Maalin nimadii isniinta ahayd ooy taariikhdu ku beegnayd 21/9/2015 waxaa xerada qoxootiga Xagardheere ee deegaanka faafi laga xusay maalinta nabada aduunka ( partneship for peace is diginty for all ). Xafladan oo ahayd mid aad u balaadhan waxaa sooqaban qaabiyay hay’adaha kala ah UNHCR, LWF, NCCK, iyo NRC waxaana kasoo qayb galay mas’uuliyiin kala duwan iyo xubno kasocday madaxda deegaanka ee dowlada Kenya.
Xafladan oo ahayd mid mudo laqorshaynayay ayaa lagu martiqaaday ururo iyo kooxo kala duwan oo kamid ah qaybaha bulshada ee kudhaqan Xagardheere waxaana kamid ahaa dadkii lacasuumay ururka OYSU faraciisa
Xagardheere, ururka curyaamiinta, ururka ardayda, iyo qoomiyadaha kala duwan sida koox faneeda qoomiyada Gambela.
Dhamaan qaybaha kala duwan ee lagu casuumay xaflada ayaa soobandhigay ciyaaro iyo barnaamijyo kala duwan waxaana kaalinta 1aad kuguu laystay koox faneeda KACAAN ee xidiga OYSU Xagardheere. Kooxda kacaan oo uu
horkacayay Xoghayaha OYSU Xagardheere Mudane Cabdiraxmaan Faarax ayaa soo bandhigay riwaayad ka turjumaysay nabada iyo colaadaba iyo dhaanto ay aad ugu maqsuudeen kasoo qayb galayaashii xaflada.
Ugu horaynba Kooxda Kacaan oo looga bartay suugaan dhamac ah ayaa markay maslaxa soo galeen lagu soo dhaweeyay sacab iyo sawaxan waxayna dadwaynuhu markasta codsadaan in dib loogu celiyo hadba barnaamijka ay kooxdu soo bandhigto sida dhaantada oo noqoday mid ku celinteeda aad loo codsado.
Guntii iyo gunaanadkii garsoorayaashii ayaa kudhawaaqay kooxda kaalinta koobaad gashay oo ah OYSU Xagardheere waxayna mas’uuliyiinta xaflada fadhiyay lagaleen kulan gooni ah.
ONA Xagardheere.
Xagardheere branch, the association of persons with disabilities, the students' union, and various nationalities such as the cultural troupe of the Gambela nationality. All the different groups invited to the ceremony presented various performances and programmes, and first place was won by the KACAAN cultural troupe of the OYSU Xagardheere stars. The Kacaan troupe, which was
led by the Secretary of OYSU Xagardheere, Mr Cabdiraxmaan Faarax, presented a play portraying both peace and conflict, as well as a dhaanto dance that greatly delighted those attending the ceremony. First of all, the Kacaan troupe, known for its sweet poetry, was welcomed with applause and cheering when they came on stage, and the audience kept requesting that each programme the troupe presented be repeated, with the dhaanto in particular becoming one whose repetition was strongly requested.
In the end, the judges announced that the troupe that had taken first place was OYSU Xagardheere, and the troupe was taken into a separate meeting with the officials at the ceremony.
ONA Xagardheere.

AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
