Maanata oo ay Bishu ahayd Bisha Abriil 24, 2011 waxaa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota carriga Maraykanka lagu qabtay shir muhiim ah oy isugu yimaadeen shuccubbta ka soo horjeeda cadaadiska iyo gumaysiga Wayaanaha. Shirkan oo ahaa mid si habsami ah loo soo qorsheeyey ayaa ahaa mid muhiim ah oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin kala matalayey qaybaha Shucuubta Itoobiya iyo ururadooda ka soo horjeeda Maamulka Kalitaliska ah ee xasuuqa ku haya shacuubta dulman. Shirka waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala matalayey ururada:
- ONLF,
- OLF,
- Genbot 7,
- Knijit,
- EPRP,
- Anuak Peoples Movement.
Kulankan oo ahaa mid heer Jaaliyadeed oo ka bilowday Dalka Maraykanka ayaa waxaa lagaga wada hadlay sidii wada-shaqayn iyo midnimo dhexmarta qaybaha ay kala matalayeen madaxda isgu timid shirka loo taaba galin lahaa.
Intii ka dambaysay Banaanbaxyadii lagaga soo horjeeday faragalinta maamulka xaqdarada ku dhisan ee ay hogaamiso TPLF uu kula kacay Jaliyadaha Dibada ayaa waxaa si xawli ah kor ugu kacay dareenka ah in la soo gaadhay xilligii la soo afjari lahaa kala qaybsanaanta shucuubta iyo “Qawmiyad Tooxsiga” si la’isaga kaashado ka hortagga dulmiga iyo cadaadiska iyo gumaysiga Wayaanaha.
Hadaba, waxaa kulankan lagu magacaabay Shan-xubnood oo masuuliyada isku xidhnaanta, wadashaqaynta, iyo midnimada Qawmiyadahan loogu tala galay. Gudigan ayaa soo diyaarin doona Qorshaha Istraatijayada talaabooyinka xiga ee la qaadi doono Banaanbaxyadi ka dib. Waxaa sidoo kale laysku raacay in laga wada shaqeeyo lix arimood:
- In si wada jir ah looga hortago khayaamooyinka ay maleegayso Xukumada uu hogaam iyo Kaligii Taliye Melez Senawi.
- In si wada jir ah loogu wada ololeeyo sidii looga dhaadhicin lahaa Dawlada Maraykanka inaysan taageerin Xukumada ay hogaamiso TPLF ee ay taageerto Shacbiga dulman.
- In si wada jir ah looga wada shaqeeyo soo bandhigida tactiyada iyo dulmiga Xukumada EPRDF.
- In lays dhaafsado xogaha muhiimka ah eek u saabsab khayaamooyinka iyo gol’jilicda cadawga.
- In si wadajara laysiga caawiyo wakhtiyada uu cadawgu uu Qawmiyadqawmiyad dagaal ku wajahan ee aan la odhan waxaa loo dan leeyahay qawmiyad hebla.
- In si wadajira looga wada qayb qaato Banaanbaxyada dhanka ka ah Xukumada cabudhiska iyo Qoriga caaradiisa ku dhisan.
Ugu dambayn waxaa laysla gartay in kulanka xiga wakhtigiisa iyo goobta ay soo qabanqaabsio Jaaliyada Ogaadeenya oo ahayd tii marti galisay kulanka dhacay maanta.
ONA.
Today, April 24, 2011, an important meeting was held in the city of Minneapolis in the State of Minnesota in the United States, bringing together peoples opposed to the oppression and colonialism of the Woyane. This carefully planned meeting was an important one that brought together officials representing the various peoples of Ethiopia and their organisations opposed to the dictatorial regime that is committing massacres against the oppressed peoples. The meeting was attended by officials representing the following organisations:
- ONLF,
- OLF,
- Genbot 7,
- Kinijit,
- EPRP,
- Anuak Peoples Movement.
- To jointly counter the schemes being plotted by the government led by the dictator Meles Zenawi.
- To jointly campaign to persuade the United States Government not to support the government led by the TPLF, but to support the oppressed people.
- To work together to expose the tactics and oppression of the EPRDF government.
- To exchange important information concerning the schemes and weaknesses of the enemy.
- To jointly help one another at times when the enemy wages war against one nationality after another, without saying that it concerns only a particular nationality.
- To jointly take part in demonstrations against the repressive government built on the barrel of the gun.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
