Waxaa Shalay lagu qabtay shir balladhan xarunta jaalayidda Ogadenia ee London UK, Xafladaa oo aad loo soo agaasimay aya haweenka Ogadenia ugu dabaal degayeen maalinka Haweenka Adduunka. Shirkaas Waxaa ka soo qaybgaleen, Xubnaha ururka haweenka UK, madaxa Ururka dhallinyarada Ogadenia, xoghayaha Hoggaanka Arrimaha abaabulka iyo Bulshada JWXO, Xoghayaha Arrimaha Dibedda JWXO, iyo Xubno ka socday Ururka haweenka Somalia.
Waxaa shirka lagu furay aayado quraan ah ka dibna waxaa wacdi qiimo badan ka soo jeedisay Marwo Shugri Sh. Cali oo si qoto dheer uga hadashay marxalladda Ummadda Somaliyeed ay mareyso oo dhammaantood maanta gumaysiga Itoobiya uu gacanta ku dhigay sitoos iyo si dadbanba ay maanta u hoos tagaan Itobiya, iyo sida loogu baahan yahay in eebe loo noqdo oo caabudkiisa loo badiyo, xaqana loo taageero.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka marawo Rosa Cabdiraxman ayaa halkaas ka soo jeedisay qudbad qiimo badan oo dhinacyo badan taabanaysaa. Waxay halkaas ugu baaqday Dhammaan haweenka Ogadenya inay gacana halganka Xoreynta Ogaadenia ku taageeran gacana kaga shaqeeyaan horumarinta qadiyadda Dumar.
Waxaa kaloo halkaas ka hadashay marwo Ruqiyo Xuseen Aabi oo halkaas ku soo bandhigtay muhimadda ay maalinkan haweenka adduunkoo idil u leedahay, ayadoo taariikhda halganka haweenka adduunku u soo mareen suggidda xuquuda haweenka halkaas ka soo jeedisay iyo guud ahaan kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ay ka qaataan horumarinta bulshada Soomaliyeed ama hala gumaysto ama xor ha ahaadaanee.
Waxaa kaloo halkaas gabay buraanbur ah oo aad u qiimo badan oo ay ku taageerayso halganka Somalida Ogadenia ka soo jeedisay xafladaas qiimaha badan Marwo Maryan jacayl oo ka socotay Ururka haweenka Somalia. Sidoo kale waxaa buraambur iyo guubaabo aad u qiimo badan soo bandhigtay marwo Koos shariif oo ku lebisnayd calanka.
Kaalinta ururka haweenka Ogadeeniyana waxaa aad uga hadashay Marwo Hibo Cali Malow. Sidoo kale kaalinta haweenka Somaliyeed ay kaga jireen halganka gobanimoodka waxaa aad u qaadaa-dhigtay Marwo Bilaad Adan Kukay.
Waxaa kaloo halkaas ka soo jeediyay khubado guubaabo ah oo dadku aad ugu diirsadeen Labada marwo ee kala ah Sooc Ahmed Nur iyo Casho-lul Xasan.
Xafladaas oo ka turjumaysay bisaylka ay gaadheen haweenka Soomaalida Ogadenia waxay noqotay mid dareenka iyo wacyiga Reer UK kor u qaaday.
ONA.
Yesterday a large gathering was held at the Ogadenia community centre in London, UK, a very well-organised ceremony at which the women of Ogadenia celebrated International Women's Day. The gathering was attended by members of the UK women's association, the head of the Ogadenia youth association, the secretary of the ONLF's Department of Mobilisation and Social Affairs, the ONLF Secretary of Foreign Affairs, and members of the Somalia women's association.
The gathering opened with verses from the Quran, after which a valuable sermon was delivered by Mrs Shugri Sh. Cali, who spoke in depth about the stage the Somali nation is going through: Ethiopian colonialism has laid its hands on all of them, and today they all fall under Ethiopia, directly or indirectly. She also spoke of the need to turn to God, to worship Him more and to support the truth.
The Chairwoman of the Women's Association, Mrs Rosa Cabdiraxman, delivered a valuable speech there that touched on many aspects. She called on all the women of Ogadenia to support the struggle for the liberation of Ogadenia with one hand and to work for the advancement of the women's cause with the other.
Mrs Ruqiyo Xuseen Aabi also spoke there, presenting the importance of this day for women all over the world. She set out the history of the struggle that the world's women have gone through to secure women's rights, and more generally the role Somali women play in the development of Somali society, whether they are colonised or free.
A very valuable poem in buraanbur form supporting the struggle of the Somalis of Ogadenia was also presented at that valuable ceremony by Mrs Maryan Jacayl, who came from the Somalia women's association. Likewise, a very valuable buraanbur and words of encouragement were presented by Mrs Koos Shariif, who was dressed in the flag.
The role of the Ogadenia women's association was discussed at length by Mrs Hibo Cali Malow. Likewise, the role Somali women played in the struggle for independence was examined in detail by Mrs Bilaad Adan Kukay.
Rousing speeches that warmed the audience were also delivered there by two women, Mrs Sooc Ahmed Nur and Mrs Casho-lul Xasan.
The ceremony, which reflected the maturity attained by the Somali women of Ogadenia, raised the feeling and awareness of the UK community.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
