Xaalad aad u qalafsan una dhib badan ayay mareysaa guud umadii Somaliyeed, waxaadna moodaa hadaanay u bixin hanadyo inay ku dambayn doonto Somali in la yidhaahdo waa ayay daganaan jireen Geeska Afrika umad la-yidhaahdo Somali oo isbaabi’iyay. Waxaa jira aalad sameeya is-qarxin (Self Destruct), oo loogu talagalo waxyaabo hadday ka baxaan qorshihii loo dajaiyay ama mudadii loo qabtay inay iskood isku burburiyaan, sida miinooyinka casriga ah oo mudadii loogu talalagay markay dhamaato isbaabi’ya ama saaruukha cirka loo gano oo loogu talagalo haduu dib ugu soo noqdo goobtii laga diray inuu isqarxiyo .. iwm.
Itobiya gaar ahaan kooxda Wayaanaha TPLF ee xukunka dalkan gacanta ku haysa, waxay heleen aaladii loo adeegsan lahaa inay isku baabi’yaan Somalida. Aalada qudheeda sida aanay uga badbaadin burburka ayuu cunsurkan loo adeegsanayo burburinta Somalida uga badbaadi doonin qudhiisa, hasa ahaatee hadda wuxuu wadaa cunsurkaasi hawshii loo qorsheeyay, wuxuuna ku dhex jiraa talaabooyinkii ugu dambeeyay ee qarxinta iyo kala dirka Somalida. Aaladdan loogu talagalay in lagu burburiyo jinsigii Somali la odhan jiray dib ayaan faaladiisa ugu soo noqon doonaaye, maqaalka maanta ina horyaala waxaan ku lafa gureynaa arimo aan sir ahayn hasa ahaatee ay suurtagal tahay in uuna fahmin qofkaan meel fog wax ka eegin.
Umadda Somaliyeed ee Ogadenya halgan dheer oo aad u dhib badan, naf iyo maal farabadana ay u hureen ayay wadeen 50kii sanoo ee ugu dambeeyay, waxaana hadda isku soo gaadhay halgankii laba facaad (two generations). Arintaasi waxay wadadataa Yididiilo wanaagsan iyo Khatar u baahan in lafahmo oo sida ugu haboon loo maareeyo. Waa markii ugu horeysay taariikhda la xusuusto oo halganka hubaysan ee ka socda Ogadenya ay iskusoo gaadhaan odayaashii bilaabay iyo ubadkii ku barbaaray halgankaa. Hadaba siraha aan helayo waxaa ka mid ah inuu jiro qorshe ay dajiyeen sirdoonka Itobiya oo loosoo gudbiyay maamulka Cabdi iley, loona diyaariyay miisaaniyad iyo dadkii ka hawlgali lahaa. Qorshahaasi wuxuu ku salaysan yahay in la abuuro kutiri-kuteen loogu talagalay in lagu kala jabiyo labada facaad ee halganka iskusoo gaadhay.
Habka loo abuuro Kutiri-Kuteenta iyo habka loo faafiyo labadaba waa xirfad lagu tababaro qayba ka mid ah sirdoonka oo loo adeegsado in loogula dagaalamo cadawga kaasoo horjeeda laguna mooraal jabiyo dadweynahooda. Dagaalkii 2aad ee aduunka ayaa aad loo adeegsaday kutiri-kuteenta la abuuro, ilaa heer ay gaadhay in dawlad walba ay shacabkeeda uga digaan in aanay maqlin sheeko aan kasoo bixin ilaha rasmiga ah ee dawladda. Digniinahaa oo jira ayaa la awoodi kari waayay in shacabka laga joojiyo inuu sii faafiyo kutiri-kuteenta uu maqlo. Ka dib waxaa la ogaaday inay ka mid tahay dabeecadaha aadanaha inuu faafiyo wixii dhagta loo saaro.
