VOA – KT- Meles ayaa mar uu ka hadlayay wuxuu ugu yeedhay warbixinta 6da biloodee horumarka ah ku hanjbaya inuu gacan bir ah ku qaban doono mucaaradka oon loo naxariisan doonin hadday isku dayaan banaabaxyo loola jeedo buu yidhi in qalaalasi lagu abuuro.
Isagoo u jawaabaya su’aal uu weydiiyay halka qof ee mucaaradka kaga jira baarlamaanka gaaraya 547da xubin su’aashaasoo ahayd sababta loo xidhay taageerayaashii xisbiga isbahaysiga Medrek ayuu si xanaaq ah u yidhi; waan ognahay xoogaga dibadda ee doonaya inay xasilooni darro ka abuuraan Itobiya. Wuxuu intaa raaciyay dhagaha iyo indhaha ma li’in oo waan la soconaa waxa naloo maleegayo. Inkastoo aanu sii sharxin shirqoolka uu sheegay in loo maleegayo, hadana waxaa hubaal ah inuu ula jeedo fariimaha la’isku dhaafsanyo Facebook-ga ee lagaga hadlayo isu diyaarinta banaabaxyo aan kala joogsi lahayn markay qarxaan bisha soo socota oo ku beegan sanadguurada 20aad markuu xukunka qabsaday Wayaanaha TPLF.
Madaxweynihii horee dalka Itobiya oo ah gudoomiyeha xisbiga la eedeeyay ee Unity and Justice for Democracy Party ayaa isagu arintaa diiday oo sheegay inuu Meles maagan yahay inuu banaabaxyada ishortaago isagoo ka dhigaya shayaadiin mucaaradka ku kacsan iyo dawladaha dariska la’aha. Wuxuu intaa raciyay anaga wax shirqool ah kuma jirnee isagaa noo maleegaya shirqool si talaabo aan sharciga waafaqsanayn uu uga qaado mucaaradka ka soo horjeeda xukunkiisa.
Wuxuu aad uga cabsi qabaa Meles inay Addisababa ka bilowdaan kacdoon la mid ah kuwa ka socda caasimadaha Carabta sidaa darteed ayuu aad u hadal hayaa maalmahan dawladda Eretreeya oo uu ku eedeynayo inay ku kicinayso shacabka Oromada ee halkaa daga oy taageerto ururka OLF.
Qofkii la socday dhaq-dhaqaayada ay wadaan dhalinyarada dalalka Carbta wuxuu ogaanayaa inuusan Meles sinaba uga baxsan karin mawjada ku soo socota. Midwalba oo ka mid ah kali-talisyadii laga eryay Tuunis iyo Masar iyo kuwa ku sii daba jiraba waxay odhan jireen un ereyo hanjabaadaa oo kale ah iyo qofkii is-dhaqaajiya waaba la ogaan doonaa waxa ku dhaca. Hasa ahaatee dhalinyaradii dalalka Carbeed iyagoo feedhaha qaawinaya ayay xabadda isu dhigeen oy ugu galeen qasriga Kali-talisyadii ilaa ay ka cararaan. Meles arimahaa ayuu ogsoonyahay.
Waxaa sii gurmaya waqtigii lagu balamay in banaabaxyada hadheeyaan magaalamadaxda Adisababa iyo safaaradaha gumaysiga Itobiya.
ONA.
VOA - KT- Speaking at what he called the six-month progress report, Meles threatened that he would deal with the opposition with an iron fist and that no mercy would be shown if they attempt demonstrations, which he said are intended to create chaos.
Responding to a question from the single opposition member in the 547-member parliament, asking why supporters of the Medrek coalition party had been arrested, he said angrily: we know the foreign forces that want to create instability in Ethiopia. He added that we are not without ears and eyes, and we are aware of what is being plotted against us. Although he did not further explain the conspiracy he said was being plotted, it is certain that he is referring to the messages being exchanged on Facebook discussing preparations for non-stop demonstrations set to erupt next month, coinciding with the 20th anniversary of the Woyane TPLF seizing power.
The former president of Ethiopia, who is chairman of the accused party, the Unity and Justice for Democracy Party, denied this and said that Meles intends to pre-empt the demonstrations by portraying the opposition as devils rising up and as being in league with neighbouring governments. He added: we are not involved in any conspiracy; it is he who is plotting a conspiracy against us so that he can take unlawful action against the opposition that is against his rule.
Meles greatly fears that an uprising similar to those taking place in the Arab capitals will begin in Addis Ababa; for that reason he has been talking a great deal these days about the government of Eritrea, which he accuses of inciting the Oromo people living there and of supporting the OLF.
Anyone who has followed the movements being led by the youth of the Arab countries will realise that Meles can in no way escape the wave coming towards him. Each of the dictators who were driven out of Tunisia and Egypt, and those following behind them, used to say just such threatening words, and that whoever makes a move would find out what happens to him. However, the youth of the Arab countries, baring their chests, faced the bullets and entered the palaces of the dictators until they fled. Meles is aware of these matters.
The time agreed for demonstrations to overshadow the capital Addis Ababa and the embassies of the Ethiopian colonisers is fast approaching.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
