Opens in a new tab

Maqaal : ONLF iyo Shacabkeedu Waxay Gaadheen Guul Dhab ah.

ONA18 March 2016
Read in English

MAQAAL: ONLF IYO SHACABKEEDU WAXAY GAADHEEN GUUL DHABA

Mudadii ay dagaalka waday ONLF, waxaa maalin walba sii kordhayay cududa ciidan ee Jabhada iyo taageerada ay dadwaynuhu u hayaan halganka, waxay jabhadu samaysay Jaaliyado taageersan Jabhada oo kala jooga dhamaan dacalada dunida, waxaa si xoogleh u muuqda awooda ciidan ee ururka ONLF, waxay Jabhadu cidhiidhi galisay xukuumada Tigray dhanka siyaasada ee arimaha dibada, waxaa muuqata awood xoog badan oo aysan loodin karin xukuumada Tigray, waxaa soo wada daba galay Jabhada ONLF ururada mucaaradka ah ee Itobiya, waxayna muujisay ONLF isbadal aan horay loogu arag Jabhadihii soomaray dhulka Somalida Ogadeeniya.

Awooda ONLF waxay gaadhay in ay yeelato siyaasiyiin dhamaystiran oo dalka iyo dibadaba ka hawl gala, cid kasta oo mucaarad ku ahayd ayaa waxaa khasab ku noqotay in ay taageerto, sababtoo ah ONLF iyada iyo shacabkeedu way isku tashadeen waxayna jabhada iyo shacabkeedu hal ku dhig ka dhigteen “Deeq shisheeye diidnay danta JWXO dhaafsan, doobka caano buuxaan ku dagaalamaynaa” shacabka Ogadeniya waa inay u diyaar garoobaan difaaca dalka hooyo iyo ilaaalinta khayraadka OGADENIYA, waxaana ugu baaqayaa dhamaan walaaalaha JWXO kuwa gudaha iyo dibada intaba inay laban laabaaan halganka ay kula jiraan cadawga iyo ilaaalinta midnimada shacabka OGADENIYA, waxaana leyahay dhamaan walaalahayga halganka Ogadeniya waxaaa inoo balan ah GUUUL ama GEERI sida halyeeyadii inaga horeeyay iyo kuwa maanta safka hore ku jira.

Guul iyo Gobonimo insha allaah

W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Libanmiyir@gmail.com

La wadaag