Arinta ku saabsan in sirdoonka Itobiya ay adeegsadaan dacaayada Kutiri-Kuteenta ah waxaa i dareensiiyay nin saaxiibkay ah oo xogta maamulka Cabdi iley sifiican ula socda. Waxaa ka mid ahaa hadaladiisa; waxaad ku ogaan kartaa arintaa inay jirto siday ola socdaan dhaq-dhaqaaqa jaaliyadaheena, oo markay maqlaan dhacdooyinka qaarkood aad ka maqli kuwa loo xilsaaray arimahaa iyagoo isugu hambalyeynaya inay ku guulaysteen hawl ay qabteen. Waxay iisoo sheegeen qaar kuwaa dhexsocda inay ka mid tahay hadalada ay isugu hambalyeeyaan; way liqeen suntii ama iyagoo leh xogtaan xalay helnay gaadhsii kooxdii. Waxaad maqli mararka qaarkood iyagoo sheegaya in aag cusub loo diray oon cid hore joogin oo u baahan in la raadiyo xog dheeraad ah, ka dibna la leeyahay yaan u dirnaa oo ku haboon hawshaa. Markaan baadhitaan ku sameeyay qodobada asaaska u ah kutiri-kuteenta la abuuro ee loogu talagalo jaaliyadaha waxaa iisoo baxday in ujeedada laga leeyahay ay tahay sidii loo kala dhex dhigi lahaa shaki labada facaad ee halganka iskusoo gaadhay ama siday hadalka u dhigaan kuwa qaska wadayaasha ah. Waxaana asaas u ah barnaamijkooda;
- in qodobada ay qas-wadayaasha (xubnaha) ka doodayaan noqdaan qodobo loo dooray.
- in is-eedeynta labada garab (dhalinyarada iyo odayaasha) ahaadaan joogto aan dhamaanin.
- in iyaga (sirdoonka Itobiya iyo kooxda Jigjiga) ay abuuraan qodobada ay isku eedeynayaan labada garab.
- in is-eedeynta u dhexeeya dhalinyarada iyo odoyaasha noqoto mid caam ah oo banaan ool ah.
- in la abuuro kutiri-kuteen ku dhaliya qurba-joogta cabsi baahsan.
Qodobadaa iyo kuwa kaloo marxald gaar ah ku haboon ayaa asaas u ah barnaamijka loogu talagalay in lagu jahawareeriyo labada jiil ee halganka isugu yimid. Maxaa uga hirgalay barnaamijkan? Dhab ahaan uma qiimayn karo, laakiin markaad fiiriso siday ugu hawlan yihiin oy u maalgalinayaan, waxaad ogaanaysaa inuu yahay mashruuc u shaqaynaya, sababtoo ah aqoonta ay ku shaqeeyaan nimankan gaagaaban waxaa ka mid ah qiimayn joogta ah iyo tanna ku daya joogta ah.
Noora Afgaab/Jigjiga
Both the method of creating fabricated rumours and the method of spreading them are skills in which certain sections of intelligence are trained, and they are used to fight the opposing enemy and to demoralise their public. In the Second World War, fabricated rumours were used extensively, to the point that every government warned its citizens not to listen to any story that did not come from the government's official sources. Despite those warnings, it proved impossible to stop the public from further spreading the rumours they heard. It was later found that it is part of human nature to spread whatever is put into one's ear.
The matter of Ethiopian intelligence using fabricated rumour propaganda was brought to my attention by a friend of mine who closely follows the information of the Cabdi iley administration. Among his words were: you can tell that this exists from how they follow the movements of our diaspora communities, and when they hear about certain events you hear those assigned to these matters congratulating each other on succeeding in a task they carried out. Some of those who move among them told me that among the words with which they congratulate each other are: they have swallowed the poison, or they say, deliver this information we obtained last night to the group. Sometimes you hear them saying that a new area where no one had been before has been targeted, which needs further information to be sought, and then they ask whom we should send who is suitable for that task. When I investigated the fundamental points of the fabricated rumours created for the diaspora communities, I found that the aim is how to sow suspicion between the two generations that have come together in the struggle, or, as they put it, those who are troublemakers. The foundation of their programme is:
- that the points the troublemakers (the members) argue over become points chosen for them.
- that mutual accusation between the two sides (the youth and the elders) becomes constant and never-ending.
- that they (Ethiopian intelligence and the Jigjiga group) create the points over which the two sides accuse each other.
- that the mutual accusation between the youth and the elders becomes public and out in the open.
- that fabricated rumours are created that cause widespread fear among the diaspora.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

