Ogaadeenya waa mid, waa ul iyo meeyrax, matano weeyoo meel beey ka wada timid, midabka asalkiyo madhabteey ka siman tahay, waxaa erayadan ku luuqeeynayay fanaanka weeyn ee Soomaaliyeed Mudane Cabdow Muuri oo ah madaale har iyo habeen garab taagan shacabka dulman ee Ogaadeenya.
Wafdi uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) Mudane Maxamed Ismaaciil Cumar uu na la socdo gudoomiyaha Hogaanka Abaabulka Arrimaha Bulshada (HAAB) Mudane Maxamec Cabdi Yaasiin Diirane ayaa shalay kulan hoowleed la qaatay maamulka iyo xubno ka tirsan Jaaliyada Soomaaliya Ogaadeenya ee Switzerland.
Ugu horeeyntii maamulka jaaliyada Switzerland ayaa warbixin yar oo kooban soo jeediyay wafdigana ugu mahad celiyay booqashadooda ka dibna waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay GXK Mudane Maxamed Ismaaciil oo goobtaa ku soo bandhigay warbixin dhameeystiran oo gudo iyo dibadba ah kuna saabsan halka uu marayo halganka xalaasha ah ee JWXO hogaamineeyso.
Mudane Maxamed Ismaaciil wuxuu xusay in halganka JWXO uu ka duwan yahay kuwii horey wadankeena u soo maray is la markaana ku biloowday tiro iyo tayo yar hadana uu daboolay baahida dalkeena in ka badan 80%. Waagii baryana uu sii kordhayo dhinac ciidan, siyaasad, daqaale iyo is ku duubnida bulshada . Waa halgan eeyan qoraxda ka dhicin shanta qaaradood ee aduunka waqti walba oo la joogo xubno ka mid ah jaaliyadaha Ogaadeenya ee dunida ayaa hoowl dadka iyo dalka lagu samatabiniyo u taagan.
Mudane Maxamed Ismaaciil wuxuu carabka ku adkeeyay in gumeysiga itoobiya wax aan dhib ahayn uusan kala kulmin Ogaadeenya is la markaana ciidamada JWXO ku karkariyeen Ogaadeenya taasina ey keentay in xanuunkii uu adkeeysan kari waayo deetana uu noqday neef la goowracay geedo kama waabto isagoo rajo been ah is galiyay oo ah in halganka shacabka dibadaha laga damiyo taas oo la mid ah habeenkii xalay oo tagay in uu dib u soo laabto.
Hogaanka Arrimaha Abaabulka Bulshada (HAAB) Mudane Maxamed Cabdi Yaasiin Diirane oo isna khudbad goobta ka jeediyay ayaa ayaa xusay in jaaliyadaha Ogaadeenya ee dibadu yihiin safaaradihii reer Ogaadeenya ee dunida waajibkoodiina guteen hase ahaatee looga baahan yahay hoowlo ey ka mid yihiin saaxiib u sameeynta qadiyada, abaabulka qurba jooga, wacyigalinta iyo garab istaaga CWXO ilaa uu dalka ka xoroobayo.
Mudane Diirane wuxuu nasiibdaro iyo diin ka bax ku tilmaayay kuwa muuqaalka muslimka leh ee gumeeysiga isu dhiibay ka dibna bilaabay in ey isaga u shaqeeyaan iyagoo uga hiilinayo qof muslim ah oo la dulmiyay oo xuquuqdiisa raadsanaya.
Qof umad gumeeysta Fircoon ayaa ugu horeeyay wuxuuna ku bilaabay (Shiyacan) kala qeeybin taas ayaana u sahashay in uu xukumo. Midnimo ayaa umadeena faran si aan uga baxno gumeeysiga ayuu yiri Mudane Diirane.
Socdaalka wafdiga JWXO ayaa ah mid ey kula kulmayaan sanad walba jaaliyadaha Ogaadeenya ee dunida iyagoo ka wada hadlaya xaaladaha ugu danbeeyay ee dalka Ogaadeenya. Wafdiga ayaa horey u soo maray wadanka Jarmalka hadana Switzerland uga ambabixi doona wadamada kale ee Yurub.
Jaaliyada Ogaadeenya ee Switzerland
Ogadenia is one, it is stick and handle, we are twins who came from the same place, equal in colour, origin and creed. These words were sung by the great Somali artist Mr Cabdow Muuri, a poet who has stood day and night beside the oppressed people of Ogadenia.
A delegation led by the 1st Vice-Chairman of the Ogaden National Liberation Front (ONLF), Mr Maxamed Ismaaciil Cumar, accompanied by the chairman of the Department of Mobilisation and Social Affairs (HAAB), Mr Maxamec Cabdi Yaasiin Diirane, yesterday held a working meeting with the administration and members of the Somali Ogadenia Community in Switzerland.
First, the administration of the Switzerland community presented a brief report and thanked the delegation for their visit. The Vice-Chairman, Mr Maxamed Ismaaciil, was then welcomed to the microphone, and he presented a comprehensive report, covering both internal and external matters, on the progress of the legitimate struggle led by the ONLF.
Mr Maxamed Ismaaciil noted that the ONLF struggle differs from earlier ones that our country has gone through, and that although it began small in number and capacity, it has now met more than 80% of our country's needs. He added that it grows day by day militarily, politically, economically and in social unity. It is a struggle on which the sun never sets across the five continents of the world; at every moment, members of the Ogadenia communities around the world are engaged in work to save the people and the country.
Mr Maxamed Ismaaciil stressed that Ethiopian colonialism has met nothing but hardship in Ogadenia, and that ONLF forces have worn it down in Ogadenia, which has left it unable to bear the pain, so that it has become a slaughtered beast that no longer fears the thorn bushes, deluding itself with the false hope that the people's struggle can be extinguished abroad, which is as likely as last night, which has passed, coming back again.
The head of the Department of Mobilisation and Social Affairs (HAAB), Mr Maxamed Cabdi Yaasiin Diirane, who also gave a speech there, noted that the Ogadenia communities abroad are the embassies of the people of Ogadenia around the world and have fulfilled their duty; however, they are needed for tasks including building friends for the cause, mobilising the diaspora, raising awareness, and standing by the ONLF until the country is liberated.
Mr Diirane described as misfortune and apostasy those with the appearance of Muslims who have surrendered to the colonisers and then begun working for them, siding with them against an oppressed Muslim seeking his rights.
The first person to colonise a nation was Pharaoh, and he began with dividing people (into sects), which made it easy for him to rule. Unity is obligatory for our nation so that we may free ourselves from colonialism, said Mr Diirane.
The ONLF delegation's tour is one in which they meet the Ogadenia communities around the world every year to discuss the latest situation in Ogadenia. The delegation previously visited Germany and will now depart from Switzerland for other European countries.
The Ogadenia Community in Switzerland
communauteogaden@net2000.chAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
