Somaliya oo gargaar dagdag ah lala gaadho shacabka.
-Jaaliyadda S.Ogadenya ee San Diego.
OACSanDiego@gmail.com
ONA/San Diego
The Ogadenia community in San Diego is conducting a strong campaign among the community they live with and the politicians of their region. A copy of an open letter of complaint that they sent to the world has reached the Agency's reporter.
In the letter written by the community, they told the world that millions of people in the Horn of Africa need urgent aid because of the droughts that have struck the region. In this open letter, the community stated that the world has recognised the situation in Somalia, which is receiving help, but has failed to see the even worse crisis taking place in Ogadenia. They said that tens of thousands of the people of Ogadenia have fled their country and entered northern and central Somalia and Kenya, and that they are in need of humanitarian aid. However, there are hundreds of thousands inside Ogadenia who are facing famine and pressure from the Ethiopian government. Yet because of Ethiopia's illegal blockade and embargo, the world is not aware of the true situation in Ogadenia. Ethiopia imposed the blockade on Ogadenia so that the human rights violations it is committing in the region and the massacres its troops are carrying out against civilians would not become known. In addition, as the community wrote in their letter, there is an Ethiopian-funded militia known as the Liyu Police, which behaves like the Janjaweed and kills civilians indiscriminately.
The violations in Ogadenia, which are widespread, include rampant rape, torture, imprisonment, indiscriminate killing, the destruction of villages, and so on.
The detention of the two Swedish journalists, Martin Schibbye and Johan Persson, is an example of the hidden campaign of genocide that Ethiopia is conducting in Ogadenia and that it does not want the world to know about.
Finally, the San Diego community is asking the world to extend urgent aid to the civilians suffering in Ogadenia. They are also asking donor governments, non-governmental organisations (NGOs) and the UN Security Council to compel Ethiopia to allow charitable agencies to deliver urgent aid to the civilians suffering in Ogadenia. They are asking the world and the United States government to come to the aid of Ogadenia as they came to the aid of Somalia, and to deliver urgent aid to the people.
-The Ogadenia Community of San Diego.
OACSanDiego@gmail.com
ONA/San DiegoAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
