Madaxweyanah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Raysalwasaare u magacaabay Dr. Xamse Cabdi Barre oo noqon doona Raysalwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, kaddib aqbalaadda golaha shacabka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed oo si toos warbaahinta ula hadlay ayaa golaha shacabka ka Codsaday inay si rasmi ah, oo degdeg ah, u ansixiyaan Raysalwasaaraha cusub, si u guto waajibaadkiisa qaran.
Madaxweyaha ayaa raysalwasaaraha ka ku boorriyay inuu ku mashquulo arrimaha hortebinta leh sida: Amniga, gurmadka abaaraha, heshiisiinta, horumarinta bulshada, ka hortagga aafooyinka ay sababaan cimilada is-beddelaysa iyo daryeelka guud ahaan dadka Soomaaliyeed.
Madaxweyaha ayaa Raysalwasaare Dr. Xamse Cabdi Barre ugu duceeyay in Alle Xilkaa ku asturo lana garabgalo xilkaa culus ee loo magacaabay.
Dhinaca kale, Raysalwasaaraha cusub oo dhankiisa ka hadlay Warsaxafadeedka lagu magacaabay, ayaa madaxweyanaha uga mahadceliyay inuu boqollaal Soomaaaliyeed kasoo xushay isaga, wuxuuna sheegay inuu si aad ah ugu faraxasan inuu madaxweynuhu siiyo kalsoonida Xubinka labaad ee ugu sarreeya madaxda Dalka Soomaaaliya.
ONA.
The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Xasan Sheekh Maxamuud, has appointed Dr. Xamse Cabdi Barre as Prime Minister, who will become the Prime Minister of the Federal Government of Somalia following approval by the House of the People of Somalia.
President Xasan Sheekh Maxamed, speaking directly to the media, asked the House of the People to formally and urgently approve the new Prime Minister so that he can carry out his national duties.
The President urged the Prime Minister to focus on priority matters such as security, drought response, reconciliation, community development, prevention of disasters caused by climate change and the general welfare of the Somali people.
The President prayed that God would protect Prime Minister Dr. Xamse Cabdi Barre in his office and support him in the heavy responsibility to which he has been appointed.
For his part, the new Prime Minister, speaking at the press conference at which he was appointed, thanked the President for choosing him from among hundreds of Somalis, and said he was very pleased that the President had entrusted him with the second-highest position among the leaders of the country of Somalia.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

