Warar hor dhac ah oo naga soo gaadahay magaalada Arba minch ee gobolka Gamo Gofa ayaa tibaaxaya in u ka dhacay mudaharaad wayn oo lagaga soo hor jeedo Taliska Woyanaha ee Itoobiya.
Mudaharaadkan ayaa waxay shacbiga gobolka Gamo Gofa ay ka gadoodeen iska hor keen ay dawladu iska hor keenatay labada qoomiyadood ee gobolka wada daga ee walalaha ah la kala yidhaahdo Gamo & Gofa.
Waxa kale oo ay dadku ka gadoodeen cadaadiska, dilka & dhaca ay ciimada Itoobiya ku hayaan qomiyadaha gobolkaas daga iyaga oo ku eedaynaya in ay taageeraan ururka hubaysan ee Arbanyowch Ginbot 7 oo dagaalo ba’an ka wada Waqooyiga & Gobolada dhexe ee Ethiopia.
Ciidamada amniga ee Itoobiya ayaa baryahan ka waday xidhay baahsan dhamaan gobolada Itoobiya gaar ahaan gobolka Gomo Gofa, halkaas oo dad kor u dhaafaya 300 shacaba ah lagu xidhay.
Wixii ka soo kordha la socda ONA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
