Sidaan la socono waxay gumaysiga iyo kuwa uu adeegsado bilaabeen waayadan dambe mashaariic brobagaanda ah oo midabyo badan leh hadafka laga leeyahayna uu yahay in marka hore lagu kala abuuro shaki shacabka halgamaya iyo hogaankiisa, ka dibna laga dhaadhiciyo shacabka inaysan guul ku gaareynin halgankii ay taageerayeen maadaama uu hogaankii halganka ka leexday hadafkii lagu heshiiyay.
Wareysigii ugu dambeeyay ee barnaamijka Ileys ee Somali Chanell uu la yeeshay gudoomiayaha JWXO Adm. Maxamad C. Cismaan oo lagu weydiiyay dhamaan dareenka shacabka ee ku aadan isbadalada ku soo cusboonaaday halganka iyo waxyaabo ka dhashay dacaayadahii ay fidinayeen gumaysiga iyo adeegayaashiisa wuxuuna daaha ka rogay gudoomiyaha mawqifka dhabta ah ee halganka shacabka S.Ogadenya uu hiigsanayo, isagoo hoosta ka xariiqay in hadafkii uu shacabka S.Ogadenya iyo hogaanka JWXO ay ku heshiiyeen aan marnaba laga leexanaynin iyadoo wax ka sokeeya inay Itobiya u ogolaato shacabkanaga Aaya-ka-tashigiisa aanay JWXO diyaar u ahayn inay kula gasho Itobiya heshiis taasoo uu sheegay gudoomiyaha inay Itobiya ku qasban tahay muddo kasta oy qaadato.
Wuxuu gudoomiyaha sheegay oo dhab ah in halganka JWXO uusan ahayn mid ay JWXO bilowdaye uu yahay halgan la’iska dhaxlayay oo siduu ku tilmaamay gudoomiyaha ah – qori isku-dhiib ahaa– taasoo macnaheedu yahay qofkii u haysta in JWXO haddii ay ka soki dhacdo hadafkii uu shacabka hiigsanayay inay qadiyadda Ogadenya halkaa ku dhamaani inuusan taariikhda si fiican u akhrisan. Sidaa darteed maslaxadda shucuubta Geeska Afrika waxay ku jirtaa in qadiyaddan si geesnima leh looga wada hadlo oo shacabka Ogadenya loo ogolaado inuu aayihiisa si xor ah uga tashado.
Wuxuu gudoomiyaha si qota dheer uga faalooday guuldarada haysata gumaysiga oo sida uu sheegay ka muuqata adeegsiga uu adeegsanayo dadkii shacabka ahaa oo dagaalka lagu qasbayo inay galaan. Taasi taariikh ahaan macnaheedu waa inuu ciidankii rasmiga ahaa ee gumaysiga ku guuldareysteen goobaha dagaalka, mooraalkoodana uu aad u hooseeyo. Ciidanka maleesiyaadka ah ee loo yaqaano Hawaarin ayaa markii hore loogu talagalay in laga horgeeyo naftood-hurayaasha JWXO hasa ahaatee markii ay wax guul ah ka keeni waayeen meeshii uu ciidankii rasmiga ahaa ee dawladda ku jabeen ayay hadda dib ugu soo noqdeen dhibaataynta shacabka gaar ahaan dumarka iyo waayeelka iyagoo ku dilaya soo celiya wiilashiina.
Wuxuu gudoomiyaha si faafaahsan uga xogwaramay inaysan JWXO colaad u qabin shaqaalaha ay dawladda Itobiya ka qoratay Ogadenya ee fulinaya hawlaha madaniga ah. si kasta been haloo sheego, hadafka JWXO ma ahayn mana noqonayo in dadka shacabka ah loo dhibaateeyo gumaysiga ayuu mushahar ka qaataa. Waxaa la wada ogsoonyahay in dad shaqaale ah oo macalimiin dugsi ama shaqaale caafimaad ah inta loo soo dhiibo qoryo aan rasaas badan ku jirin dagaalada loo soo diro iyadoo gadaal laga taagan yahay oo midkii aan xabadda ku ridin dhabarka laga toogtay. Gudoomiyuhu wuxuu diirka ka qaaday hadal nuxurkiisu yahay in CWXO ay yihiin ciidan disibiliin fiican leh oo aan laga yaabin inay xabad ku ridaan qof shacab ah oo aan ama dagaal ku soo qaadin ama aan dambi maxkamad ku cadeysay ka galin shacabka.
