Waxaa uu mudaaharaad aad u xoogbadan ka dhacay taariikhdu markay ahayd 8b April 2011 magaalada London ee caasumadda dalka UK(ingiriiska), banaanbaxaa oo lagu hor qabtay xafiiska looga arimiyo dalka Ingriiska ee10 Downing street ee White hall.
Mudaaharaaka lagaga soo horjeedo xukuumadda dhiigyacabka Itobiya ee ka dhacay magaalada London waxaa hormuud u ahaa Jaaliyaadka UK oo ka kala socday Manchester, Birmingham, North Hampton, Leicester, Bolton, Leeds, iyo degaano kala duwan oy ku nool yihiin Somalida Ogadenia.
Waxaa kaloo kala qaybgalay Jaaliyaadka Oromada iyo Sidaaamada iyo saaxiibo ajnabai ah oo taageera halgamada Ogadenia iyo Shucuubta ay wada dhasheen ee Oromada iyo Sidaamada.
Mudaaharaadka ayaa waxay ahayd ujeedadiisu in looga soo jeediyo cambaarayn gumaysiga Itobiya iyo xadgudubka KT Meles Zenawi maamulkiisa ay ku hayaan shucuubta Somalida Ogadenia , Oromiya iyo Sidaama. Waxaa kaloo dadkii isugu soo baxay mudaaharaadka ay cambaareeyeen adeegsiga maamulka Itobiya uu adeegsado deeqda uu aduunku u fidiyo maatida oo uu u beddelo mushaahar uu siiyo maleesiyaad lagu xasuuqo shacabka loogu talogalay gargaarka.
Mudahaaraadka ayaa xilli dheer socday waxaana wacdaro ka muujiyay Haweenka Ogadenia iyo Ururka Dhallinyarada iyo ardayda Ogadenya oo ka oogay goobtaas dhaanto soo jiidatay shacab badan oo ajnabi ah iyagoo ka dib fursad u helay ay uga dhaadhiciyaan qaddiyadda Ogadenya iyo gaboodfalada xukuumadda Itobiya.
Ugu dambayn waxaa halkaas lagu diyaariyay qoraal ay saxiixeen dad aad u tiro badan oo Petition ah oo loo gudbinayo baarlaamanka iyo dowladda Ingiriiska ee UK. Banaanbaxan wuxuu ka mid yahay banaan baxyo isdahaba jog ah oo dhammaan dunida dacaladeeda ka socda oo loogu talo galay in sidii Tuunis iyo Masar karkaarka loo waydaariyo Meles, ayadoo arrintaas ay dhammaan shucuubta Itoobiya iyo kuwa Ogadenia ay ku heshiiyeen.
ONA/London.
A very powerful demonstration took place on 8 April 2011 in London, the capital of the UK (England). The demonstration was held in front of the office from which England is governed, 10 Downing Street in Whitehall.
The demonstration against the bloodthirsty Ethiopian government in London was led by the UK diaspora communities, who came from Manchester, Birmingham, Northampton, Leicester, Bolton, Leeds and various other places where the Somalis of Ogadenia live.
Also taking part were the Oromo and Sidama diaspora communities and foreign friends who support the struggles of Ogadenia and its sister peoples, the Oromo and the Sidama.
The aim of the demonstration was to condemn Ethiopian colonialism and the abuses that PM Meles Zenawi's administration is committing against the peoples of Somali Ogadenia, Oromia and Sidama. The people who gathered at the demonstration also condemned the Ethiopian administration's use of the aid the world provides for the needy, which it converts into salaries paid to militias who massacre the very civilians the aid was intended for.
The demonstration went on for a long time, and the Women of Ogadenia and the Union of the Youth and Students of Ogadenia put on a remarkable display, performing a dhaanto dance at the site that attracted many foreign members of the public, after which they had the opportunity to convince them of the cause of Ogadenia and the abuses of the Ethiopian government.
Finally, a document in the form of a petition, signed by a very large number of people, was prepared there to be submitted to the parliament and government of England (UK). This demonstration is one of a series of continuous demonstrations taking place all around the world, intended to give Meles the same push out the door as in Tunisia and Egypt, a goal on which all the peoples of Ethiopia and those of Ogadenia have agreed.
ONA/London.

AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
