Laba aragti oo iska soo horjeeda ayay kala aaminsan yihiin dad aan kala xidhiidhnay Addisababa ilaa Jigjiga. Taxaaliisha ay samaynayeen dad aan wax ka weydiinay calaaqada u dhexeeysa KT Meles iyo Cabdi ilay waxay qayb ka mid ah saldhig uga dhigeen dhaqanka Meles ee ah inuusan jeclayn qofka diida xukunkiisa inuu sii noolaado in laynta iyo xasuuqa uu Cabdi ilay ku hayo dadka shacabka ah ee Ogadenyana uu ku helay Cabdi ilay mudnaan iyo madax salaax.
Waxayna daliil u soo qaateen in looga dhigay shahaado sharaf in lagu martiqaado shirweynaha ururka gacan ku-rimiska ah ee EPRDF.
Ra’yiga ka soo horjeeda kooxda aaminsan waxay leeyihiin KT Meles oo dunida ka gaday hawlgalkii Cobolle ka dib inuu ugu badnaan 2ba sano ku soo afjari doono halganka shacabka S.Ogadenya iyo jabhadda ONLF, mudadaana aan lagala hadlin xadgudubka iyo xasuuqa uu gaysto, wuxuu filayay in laynta iyo xasuuqa uu ku hayo Cabdi ilay shacabkaa uu ku soo afjari doono mudadii loo qabtay. Wuxuu hadda KT Meles u rahman yahay Cabdi ilay, wax walbana farahooda way ka bexeen aan ka ahayn beenta ay isku maaweeliyaan ee kolba la leeyahay waxaa yimid wafdi ka socda qurba joogta iyo reer hebel ayaa salaan iyo bogaadin u soo diray Cabdi ilay.
Dad badan oon kala xidhiidhnay Jigjiga waxay leeyihiin wax nidaam ah oo ka jira hadda waddanka ma jiro aan ka ahayn hawlgalada ciidamada JWXO ay sida hufan u fulinayaan iyo maxaysatada Cabdi ilay oo ka aargoosanaya shacabka reer guuraaga ah. Wuxuu ku dhex waashay bay yidhaahdeen Cabdi ilay teleefoonada ay uga soo dirayaan qurbaha kuwa doonaya inay maalmo ku soo qayilaan halkaa iyo weerarada kolba laga soo sheegayo meel ka mid ah agagaarka Jigjiga. Waxaa ku qaraxday beentii loo dhoodhoobay ee Ibraahim dheere iyo Salaax dambiile ay u sheegeen ka dibna uu ka sii qaaday. Waxaa ugu darnayd bay yidhaahdeen markii ciidamada gumaysiga la yidhi soo celiya teendhooyinkii iyo xeryihii ay ka oodeen meela ka mid ah dalka ee la yidhi waxaa ku soo xaroon doona ciidamada ONLF ee isa soo dhiibaya.
Nin ay saaxiiba yihiin Cabdi ilay ayaa yidhi; Beentii ay ku soo celcelinayeen oy rabeen inuu dadweynaha rumaysto ayay iyagii sheegayay run dhab ah moodeen. Markaasey kharash badan galiyeen xeryo la leeyahay waxaa dhaqan celin loogu samaynayaa ciidamada ONLF ee soo xaroonaya. Cabdi ilay iyo kooxdiisa hadda ma dhex tagi karaan ciidamada dawladda, wuxuuna dhex joogaa un maxaysatada hawaarinta oo shacabka uu ku ciqaabo markay diideen inay soo galaan xeryaha la ooday si loo yidhaahdo waa ciidamadii ONLF ee la sugayay.
Hadda oo dhamaan qawmiyadaha ku jira qabtolka Itobiya ay isu diyaarinayaan kacdoon Intifaada ah, waxaa laga saadaalinayaa inay soo dhawaatay mudadii uu sii hayn lahaa xukunka Wayanaha TPLF.
ONA.
People we contacted from Addisababa to Jigjiga hold two opposing views. The analysis offered by people we asked about the relationship between PM Meles and Abdi Iley rested in part on Meles's habit of not wanting anyone who rejects his rule to stay alive. They said that, through the killing and massacres Abdi Iley is carrying out against the civilian people of Ogadenia, Abdi Iley has earned privilege and favour.
As evidence, they pointed to the fact that, as a certificate of honour, he was invited to the general congress of the puppet organisation EPRDF.
Those who hold the opposing view say that PM Meles, who after the Obole operation assured the world that within two years at most he would put an end to the struggle of the people of Ogadenia and the ONLF front, and that during that period no one would speak to him about the abuses and massacres he commits, expected that the killing and massacres Abdi Iley is inflicting on that people would bring it to an end within the set time. PM Meles is now stuck with Abdi Iley, and everything has slipped out of their hands except the lies they amuse themselves with, each time claiming that a delegation from the diaspora has arrived or that such-and-such a clan has sent greetings and praise to Abdi Iley.
Many people we contacted in Jigjiga say there is no functioning order in the country now other than the operations the ONLF forces are carrying out efficiently and the Abdi Iley militias taking revenge on the nomadic civilians. Abdi Iley, they said, has been driven mad by the phone calls from abroad from those who want to spend a few days of leisure there, and by the attacks reported from time to time in places around Jigjiga. The fabricated lies told to him by Ibraahim Dheere and Salaax Dambiile, which he went on to repeat, have blown up in his face. Worst of all, they said, was when the colonial forces were told to bring back the tents and camps they had set up in parts of the country, where it had been said that ONLF forces who were surrendering would assemble.
A friend of Abdi Iley said: "The lies they kept repeating, which they wanted the public to believe, they themselves came to take as the real truth. So they spent a great deal of money on camps where it was said rehabilitation would be carried out for the ONLF forces who were assembling." Abdi Iley and his group can no longer move among the government forces; he stays only among the Hawaarinta militias, with whom he punishes the civilians when they refuse to enter the camps that were set up so that it could be said they are the ONLF forces that were expected.
Now that all the nationalities within the Ethiopian empire are preparing for an Intifada-style uprising, it is predicted that the time remaining for the Woyane TPLF to hold on to power is drawing near its end.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