Arimaha kalee wax laga weydiiyay gudoomiyaha ururka waxaa ka mid ahaa iskaashiga ka dhexeeya mucaaradka Itobiya iyo ururka JWXO. Shucuubta ku dhaqan qabtolka loo yaqaano Itobiya waxaa wada haysta xukun macangag ah oo kalitalis ah oo dhamaan xuquuqdii aadminimo ee shucuubtaa ku tuntay. Waxaa ka mid ah cahdiga Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya in shucuubta Geeska Afrika la’iska kaashado wixii dan u ah ee aan ka horimaanaynin mabaadiida ururka iyo himilada shacabka S.Ogadenya. Haddii qawmiyadaha ku nool Itobiya ay ugu muuqato in la’iska kaashado dulmiga Wayanaaha, JWXO way soo dhaweynaysaa waxayna ka noqonaysaa hormuud, iyadoo qawmiyad walba ay xaq u leedahay danaheeda danaheeda gaar ah in aan lagu faragalin. Hadafka laga leeyahay iskaashiga ka dhexeeya qawmiyadaha Geeska Afrika waa inay timaado fikradda ah in lagu wada noolaado xoriyad iyo cadaalad iyadoo qowmiyadna aanay qawmiyada kale gumaysanin.
Wuxuu kaloo gudoomiyaha hoosta ka xariiqay inaysan JWXO arimaha Somaliya iyo dagaalada sokeeye ee ka dhex socda qabaa’ilka Somaliyeed aanay waligeed faraha la galin inkastoo sida uu sheegay gudoomiyaha dhibaatooyin badan ay maamulada ka jira gobolada qaarkood ay u gaysteen shacabka S.Ogadenya. Hasa ahaatee wuxuu kala saaray gudoomiyaha shacabka Somaaliyeed oo dhamaantood taageersan qadiyadda ay JWXO u halgamayso iyo maamulada ka jira Somaliya oo uu ku tilmaamay in aanay waxba dhaamin maamulka Cabdi iley.
Ugu dambayntii wuxuu gudoomiyaha ka codsaday shacabka S.Ogadenya inay midnimada ilaaliyaan kana feejignaadaan shirqoolada cadawga uu daadinayo gude iyo dibadba, taasoo uu sheegay inuu ilaa waqtigan xaadirka uu ku guuldareystay cadawga talaabooyinkii uu qaaday gude iyo dibadba. Wuxuu gudoomiayah sheegay in aanay JWXO ka bixin kana bixi doonin balantii ahayd in Aaya-Ka-Tashiga shacabkeena uu yahay muqadas aan marnaba gorgortan gali karin. Maamulka Itobiya ka jira haduu diyaar u yahay wadahadal aan shuruud ku xidhnayn oo meel fagaara ah lagu wadahadlo oo daraf saddexaad uu fadhiyo, wuxuu sheegay gudoomiyaha inay JWXO diyaar u tahay soona dhawynayso. Hasa ahaatee in aanay JWXO ogolaanayn beenta Itobiya ee ah in meel qarsoodi ah lagu wadahadlo ka dibna ay Itobiya u adeegsato brobagaanda iyo dacaayad.
Mawqifka JWXO waa middaa uu gudoomiyaha daaha ka rogay, waxaanan ugu baaqaynaa shacabka S.Ogadenya inay fahmaan kana feejignaadaan dacaayadda gumaysiga iyo beenta kolba loo soo dhiibayo gumaysi kalkaalka.
ONA.
As we know, the colonizer and those it uses have recently launched multi-coloured propaganda projects. Their aim is first to sow doubt between the struggling people and their leadership, and then to convince the people that the struggle they supported will not succeed because its leadership has strayed from the goal that was agreed upon.
