Somalida ayaa marka ay arkaan qof masuuliyadiisii intuu gabay meela kale sii haahabanay waxay ugu maahmaahaan Habartii xaabada qaadi weyday ee mid kale ku darsatay. Hadda KT Meles waxaa laga soo sheegay inuu yidhi waxaan ka shaqaynayaa sidii afgambi loogu samayn lahaa madaxweynaha Eretreeya. Wuxuuna sida ay ka warisay wakaaladda AFP ku eedeynayaa inay taageeraan jabhadaha ka soo horjeeda gumaysigiisa ee OLF iyo ONLF iyo waliba shabaabka Somaliya.
Waxaa hadalkan ka horeeyay inuu dhowr todobaad ka hor yidhi dagaal ayaan ku qaadayaa Eretreeya hadaanay joojinin wuxuu ugu yeedhay faragalinta ay ku hayso maamulkiisa. Waagaa ayay khubarada aqoonta u leh xoogaga military ee dalalka waxay sheegeen inuusan lahayn hadda awood ciidan Meles Zinawi uu ku weeraro Eretreeya, hadday sidaa dhacdana uu kala kulmayo khsaare balaadhan oo laga yaabo inay soo dhaawacdo xukunkiisa.
Warkan uu siiyay saxaafadda ee wakaaladda AFP ay soo xigatay ayuu KT Meles sidoo kale ku eedaynayaa dalka Masar inay hoosta kala jirto Ertreeya oy ku soo shidayso, wuxuuna sidii dhaqanka u ahayd handaday Masar isagoo leh dan uguma jirto arintaa. Markasta oo Itobiya ay ka hadlayso xidhiidhka ay la leedahay Masar waxay soo qaadaa wabiga Nile oo ah nolosha dadka Masar, wuxuuna xasuusiyay Meles sida waayadanba socotay inuu biya-xidheeno isdaba yaala ka samayn doono daantiisa wabiga Blue Nile suu uga cunaqabateeyo Masar xagga biyaha.
Arimahan oo idil waxay astaan u yihiin dhibaatada haysata KT Meles oo hadda dareemay inuu xukunkiisa gabaabsi ku jiro.
ONA.
When Somalis see someone who has failed in his own responsibility yet goes rambling about elsewhere, they have a proverb for it: "The old woman who could not carry her firewood, yet took on someone else's as well." Now PM Meles has reportedly said: "I am working on how a coup could be carried out against the president of Eritrea." According to the AFP news agency, he accuses them of supporting the fronts opposing his colonial rule, the OLF and the ONLF, as well as al-Shabaab in Somalia.
These remarks were preceded by his statement a few weeks ago that he would wage war on Eritrea if it did not stop what he called its interference in his administration. At that time, experts with knowledge of the countries' military strength said that Meles Zenawi currently lacks the military capability to attack Eritrea, and that if he did so he would suffer heavy losses that might weaken his rule.
In this statement he gave to the press, quoted by the AFP news agency, PM Meles also accuses Egypt of covertly backing Eritrea and inciting it, and, as has been his custom, he threatened Egypt, saying that this is not in its interest. Whenever Ethiopia talks about its relations with Egypt, it raises the Nile River, which is the lifeline of the people of Egypt, and Meles reiterated, as he has been doing for some time, that he will build a series of dams on his side of the Blue Nile River in order to impose sanctions on Egypt in terms of water.
All of these matters are signs of the troubles facing PM Meles, who now senses that his rule is nearing its end.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
