Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenya (OYSU) ayaa barnaamijyo madalaysan bilwalba ka bilaabay inay si wadajir ah uga abaabulaan dunida dacaladeeda ay uga ugu talagaleen inuu isku waqti qabsoomo. Barnaamijyada ururka ayaa isugu jira wacyigalin iyo xogwarano.
Habeenkii Jimcaha ee bishan April 23keedii ayay barnaamij wacyigalin diini ah ay meelkasta isugu yimaadeen iyagoo ka faa’idaysanaya culimada, si la’isugu xidhi dhaqdhaqaaqa dhalinyarada iyo culumada iyo aqoonyahanka umadda.
Waxaa magaalada Manchester lagu qabtay kulan balaadhan oo sidoo kale muxaadaro Diini ah ay isugu yimaadeen Ururka OYSU faraca greater Manchester. Muxadaradaas oo looga hadlay mawduucyo la xiriira dhalinta. kulankan ayaa ahaa kulankii labaad ee ururka dhalinta Greater manchester ay ku qabtaan magaalada Manchester.
Muxaadaradan ayaa aheyd mid sisiman uga dhacday Gobolada wadanka UK iyo guud ahaanba Caalamka. Gabadh ka tirsan ururka OYSU UK faraca Manchester walaal Caaliya ayaa waxay u sheegtay xubnihii fadhiyay shirka in sababta kulanka loo sameyay iyadoo tidhi “dhalinta faracyada OYSU waxay fuliyaan bilkasta halmashruuc oo sisiman halmar looga fuliyo qaaradaha iyo heerarka wadan taas oo ay micnaheedu tahay in lagu wacyi galiyo dhalinta da’yarta ah iyo guud ahaanba bulshada kasoo jeeda somalida Ogadeniya.
Sidoo kale magaalada Doxa ee dalka Qatar ayay dhalinyarada isugu yimaadeen shir kaa la mid ah oo dhalinyara badan iyo dad culuma ahba ay ka soo qayb galeen. Waxaa shirka oo uu ka soo qaybgalay HWF ururka lagaga hadlay waxyaabo aad u qiimo badan, sida khayraadka Ogaadeeniya, dhibaatadda uu gumaysigu ku hayo shacabka S.Ogaadeeniya, xaalada abaaraha ee maanta kajirta wadanka.
Darsigii diiniga ah oo siwanaagsan u gilgilay dhamaan dadkii soo xadiray kulanka ayaa aad u saameeyay dhalintii goobta iskugu timid iyagoo dhamaantood ay ka muuqatay inay kaalintooda buuxiyaan oy shacabka dulman ee S.Ogadenya is-garab taagayaan sidii dalkooda hooyo looga xorayn lahaa cadawga kusoo duulay ee nafla caariga ah,,,
Warfaafinta Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya iyagoo matalaya Gudoomiyaha ururka, xubnaha Golaha Fulinta iyo Golaha dhexe waxay ku bogaadinayaan Ururka Dhalinyarada Ogadenya kaalinta muuqata ee uu halganka ka qaadanayo.
ONA.
The Ogaden Youth and Students Union (OYSU) has begun organising monthly forum programmes jointly across the corners of the world, which it intends to hold at the same time. The union's programmes include both awareness-raising and information sessions.
On the night of Friday, 23 April this month, members gathered everywhere for a religious awareness programme, benefiting from religious scholars, in order to link the youth movement with the scholars and intellectuals of the nation.
A large meeting, which was also a religious lecture, was held in the city of Manchester, attended by the OYSU Greater Manchester branch. The lecture discussed topics related to young people. This meeting was the second meeting the Greater Manchester youth union has held in the city of Manchester.
The lecture took place uniformly across the regions of the UK and around the world in general. A young woman who is a member of the OYSU UK Manchester branch, sister Caaliya, explained to the members attending the meeting why it had been held, saying: "The youth of the OYSU branches carry out one uniform project every month, implemented at the same time across continents and at national level, the purpose of which is to raise the awareness of young people and of the community of Ogadenia Somali origin in general.
Likewise, in the city of Doha in Qatar, young people gathered for a similar meeting attended by many youths and religious scholars. The meeting, which was attended by the union's HWF, discussed very valuable matters, such as the resources of Ogadenia, the suffering the colonial occupier is inflicting on the people of Somali Ogadenia, and the drought situation currently in the country.
The religious lesson, which deeply moved everyone who attended the meeting, greatly influenced the young people gathered there, all of whom showed that they would play their part and stand shoulder to shoulder with the oppressed people of Somali Ogadenia so that their motherland may be liberated from the merciless enemy that has invaded it...
The Information Department of the Ogaden National Liberation Front (ONLF), representing the Chairman of the organisation and the members of the Executive Council and the Central Council, commends the Ogaden Youth Union for the visible role it is playing in the struggle.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