In the latest interview, the Ileys programme of Somali Chanell spoke with the chairman of the ONLF, Adm. Maxamad C. Cismaan. He was asked about all of the people's concerns regarding the recent changes in the struggle and about what has resulted from the propaganda spread by the colonizer and its servants. The chairman revealed the true position that the struggle of the people of S.Ogadenya is aiming for. He underlined that there will never be any deviation from the goal agreed upon by the people of S.Ogadenya and the ONLF leadership, and that the ONLF is not prepared to enter into any agreement with Ethiopia short of Ethiopia granting our people their self-determination. The chairman said that Ethiopia is compelled to do this, however long it takes.
The chairman stated, truthfully, that the ONLF struggle is not one that the ONLF started; rather, it is a struggle that has been inherited, which the chairman described as "a rifle handed from one to another". This means that anyone who believes that if the ONLF were to fall short of the goal the people have been striving for, the Ogadenya cause would end there, has not read history well. Therefore, the interest of the peoples of the Horn of Africa lies in this cause being discussed courageously and in the people of Ogadenya being allowed to freely determine their own future.
The chairman commented in depth on the failure besetting the colonizer, which, he said, is evident in its use of civilians who are being forced to go into battle. Historically, this means that the colonizer's regular army has failed on the battlefields and that its morale is very low. The militia force known as Hawaarin was initially intended to be placed in front of the ONLF freedom fighters; however, when they failed to achieve any success where the government's regular army had been defeated, they have now turned back to abusing the civilian population, especially women and the elderly, killing them and bringing back their sons.
The chairman spoke in detail about how the ONLF bears no hostility toward the employees whom the Ethiopian government has hired in Ogadenya and who carry out civilian duties. However much lying is done, the ONLF's aim was not, and will not be, to harm civilians because they receive a salary from the colonizer. It is well known that employees such as school teachers or health workers are handed rifles with little ammunition in them and sent to the battles, with people standing behind them, and anyone who does not fire is shot in the back. The chairman revealed a statement whose substance was that the ONLA are a well-disciplined force that would never fire a bullet at a civilian who has neither attacked them nor committed a crime against the people proven in a court.
Among the other issues the chairman of the organisation was asked about was the cooperation between the Ethiopian opposition and the ONLF. The peoples living in the prison known as Ethiopia are all suffering under a stubborn, dictatorial rule that has trampled all of those peoples' human rights. Part of the covenant of the Ogaden National Liberation Front is that the peoples of the Horn of Africa should cooperate on whatever is in their interest and does not contradict the principles of the organisation and the aspirations of the people of S.Ogadenya. If the nationalities living in Ethiopia see fit to cooperate against the oppression of the Wayanaha, the ONLF welcomes it and will be at the forefront of it, while every nationality has the right to have its own particular interests free from interference. The aim of cooperation among the nationalities of the Horn of Africa is to bring about the idea of living together in freedom and justice, with no nationality colonizing another.
The chairman also underlined that the ONLF has never interfered in the affairs of Somalia and the civil wars taking place among the Somali clans, even though, as the chairman said, the administrations in some regions have caused many problems for the people of S.Ogadenya. However, the chairman distinguished between the Somali people, who all support the cause the ONLF is struggling for, and the administrations in Somalia, which he described as being no better than the administration of Cabdi iley.
Finally, the chairman asked the people of S.Ogadenya to preserve unity and to be vigilant against the conspiracies the enemy is spreading both at home and abroad, and he said that to this day the enemy has failed in the steps it has taken both at home and abroad. The chairman said that the ONLF has not abandoned and will not abandon its pledge that the self-determination of our people is sacred and can never be subject to bargaining. He said that if the administration in Ethiopia is ready for unconditional talks held in a public venue with a third party present, the ONLF is ready for them and welcomes them. However, the ONLF does not accept Ethiopia's deception of holding talks in a secret location, which Ethiopia then uses for propaganda and disinformation.
The position of the ONLF is the one the chairman revealed, and we call on the people of S.Ogadenya to understand it and to be vigilant against the propaganda of the colonizer and the lies passed on from time to time by the colonizer's collaborators.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

