Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa kawarbixinaya tacadiya baahsan ooy ciidanka waraabaha ah ee gumaysiga Itoobiya kagaysteen gobolka Qoraxay ee dhulka Somalida Ogadenia. Tacadiyadan ayaa isugu jira xidhay iyo boob hantiyeed.
Waxaa markay taaikkhdu ahayd 13/9/2015 Degmada Marsin oo Gobolka Qoraxay katirsan uu ciidanka gumaysigu
xidhay iyo jidh dil isugu dareen muwaadin lagu magacaabo Cabdi Bashiir Axmad Taray.
Sidoo kale Isniintii ooy taariikhdu ahayd 14/9/2015 Degmada Shaygoosh oo gobolka Qoraxay katirsan waxay ciidanka cadawgu mooraduug iyo xidhay dad iyo duunyo ah isugu dareen nin oday ah oo 85 jir oo lagu magacaabo Cali Cabdi Daahir ( cali jabaqe ) odaygan iyo qayskiisa oo ka kooban 8 ruux ayaa xabsiga ladhigay waxaana lala
wareegay dhamaan hanti doodii oo ka koobnayd 250 adhi Jar ah ooy ukaxaysteen galbeed si ay u soo gataan iyo 2 xero oo adhi dhaqaal ah ilaa 3 tiro ah ama 300. Sidoo kale waxay birta ka asleen oo ay qasheen 6 geel ah oo dhaqaal iyo gaadiid isugu jiray.
ONA/Ogadenya
On 13/9/2015, in Marsin District, which is part of the Qoraxay region, the colonial forces
detained and physically beat a citizen named Cabdi Bashiir Axmad Taray.
Likewise, on Monday 14/9/2015, in Shaygoosh District, which is part of the Qoraxay region, the enemy forces carried out a raid, detaining people and seizing livestock, including an 85-year-old elderly man named Cali Cabdi Daahir (Cali Jabaqe). This elder and his household, consisting of 8 people, were thrown into prison, and
all of his wealth was seized, which consisted of 250 sheep and goats for sale that they had herded to the west in order to sell them, and 2 pens of breeding sheep and goats numbering up to 3 hundred, or 300. In addition, they took 6 camels, a mix of breeding and pack animals, and drove them off as plunder. ONA/Ogadenya
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
