Nolosha waa shayga ugu qaalisan uu Ilaahay siiyay noolaha, sidaa daraadeed ayuu Ilaahay baray noole kasta habkuu ku difaaci lahaa noloshiisa hadii lasoo weeraro. Xayawaanka iyo Aadanaha waxayaabaha ay ku kala duwan yihiin waxaa ka mid ah, xoolaha waxaa noloshiisa hogaamiya rabitaan dabiici ah ( غريزة – instinct ) oo xoolaha uu Ilaahay ku ilhaamiyay, meesha aadanaha uu Ilaahay siiyay caqli iyo ruux u baahan in lagu barbaariyo waxyaabo uu aaminsanyahay inay kala qaalisan tahay naftiisa. Ninkii xuquuda Mareykan madaw u dagaalami jiray Martin Luther ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladiisa; Hadaanay jirin wax aad aaminsantahay inaad u dhimato, Nolosha aad nooshahay waa Qiimi la’aan ( If You’ve Got Nothing Worth Dying For, You’ve Got Nothing Worth Living For). Rabitaanka qofka inuu noolaado oo naftiisa badbaadiyo waa ilhaam xoolaha iyo aadanaha ay wadaagaan. Hasa ahaatee, aadanaha wuxuu Ilaahay kaga fadilay xoolaha waxyaaba badan oy ka mid tahay waxyaaba uu aaminsan yahay oo naftiisa kala qaalisan. Sida xoriyada inuu u huro naftiisa. Sababtaa darteed ayuu Patrick Henry oo ka mid ahaa odayaashii Mareykanka ee ka shirayay gumaysigii Ingriiska u yidhi; Waa Inaad i disho ama aan kaa xoroobo (Give me Liberty or Give me Death). Weedhaa ayaa noqotay bilowgii kacdoonkii shacabka Mareykanka ay kaga xoroobeen Boqortooyada Ingriiska. Lagama yaabana inay xorowdo umadii u jilicda dilka iyo dhaca iyo fara-xumaynta gumaysiga. Fircoonkii Masar oo ahaa aabaha gumaysiga markay yidhaahdeen nimankii Sixirka u samaynayay; Ilaahayga Muuse iyo Haaruun ayaan rumaynay, wuxuu ugu jawaabay waad ogaan doontaan midkeena (aniga iyo Ilaahay) ay cadaabtiisu daran tahay ( ولتعلمن أينا أشد عذابا وأبقى ) .. Gumaysiga dhaqankiisu waa midkaa. Markaad go’aansato inaad ka xorowdo gumaysiga ayaa laga doonayaa inaad kala doorto sidii xoolaha aan lahayn mabda’ iyo qiyam (Principle and Values) uu difaaco inaad u noolaado ama aad ogolaato inaad u dhimato mabda’a aad aaminsan tahay. Hadaad doonto inaad ka xorowdo gumaysi waa inaad u adkaysato ciqaabtiisa.
Wuxuu Ilaahay ku sheegay aayadda 24aad ee suurada Tawba sideed xaalo oo aadanaha jeceylkooda darteed uu kaga hadho halganka (jihaadka). Wuxuuna Ilaahay uga digay kuwa sidaa yeela ee uga taga jacaylkii Ilaahay iyo rasuulkiisa iyo halganka (jihaadka) sideedaa kala ah; Waalid, Ubad, Walaal, Xaas, Qabiil, Hanti, Shaqo (tijaaro) iyo Guryo, inay ku dambaynayaan dullinimo iyo cadawga oo ugu dambayn kusoo weerara guryahooda oo kala wareega intiiba. Akhri aayada 24aad ee Tawba iyo sharaxaadeeda.
Arima aan maanta ka hor si dhab ah u soo wajihin shacabka Somalida Ogadenya ayaa maanta soo wajahay oy tahay inay kala doortaan. Waxaad la kulmi intaad magaalada dhex socoto mid ku leh waxaa la xidhay walaaladay ama aabahay ama wiilshaydii ama gabadhaydii, ama waxaa la haystaa hantidaan lahaa (guri ama baabuur ama xoolo), ama reerkanagii ayaa la gabagabeeyay. Sababta uu kuugu sheegayana ay tahay inuu ka dhigo asaas looga hadho halganka, ama uu huwiyo cabsida haysa iyo fulaynimadiisa ama uu ku banaysto inuu gumaysiga u adeego. Waa arimo cusub oon horey usoo marin Ogadenya, oy tahay inay kala doortaan.
