Malintii Sabtida ahayd 04 June 11, waxaa Jaamacada (Univesity of Minnesota) ee ku taala magaalada Minneapolis lagu qabtay shir si hersara ah loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabisay hayada macadka cilmi baadhista geeska Africa ee loo yaqaano marka lasoo gaabiyo “IHASA” Macadkan oo ay xaruntiisu tahay gobolka California ee wadanka Maraykanka ayaa isagu waxaa uu isu taagay sidii uu cilmi baadhis qota dheer ugu samayn lahayd dhibaatoyinka baaxada leh ee ay ciidamada gumaysiga Ethiopia u gaystaan shacabka aan waxba galabsanin ee Ogadenia.
Madasha shirka ayaa waxaa soo buux dhaafiyay qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay Jaliyada Somalida Ogadenya ee gobolka Minnesota, haday noqonlahayn, Aqoonyahanka, Odayasha, Siyaasiyiinta, Hooyooyinka Culumo Awdiinka, Dhalinyarada iyo dhamaanba ururada bulshada ee ka jira gobolka Minnesota.
Madaxa macadkan IHASA Mudane Xamse Xaji Warfaa ayaa isagu waxaa uu si qoda dheer uga hadlay waxqabadkii macadkan mudadii uu jiray waxaa uuna so bandhigay talaabooyinkii ay ku talaabsadeen oo runtii wada ahaa guulo waa wayn oo u soo hoyday shacabka Ogadenya. Mudane Xamse ayaa isagu ku nuux nuuxsaday inay howshan ku qasabtay inay u istaagan kadib markii ay umuuqatay in tariikhada Ogadenya si khaldan looga turjumo oo intabadan dad aan ehel u hayan qadiyada Ogadenya amaba gumaysiga dulmiga kuhaya shacabka Ogadenya uu hadana tariikhada Ogadenya si xaqiiqada ka fog wax uga qoro, isagoo marksta uu gumaysigu waafajinayo waxa uu ka qorayo Ogadenya danihiisa siyaasiga ah. Waxaa uu Mudane Xamse ugu bishareeyay ka soo qaybgalayashii shirka in Mudadii uu Macadku jiray ay ku guulaysteen inay qoraan buug ka hadlaya taariikhada Ogadenya buugaasna uu la yaalo madbacadii daabacaysay oo ay ku raja wayn yihiin in uu buugaasi soo bixi doono mudo 4 ilaa 6 usbuuc gudahooda ah.
Shirkan ayaa waxaa marti sharaf u haa khubaro aad ugu xeel dheer cilmi baadhista guud ahaan geeska Africa gaar ahaana wadanka Ogadenya, waxayna madashii ku soo bandhigeen tariikh dhaxal gal ah oo dhinacyo badan taabanaysay:- Haday noqonlahayd qaabkii uu wadanka Ogadenya gacanta ugu galay gumaysiga madow ee Abasiiniya, marxaladihii kala duwanaa ee ay maamuladii kala duwanaa ee Ethiopia ay ku soo gumaysan jireen wadanka Ogadenya iyo marxalada qalafsan ee ay xukuumada kaligii taliye Males kula dhaqmayo shacabka Ogadenya.
Dhanka kalana waxaa shirka lagu falanqeeyay sidii xal waara loogu heli lahaa qadiyada Ogadenya, ayadoo ay dhamanba khubaradii shirka ka soo qayb gashay ay isla qireen, inaan daganaasho geeska Afrika uuna suuragal ahayn inata la iska indha tirayo amaba aan xal siyaasi ah loo helin qadiyada guunka ah ee Ogadenya.
Isku soo wada duuboo maalintii koobaad ee shirkan ayaa waxaa uu ku dhamaaday jawi aad u qorxoon, ayadoo shirka maalintii labaadna loo balansanayahay Malinta Axada ah oo lagu wado inu noqdo barnaamij diirada lagu saari doono dhalinyarada.
Mohamed Darba Wayne,
Minneapolis, Minnesota.
On Saturday, 04 June 11, a well-organised conference was held at the University of Minnesota in the city of Minneapolis, arranged by the Institute of Horn of Africa Studies, known by its abbreviation "IHASA". The Institute, which is headquartered in the state of California in the United States, has taken it upon itself to carry out in-depth research into the widespread abuses that the Ethiopian colonial forces commit against the innocent people of Ogadenia.
The conference hall was filled to overflowing with the various sections that make up the Ogadenia Somali community in the state of Minnesota, including intellectuals, elders, politicians, mothers, religious scholars, youth and all the community organisations active in the state of Minnesota.
The head of IHASA, Mr Xamse Xaji Warfaa, spoke in depth about the Institute's work during the period it has existed and presented the steps they have taken, which have truly all been great successes for the people of Ogadenia. Mr Xamse stressed that they were compelled to take up this task after it became apparent that the history of Ogadenia was being misrepresented, mostly by people who have no stake in the Ogadenia cause, or else by the colonisers oppressing the people of Ogadenia, who in turn write the history of Ogadenia far from the truth, as the colonisers always tailor what they write about Ogadenia to their political interests. Mr Xamse gave the conference participants the good news that during the Institute's existence they have succeeded in writing a book on the history of Ogadenia, and that the book is now with the printing press publishing it, and they are very hopeful that the book will be released within 4 to 6 weeks.
The guests of honour at this conference were experts highly specialised in research on the Horn of Africa in general and the country of Ogadenia in particular, and they presented to the forum a historic account touching on many aspects:- including how the country of Ogadenia fell into the hands of the black Abyssinian colonisers, the various stages in which the different Ethiopian administrations colonised the country of Ogadenia, and the complex stage in which the regime of the dictator Males is treating the people of Ogadenia.
On the other hand, the conference discussed how to find a lasting solution to the Ogadenia question, with all the experts who took part in the conference agreeing that there can be no stability in the Horn of Africa, and that it is not possible, as long as the fundamental question of Ogadenia is ignored or no political solution is found for it.
In summary, the first day of this conference ended in a very joyful atmosphere, with the second day of the conference scheduled for Sunday, which is expected to be a programme focusing on youth.
Mohamed Darba Wayne,
Minneapolis, Minnesota.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

