wafdi sare oo ay hor kacayaan gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya (JWXO) Mudane Maxamed Ismaaciil Cumar & Hoganka Abaabulka Arimaha Bulshada Mudane Maxamed Cabdi Yasiin (Diirane) oo mal mahanba socdaal kormeer shaqa ah ku marayay wadamo badan oo ka tirsan Qaaradan Yurub ayaa galabnimadii shalay shir si hersare ah loo soo agaasimay ku qabtay xaafada Rinkeby ee magaalada Stockholm ee wadanka Sweden.
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan Bulsha waynta Soomaalida Ogaadeniya &Soomaali wayn ee ku nool wadanka Sweden ayaa lagu furay Aayadaha Quranka kariimka ah, kadibna waxa loo kacay Heesta Calanka Soomaalida Ogadeniya .
Shirka oo horay loo sii guda galay waxa furaya Gudoomiyaha Jaaliyada Soomalida Ogaadeniya ee dalka Sweden Mudane C/Naasir (Gadhwayne) asagoo soo dhaweeyay madaxda JWXO ee madasha fadhiday & dhamaan marti sharaftii ka soo qaygashay shirkan qiimaha badan ,waxa uu sidoo kale Gudoomiyuhu fahfaahin ka bixiyay wax qabadkii bilihii ugu danbeyay ee la soo dhaafay asagoo xusay in Jaaliyadu ku sii fafayso ooy unugyo cusub ku yeelatay gobalda wadankan Sweden qaarkood.
Intaa kadib wax codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Hoganka Abaabulka & Arimaha Bulshada JWXO Mudane Maxamed Cabdi Yasiin oo halka ka soo jediyay khudbad dheer oo dhinacya badan tabanaysay islamarkaana uu diirada ku saaray Halganka ay JWXO hogaaminayso sida uu waajibka ugu yahay bulsha Soomaalida Ogadeniya melkasta oy joogto,dhinaca kale waxa uu carabka ku adkeeyay Hogaanku dagaalka ka socda Ogadeniya ee ay JWXO hogaaminayso inuu yahay waajib fardul-Cayn ah loona baahanyahay in qofkasta ka qayb qaato,sidoo kale Mudane Diirane ayaa dhawajiyay in Jaaliyadaha Somaalida Ogadenia ee dibaduhu yihiin kuwa kali ah ee shacabka isku xidhi kara una noqon kara Safaaradii ay bulshadu ku soo hiran lahayd halgankana laga taageri lahaa.
Waxa sidoo kale ka hadalay madashii shirka qaar ka mid ahaa Ugaasyo,Salaadiin & Odayaal dhaqameedyadii Soomaliyeed ee shirka ka soo qayb gashay ayagoo dhamantood hoosta ka xariiqay in ay la garab istaagi doonaan hil & hooba Halganka Xornimo doonka ah ee ka socda dhamaan Gobalada Somalida Ogadeniya, sido kale Abwaan Galkacayo ayaa halka ka muujiyay wacdaro asagoo ku tag tagsaday Gabay dheer oo ka hadalayay yalda Ogadenia & in aan laga daalin Halganka xaqa ah ee ka socda Ogadeniya.
Nasasho yar kadib waxaa halkii laga sii anba qaaday shirkii oo aha mid ay dadku ka xiisa dhigi waayeen,waxaana Codbaahiyaha lagu soo dhaweey Gudoomiye ku xigeenka JWXO Mudane Maxamed Ismaciil oo halka ka soo jeediyay warbixin dheer oo uu kaga hadalay xalada Somalida Ogadeniya dal & dibadba , waxa uuna ku dheeraday GKX ku xalada ciidan & siyaasadeed ee JWXO oo ah runtii mid maanta lagu faani karo islmarkaana xidhiidhi galisay xukuumada dhiigyacab Mels oo horay loogu tilmaami jiray libaaxii Afrika , wax uuna carabka ku adkeeyay Gudoomiye ku xigeenku in Gumaysiga lagaga adkaaday gudaha Ogadeniya & siyaasadii aduunkaba islamakaarana uu hada bilaabay in uu dagaalkii u soo raro dibada waxayna taasi ku tusinaysa in Gumaysigu hada maraayo nafla caari uuna maraayo marxaladii ugu danbaysay ,sidoo kale Mudane Maxamed Ismaciil waxa uu sheegay in Gumaysigu isku dayay wax yaabo badan oo uu islaha waxad ku joojin karta Halganka Somalida Ogadeniya ee JWXO hurmuudka ka tahay ay socon wayeen hadana tani ayna socon doonin shacbka Ogadeniyana yahay dad adkaysi badan islmarkaana neceb Gumaysiga & Gumaysi kalkalkaba.
