Shir aad u heersareeya oo ka dhacay xafiiska Jaaliyada London ayaa waxaa isugu yimid Masuliyiinta Jabhada wadaniga xoreynta Ogadeniya iyo hawl-wadeenka jaaliyada London.
Gudomiye ku xigeenka Jabhada Wadanoiga xoreynta Ogadeniya Dr Maxamed Ismaciil iyo Genral Cabdullaahi mukhtaar ayaa kamid ah marti sharafta iyo Hogaanka arrimaha dibada Maaday.
Gudomiye kuxigeenka JWXO ayaa in muddo aheydba ku sugnaa magaalada london isaga oo u yimid howlo shaqo oo la xidhiidha halganka. Hadaba gudomiye ku xigeenka iyo masulyiinta jabhada ayaa shirkan laqaatay hawlwadeenka jaaliyada waxayna xog kasiiyeen xaalada halganka ee Gudaha Ogadeniya iyo Geeska Africa.
Shirkan ayaa waxaa lagu canbaareyay maamul goboleedyada Somaliya oo si toos ah ugu adeega gumeysiga. Shacabka ogadeniya ee xaqooda u diriraya ma iloowi doonaan dakanaha dadka ka galay. dadka Somaliyeed meelkasta oo ay joogaanba waa walaalaha halganka Ogadeniya balse maamul goboleedyada gacantooda dhiiga shacabka Ogadeniya ku xalaaleystay waa arin shacabka Ogadeniya uusan hoos u dayi doonin.
Waxa kulankan tacsi loogu diray shacabka Ogadeniya oo looga tacsiyadeeyay dadkii gacan ku dhiiglayasha maamul goboleedka Puntland u gacan galiyay Gumeysiga ee ku shihiiday xabsiyada Ogadeniya.
Gudomiye ku xigeenka JWXO Dr Maxamed Ismacill ayaa sidoo kale waxa uu diray hanbalyo shirka Jaalyadaha Ogadeniya ee aduunka ee ka socda Wadanka Toronto.
shirkan oo si furan howlwadeenka jaaliyada London iyo madaxda Jabhadu ugu wada gorfeeyeen halganka Ogadneiya ayaa ahaa mid heerkiisu aad u sareeyo
Gudomiye ku xigeenka JWXO ayaa socdaalkiisi uu ku yimid london soo dhamaday waxaana lafilaya in maalmaha soo socda uu ka laabto wadanka Ingiriiska.
ONA
A very high-level meeting held at the office of the London community brought together officials of the Ogaden National Liberation Front and activists of the London community.
The Deputy Chairman of the Ogaden National Liberation Front, Dr Maxamed Ismaciil, and General Cabdullaahi Mukhtaar were among the guests of honour, along with the head of foreign affairs, Maaday.
The Deputy Chairman of the ONLF had been in the city of London for some time, having come on work related to the struggle. The Deputy Chairman and the Front's officials held this meeting with the community activists and briefed them on the situation of the struggle inside Ogadenia and in the Horn of Africa.
The meeting condemned the regional administrations of Somalia that directly serve the colonisers. The people of Ogadenia, who are fighting for their rights, will not forget the harm done to them. Somali people wherever they are are brothers of the Ogadenia struggle, but the regional administrations that have made the blood of the people of Ogadenia lawful by their own hands are something the people of Ogadenia will not overlook.
The meeting sent condolences to the people of Ogadenia for those whom the bloodstained hands of the Puntland regional administration handed over to the colonisers and who were martyred in the prisons of Ogadenia.
The Deputy Chairman of the ONLF, Dr Maxamed Ismacill, also sent congratulations to the conference of the Ogadenia communities of the world taking place in the country of Toronto.
This meeting, in which the London community activists and the Front's leaders openly reviewed the Ogadenia struggle together, was of a very high standard
The Deputy Chairman of the ONLF has completed the trip that brought him to London, and he is expected to leave the United Kingdom in the coming days.
ONA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
