Wararka ka imanaya guudahaan deegaanada Ogadenya waxay isku raaceen in maxaysatadii uu Cabdi ilay soo ururiyay ay hadda hawl ka dhigteen boobka hantida dadweynaha iyo dilka qofkasta oo isku daya inuu xoolihiisa ka ilaahsado. Magaala madaxda Jigjiga waxay maxaysatadan ayaa hadda wax walba si boob ah uga qaata dadka shacabka ah. Maxaysatadan oo markii hore loo hubeeyay inay ka hortagaan naftood-hurayaasha CWXO ayaa markay ku soo halaagsameen goobihii la’isku farasaaray waxay hadda boob iyo dhac ula soo noqdeen magaalooyinka waaweyn ee dalka oy ka mid tahay Jigjiga halkaasoo ay falal badan oo waxashnima ah ay ka sameeyeen sida ay soo wariyeen dad ka soo nqoday fasaxyo ay halkaa ku joogeen. Waxaa hadda caan ka noqotay Jigjiga inay ku yidhaahdaan qofkii kala hadla arimaha boobka ah inay ku yidhaahdaan – aabaheen Cabdi Cumar ayaa — ” taasoo qofka maqla uu horey uga sii dhaqaaqo si aanu budhka u saarin isagoo leh –aaba Cabdi ilay ayuu caayay-. Waxaa laga yaabaa in waxyaaba badan markaad maqasho ay kuula muuqdaan wax aan dhici karin, hasa ahaatee warbixinada ay soo warinayaan dadka fasaxyada ka soo noqda waxay si wadar ah u muujinayaan inay maxaysatada cabdi ilay noqdeen hadda jirri isbaarooyin dhigtay goobaha ganacsiga.
Arimahaa foosha xun ee dhaqanka iyo diintaba ku xun waxay keentay in odayaal farabadan ay wiilasha la duufsaday kula taliyaan inay ka tagaan dhaqan xumadan inta aanay naftooda ka waayin aakhiradoodana ku xumaanin. Dhalinyara badan ayaan hadda ka soo noqday, qaar badanna waxay ku biireen CWXO oo tababaro gaar ah u furay, taasoo salka ku haysa niyad jabka guud ee haysata askarta iyo maleeshiyaanka maamulada guumaysiga Itobiya.
Arimaha na soo gaaray waxaa ka mid ah in magaalada Sagag 20kii Feberaayo lagu shiriyay odayadii dagmada iyadoo shirka ay u qabteen wakiilka Cabdi iley u joogay halkaa oo lagu magacaabo Shaalaqe Dhaga-wayne oo haysta maleeshiyada Hawaarin qaybtooda joogta Sagag iyo ninkii markaa gudoomiye ka sii ahaa magaalada oo oy dadweynaha u yaqaanaan Khamriile Xayi-badhi.Xayi-badhi.
Waxay amar ku siiyeen odayadii dhaqanka ee degmada in inta ka horaysa 3exda galabnimo ay ku qasbanyihiin inay qabaa’iladii ay ka dhasheen maleeshiyaankii ka baxsaday Dabaqoodhigooda ka keenaaan lacag iyadoo qofkii baxsadayba loo xisaabin hayo 10,000 oo Birr tan oo ay ku macneeyeen in ay odayadu yihiin kuwii ka danbeeyay inay kala diraan kalana furfuraan maleeshiyada kililka. Waxaana loogu hanjabay qabiilkii keeni waaya ganaaxaas in la dhici doono wixii hanti ah ee ay magaalada ku lee yihiin oo laga uruurinayo cooshadaha wixii u yaala sida; shiidka, gor-goradaha, funaanadaha, shaadhadhka iyo dhamaan wixii laga helo cooshadaha yar-yar ee wali siiwitig witig layn haya.
Qaar kamida odayadii dagmada ayaa muujiyay inay si wayn uga soo horjeedaan arinkan iyagoo ku tilmaamay xadgudub iyo hantidii dadweynaha oo si sharcidarro ah lagu boobayo. Odayadaa ayaa loo gaystay jidh dil, waxaana ka mid ahaa; Xaaji Maxamad oo ay da’diisu aad u wayntahay, Aw Axmad Alaaki oo ku magac dheer (qoorgaab) oo isna dadiisu kor martay 70 sano.
Ciqaabta noocan ah ma aha kii ugu horeeyay ee ka dhaca dagmada Sagag ama guud ahaan deegaanka dalkaa ee waa dhaqanada gumaysiga iyo kuwa u adeegaya ay waayahan danbe la soo bexeen, taasoo ku dambayn doonta inuu shacabka iska celiyo maleesiyaadka Cabdi ilay oo hubka loo gurto.
ONA.
Reports coming from across the regions of Ogadenia agree that the mercenaries recruited by Cabdi ilay have now made it their business to loot public property and kill anyone who tries to protect his livestock. In the capital, Jigjiga, these mercenaries are now taking everything from civilians by force. These mercenaries, who were originally armed to confront the fighters of the CWXO, were routed in the places where the two sides clashed, and they have now returned to plunder and rob the country's major towns, among them Jigjiga, where they have committed many savage acts, according to people who have returned from holidays they spent there. It has now become common in Jigjiga that when someone talks to them about the looting, they reply – "our father Cabdi Cumar has ---", whereupon the person who hears this moves away at once so as not to be beaten with a stick, as they say – "he has insulted father Cabdi ilay". Many things may seem impossible when you hear them; however, the reports brought back by people returning from holidays collectively show that Cabdi ilay's mercenaries have now become roadblocks set up in business areas.
These ugly matters, which are contrary to both culture and religion, have led many elders to advise the young men who were lured into this to abandon this bad conduct before they lose their lives and ruin their afterlife. Many young people have now returned, and many have joined the CWXO, which has opened special training for them; this stems from the general demoralisation affecting the soldiers and militias of the Ethiopian colonial administrations.
Among the information that has reached us is that on 20 February the elders of the district were summoned to a meeting in the town of Sagag. The meeting was convened by Cabdi iley's representative there, named Shaalaqe Dhaga-wayne, who commands the Hawaarin militia's unit stationed in Sagag, and by the man who was then still the town's chairman, known to the public as Khamriile Xayi-badhi.Xayi-badhi.
They ordered the traditional elders of the district that before 3 o'clock in the afternoon they were obliged to bring money from the clans to which the militiamen who had deserted their units belong, with 10,000 Birr being counted for each deserter, which they justified by saying that the elders were the ones behind the dispersal and disbanding of the regional militia. Any clan that failed to pay this fine was threatened that whatever property they own in the town would be seized, collected from what is kept in the shops, such as grain, sheets, sweaters, shirts and everything found in the small shops that are still barely clinging on.Some of the district's elders showed that they strongly opposed this, describing it as a violation and the illegal looting of public property. These elders were subjected to physical beatings, and among them were Xaaji Maxamad, who is very elderly, and Aw Axmad Alaaki, also known as (Qoorgaab), who is likewise over 70 years old.
Punishment of this kind is not the first to occur in Sagag district or in the region of the country in general; rather, these are practices that the colonisers and those who serve them have adopted recently, which will eventually lead the public to defend itself against Cabdi ilay's militias and take up arms.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