Dhinaca kale wax asna madasha shirka hadalo qiira badan ka soo jediyay sidii horayba looga bartay Mudane Riyaale Xaamud waxa uuna Riyaale ugu baaqay umadii Soomali wayn ee shirka lagu casuumay in ay ka qayb qataan Halganka lagu xoraynaayo asgoo xusay in Halganku uusan ahay qabiil ee uu yahay qara, waxa sidoo kale ka mid ahaa madaxdii JWXO ee ka soo qaygashay shirka Mudane Gamadiid iyo kuwo kale oo badan.
Guntii & gabobadii shirkan oo aha mid aad u xiisa badna ayaa ku soo dhamaaday jawi farxadeed , waxaana malinta Barito ah halka ka sii socon doona hadii ilaaha awooda lihi idmo shir khaas ah oo ay isugu iman doonan xubnaha Jaaliyada & madaxda JWXO ee ku sugan magaalada Stockolm.
ONA Sweden

A senior delegation led by the First Vice Chairman of the Ogaden National Liberation Front (ONLF), Mr. Maxamed Ismaaciil Cumar, and the Head of Mobilisation and Social Affairs, Mr. Maxamed Cabdi Yasiin (Diirane), who have for some days been on a working inspection tour of many countries in the European continent, held a meeting yesterday afternoon, organised at a high level, in the Rinkeby district of the city of Stockholm, Sweden.
The meeting, which was attended by the entire community of the Somalis of Ogadenia and the wider Somali community living in Sweden, was opened with verses of the Holy Quran, after which everyone rose for the anthem of the Flag of the Somalis of Ogadenia.
The meeting, which had already got under way, was opened by the Chairman of the Ogadenia Somali Community in Sweden, Mr. C/Naasir (Gadhwayne), who welcomed the ONLF leaders seated on the platform and all the honoured guests who attended this valuable meeting. The Chairman also gave details of the activities of the last few months, noting that the Community is continuing to expand and has established new branches in some regions of Sweden.
After that, the ONLF Head of Mobilisation and Social Affairs, Mr. Maxamed Cabdi Yasiin, was welcomed to the microphone. He delivered a long speech touching on many aspects, focusing on the struggle led by the ONLF and how it is a duty for the Somali people of Ogadenia wherever they may be. On the other hand, the Head stressed that the war being waged in Ogadenia under the leadership of the ONLF is an individual obligation (fard al-ayn) and that everyone needs to take part in it. Mr. Diirane also pointed out that the Ogadenia Somali communities abroad are the only ones who can connect the people and can serve as the embassy through which the community seeks support and through which the struggle is supported.
Also speaking from the meeting's platform were some of the Ugaases, Sultans and Somali traditional elders who attended the meeting, all of whom underlined that they will stand by, with all their might and means, the freedom-seeking struggle taking place in all the regions of the Somalis of Ogadenia. In addition, the poet Galkacayo moved the audience as he recited a long poem speaking about the youth of Ogadenia and about not growing weary of the just struggle taking place in Ogadenia.
After a short break, the meeting, which was one the people could not lose interest in, resumed, and the ONLF Vice Chairman, Mr. Maxamed Ismaciil, was welcomed to the microphone. He delivered a long report in which he spoke about the situation of the Somalis of Ogadenia both at home and abroad, and he elaborated at length on the military and political situation of the ONLF, which is truly something to be proud of today and which has driven the bloodthirsty government of Meles, previously described as the lion of Africa, to a state of panic. The Vice Chairman stressed that the colonial occupier has been defeated inside Ogadenia and in world politics as well, and that it has now begun to move the war abroad, which shows that the occupier is now in its death throes and going through its final stage. Mr. Maxamed Ismaciil also said that the occupier has tried many things that it believed could stop the struggle of the Somalis of Ogadenia, spearheaded by the ONLF, but that these did not succeed and will not succeed now, as the people of Ogadenia are a very resilient people who hate the occupier and the occupier's collaborators alike.
On the other hand, Mr. Riyaale Xaamud also delivered a passionate speech from the platform, as he has long been known to do. Riyaale called on the wider Somali nation invited to the meeting to take part in the struggle for liberation, noting that the struggle is not about clan but about the nation. Among the ONLF leaders who attended the meeting were also Mr. Gamadiid and many others.
In conclusion, this meeting, which was very engaging, ended in a joyful atmosphere, and tomorrow, God the Almighty willing, a special meeting will be held there bringing together members of the Community and ONLF leaders present in the city of Stockholm.
ONA Sweden

AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

