
Waxaa dacalada aduunka aad looga hadal hayaa xuska maalintan, sababtoo ah wuxuu caalamka qiray doorka ay ku leeyihiin qaxootiga horumarka wadama badan oo caalamka ka jira. Dalalka maanta ugu dhaqaalaha badan caalamka maanta sida Mareykanka, Canada, Australia, waxaa asaaskeeda leh qaxootigii ka soo cararayay dagaaladii sokeeye ee ka socday dalalka Yurub ilaa iyo qarnigii 18aad.
Dalalkaa ayaa ka mid ah kuwa sida fiican looga qadariyo qaxootiga oo maalintan sida fiican looga xuso. Waxaa ku darsamay dalalka kale ee caalamka ee fahmay in qofka aadanaha ah uu yahay asaaska horumarka iyo hodanimada dalalkaa.
Jaaliyadaha S.Ogadenya ee ku nool dalal farabadan oo Yurub, Ameerikada Waqooyi, Australia, dalalka Khaliijka iyo dalka Koonfur Afrika, ee ka soo qaxay dagaaladii sokeeye ee Somaliya iyo dhibaatada hadda uu ku hayo gumaysiga Itobiya shacabka Ogadenya, ayaa door waxtar leh ka qaata dhaq-dhaqaaqa nololeed ee dalalkaa. Qaar badan ayaana waxbarasho heer sare ah ku qaatay oo ka mid ah dabaqadda dhexe ee dalalkaa. Qaar kale ayaa qayb fiican ka qaata siyaasadda dalalka ay ku noolyhiin oo ka mid ah xisbiyada.
Waxaa mudan oo aan la iloobi karin doorka taageerada ahee ay jaaliyadaha ka qaataan halganka ay shacabka Ogadenya ugu jiraan aaya-ka-tashigooda, iyagoo dawladaha ay dhalashadooda qaateen ee canshuurtooda ay bixiyaan u sharxa dhibaatada uu ku hayo gumaysiga dhiigyacabka ah walaalahood. Waxaa kaloo lagu xasuustaa jaaliyadaha Ogadenya banaanbaxyada joogtada ahee ay ku hordhigaan marka ay xukuumadda dhiigyacabka ah ee KT Meles hogaaminayo ay dibadaha u soo baxaan.
Waxaan xuska munaasabadan caalamiga ah ee Maalinta Qaxootiga Aduunka kala qayb qaadanaynaa dunida anagoo ballan qaadayna in aanan iloobin waligeen in aan gargaar u fidino qof qaxooti ah oo dhibaataysan meel uu joogaba.
ONA.
The commemoration of this day is being widely talked about across the corners of the world, because the world has acknowledged the role refugees play in the development of many countries around the globe. The countries with the largest economies in the world today, such as the United States, Canada and Australia, were founded by refugees who fled the civil wars that raged in European countries up until the 18th century.
Those countries are among the ones where refugees are well appreciated and where this day is properly commemorated. They have been joined by other countries of the world that have understood that the human being is the foundation of the development and prosperity of those countries.
The communities of Somali Ogadenia living in numerous countries in Europe, North America, Australia, the Gulf states and South Africa, who fled the civil wars in Somalia and the hardship that the Ethiopian colonisation is currently inflicting on the people of Ogadenia, play a beneficial role in the social and economic life of those countries. Many have obtained higher education and are part of the middle class of those countries. Others take a significant part in the politics of the countries they live in and are members of political parties.
Worthy of mention, and not to be forgotten, is the supporting role the communities play in the struggle of the people of Ogadenia for their self-determination, as they explain to the governments whose citizenship they have taken and to which they pay their taxes the suffering that the bloodthirsty colonisation is inflicting on their brothers and sisters. The Ogadenia communities are also remembered for the continuous demonstrations they stage whenever the bloodthirsty government led by PM Meles travels abroad.
We join the world in commemorating this international occasion of World Refugee Day, pledging that we will never forget to extend help to any refugee in distress, wherever they may be.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