Maxaa sabab u ahaa arintaa ayaan siyaaba kala duwan u weydiiyay dad aqoon iyo caqliba leh. Jawaabaha ay ka bixiyeen waxay isugu jirtay qaar ka tarjumaysa asluubta gumaysiyoo idil dhaqanka u ah iyo mid u gaar ah maamulka ka dhisan Ogadenya ee kulmiyay maafiya ka kooban kooxda Cabdi iley iyo saraakiisha Tigreega ah, kuwaasoo si naxariisdara ah ula dhaqma shacabka. Inkastoo maafiyadan ay leeyihiin ujeedooyin kala duwan, waxaase isdaboolaya oy ka midaysan inay gumaadka iyo boobka ay ku hayaan shacabka ku ilaashadaan danahooda gaarka ah. Waxaan horey u soo marin una soo mari doonin sidaan filayo ayuu yidhi oday ka mid ah kuwaan wareystay, in dhalinyaro la yaqaano oo hebel iyo hebel ah ay laayaan dad eheladooda ah oy garanayaan ka dibna inaty kufsadaan gabdhahoodii oy wada garanayaan ka dibna ay dilaan ama si naxdin leh uga tagaan. Arima noocaa ah oo ka fajiciyay dadweynaha gobolka ayuu Cabdi iley iyo inyaroo la talisa ay kula heshiiyeen kooxda Tigreega ah inay ka fuliyaan dalka si shacabka uga quustaan inay mar un ka xoroobi doonaan gumaysiga Itobiya. Inkastoo aanay ahayn mid ku gaar ah Ogadenya, falalka naxariis darada ah oo wiilal iyo gabdho u dhashay dalka ay u gaysanayaan shacabka u halgamaya gobanimadooda, hadana waxay ahayd arin ku cusub taariikhda Ogadenya oon horey usoo marin. Waxaa garab orday kuwii dhibaatada ku hayay shacabka, qaar dacaayadda gumaysiga loosoo dhiibay ama dhagta loogu shubay oo leh – Anagaa islaynayna – sida iyadoo askariga Liyuu booliska ah ee Somaliga ah uu ka duwan yahay askariga kale een ku hadlaynin af-somaliga ee galbeedka laga keenay.
Maxaa tala ah hadday arintii sidaa noqotay? Bulshada gudaha markaad su’aashaa dhex dhigto jawaabo kala duwan oo inta badan muujinaya adkaysi ayaad ka maqli. La soco.
Noora Afgaab/Jigjiga
In verse 24 of Surat al-Tawba, God mentioned eight things out of love for which human beings stay behind from the struggle (jihad). God warned those who do so, and who abandon the love of God, His messenger and the struggle (jihad), for these eight things, namely: parents, children, siblings, spouses, clan, wealth, work (trade) and houses, that they will end up in humiliation, and that the enemy will ultimately attack them in their homes and seize everything they have. Read verse 24 of al-Tawba and its explanation.
Matters that the Somali people of Ogadenia had never seriously faced before today have now confronted them, and they must choose. As you walk through the town you will meet someone who tells you: my brothers, or my father, or my son, or my daughter have been arrested; or the property I owned (a house, a car or livestock) has been seized; or our family has been wiped out. The reason he tells you this is to make it a basis for staying away from the struggle, or to cover up the fear that grips him and his cowardice, or to justify serving the colonisers. These are new matters that Ogadenia has never experienced before, and it must choose.
I asked people with knowledge and wisdom, in various ways, what the reason for this was. The answers they gave were a mixture of those reflecting the conduct that is the custom of all colonisers and one particular to the administration established in Ogadenia, which has brought together a mafia consisting of Cabdi iley's group and Tigrayan officers, who treat the people mercilessly. Although this mafia has differing aims, what unites them and binds them together is that they protect their private interests through the massacres and looting they inflict on the people. One of the elders I interviewed said: "Something that has never happened before, and I expect will never happen again, is that well-known young men, so-and-so and so-and-so, kill people from their own families whom they know, then rape their daughters whom they all know, and then kill them or abandon them in a horrific manner." Such matters, which have shocked the public in the region, are what Cabdi iley and the youngsters who advise him agreed with the Tigrayan group to carry out in the country, so that the people would despair of ever freeing themselves from Ethiopian colonialism. Although it is not unique to Ogadenia, the merciless acts that sons and daughters of the country commit against the people struggling for their freedom were something new in the history of Ogadenia that had never happened before. Running alongside those who were inflicting suffering on the people were some to whom colonial propaganda had been handed, or into whose ears it had been poured, saying – We are killing each other – as if a Somali Liyu Police soldier were different from another soldier brought from the west who does not speak the Somali language.
What is to be done if the matter has become like this? When you put that question to the society inside, you will hear varied answers, most of which show resilience. To be continued.
Noora Afgaab/JigjigaAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

