Opens in a new tab

Ogadenya ma’Aha Dal Xasiloon oo Shirkadaha Shidaalka ay Aamini Karaan – Noora Afgaab

ONA24 March 2016
Read in English

Waxaa noo socday qoraalkaan ku ifinaynay baadhitaanka iyo soo saaridda Shidaalka (Batrool iyo Gaas) la sheegay inuu ceegaago Ogadenya. Kaftan yar intaanan bilaabin mawduuca. Waxaa la sheegaa in M/weynihii kacaanka M. Siyaad (AUN) uu booqday isbitaalkii dadka waalan la dhigi jiray ee Maana Koobiyo. Wuxuu arkay koox meel la’isugu geeyay oo heestii Guulwadow Siyaad kusoo celcelinaya iyo mid agtaagan oo aamusan. Dhaqtarkii ayuu weydiiyay sababta uu midkan la aamusan yahay. wuxuu ku jawaabay dhqtarkii; midkan wuu caafimaaday hadda oo waan ka saareynaa isbitaalka. Haatan Somaliyoo idil waxay ku hadaaqayaan –Dawladda aan walaalaha nahay ee Itobiya– jabhadda ONLF oo la yaaban ayaa kaligeed aamusan oo gooni u taagan oo leh war waa cadawgii Somaliyeed ee soo jireenka ahaa. Midkoodee waalan tolow? Hadaad weydiisu kuwaa heesta qaadaya, waxay ku odhan; Itobiya yaa iska celin kara maanta !! Hadaad weydiisu ONLF-na waxay ku odhan, hadday kuwaa heesaya  na-daayaan anagaa kaga filaan lahayn. Taariikhdaa xusi doonta midkooda waalan.  Hordhacaa yar ka dib;

Waxay dad badan la yaaban yihiin mudada qarniga ku dhow ee la leeyahay un Ogadenya shidaal ayaa laga baadhayayaa, sababta loogu gudbi waayay marxalada wax-soo-saarka (Production stage). Kollayba shirkadaha shidaalka soo saara xogta ay urursadaan iyagay u kaydsan oo cidna lama wadaagaan, waxayna leeyihiin ajenda u gaar ah. Iyagaa umbaana sheegay inuu shidaal ka buuxo Ogadenya. Taasoo jirta hadana la yaabka dadweynaha waxaa intiisa badan sabab u ah dadka caadiga ah oo aan aqoonin ceelasha shidaalka marka la qodayo in laga leeyahay ujeedooyin kala duwan, marxalado kala duwanna la maro intaan la gaadhin soo saarka iyo iibgaynta shidaalka (Production and marketing). Shirkadaha inay ku dhiiradaan inay qarash xad-dhaaf ah oo gaadha balaayiin doolar ku baxiyaan baadhitaanka shidaalka, ka dibna ay ka baxaan iyagoon aamusan ma’aha arin sahlan. Tusaale ahaan, shirkadii Malaysia ee Petrons markay saxiixday heshiiska ceelasha calub iyo Heelale waxay siisay Wayaanaha 80 malyan oo doolar, wasiir walbana waxay siisay hal malyan oo doolar. Markay ka baxaysay heshiiskana waxaa kaga baxay hawlihii baadhitaanka kharash aan ka yareyn 350 milyan oo doolar. Lama odhan karo, shirkadana ma sheegin inay ka waayeen shidaal ceelashay qodayeen, bayaana kama soo saareen labada dhanba (shirkadda iyo Itobiya) sababta ay uga baxday oo khasaarahaa ay u dooratay. Si kastaba nin cilmigaa Geology-ga yaqaana oon weydiiyay su’aala la xidhiidha arimaha shidaalka waxaa ka mid ahaa sharaxaadiisa;

Marka la sahmiyo dhulka laga baadhi doono shidaalka, iyadoo la eegayo qaabkuu u samaysan yahay, sida inuu yahay dhul fidsan oon ahayn buuralay shiilimaad ah (igneous rocks), isla markaana daris la’aha dhul shidaalka laga qodo sida Ogadenya oo Bariga Dhexe daris la’ah aadna ay isugu egyihiin qaabka dhulka marka la fiiriyo (Geologically), waxaa ku xigaya; in laga qotomiyo meelo ka mid ah riigaga qoda si loo hubsado inuu shidaal ku kaydsan yahay iyo in kale. Ceelasha laga qodayo meel aan horey loo sahmin waa ceelal baadhitaan (exploration wells), meela la doortay oo kala duwan ayaana laga qodaa. Waxaa kaloo jira ceelal loo yaqaano qiimayn (Appraisal wells) oo meesha wax laga helo laga qodo si loo hubsado shidaalka ku jira intuu dhan yahay iyo qaabka loosoo saari karo. Marka la qiimeeyo shidaalka halkaa ku jira inuu noqon karo mid soo celin kara dhaqaalaha galaya, oo la qiimeeyo xasiloonida dalkaa iyo inay ku nabad galayaan shaqaalaha iyo injineerada ka shaqaynaya, waxaa la bilaabayaa Ceelasha Soo-saarka (Production wells). Intay socoto hawsha soo saaridda waxaa garab socda qodaal ceelal cusub oo horumarin ah (Development wells) oo laga ag qodayo ceelasha irmaan. Waxaa kaloo jira ceelal marka la qodo laga tagayo inta afka laga xidhi asbaabo tiknikaal ah darteed. Hadaan intaa ku dhaafno sharaxaadii qoditaanka ceelasha shidaalka;

Shirkadaha laga bilaabo 1949 – 2016 u tagay Ogadenya baadhitaanka shidaalka iyo qodidda ceelal kala duwan, waxay kor u dhaafayaan 50ton shirkadood. Tan iyo waaguu boqor Xayle Salaase u diray Mareykanka wasiirkiisa oo lala soo saxiixday shirkadii Sinclair, Itobiya waxay ku maaweelinaysay shacabkeeda in shidaalka Ogadenya lagu barbixin doono.

1haile selaasseIntuu xukunka haystay boqor Xayle Salaase wuxuu kusoo martiqaday 8eed shirkad oo ree Galbeed ah oo kala ahaa; Sinclair, Mobil,  Agib, Tenneco, Chevron, Texaco, Gew.Elwerath, Whitestone iyo Voyager Group. Shirkad walbana wadaanteedii ayay ridatay, ugu dambayna way kawada baxeen iyagoon ka kaban isla markaana aan dhab ahaan uga warbixinin khasaare iyo faa’iido midkay kala tageen. Shirkadda Sinclair oo dagaalkii 2aad ee aduunka markii lasoo afjrayba timid Ogadenya, waxay ka qoday 17 ceel baadhitaan (exploration wells). Ceelashaa qaarkood waxba looguma tagin, qaarna waxaa loogu yeedhay boqorka in looga farxiyo oo la uso batroolka laga soo saaray. Wuxuuna ahaa qorshaha shirkadda inay dhigto dhuun (pipe line) kasoo qaada Ogadenya shidaalka marka lasoo saaro oo gaadhsiisa xeebaha badda cas. Qorshahaa dartii ayay shirkadda Sincalir uga codsatay dawladda Mareykanka in loo aqoonsado Eretreeya gobol ka mid ah Itobiya. Shirkadahaa intay joogeen dalka waxay qaarkood siiyeen tababaro sida riigaga looga shaqeeyo (drilling assistants) dad yar oo Somalida Ogadenya ah. Shirkadda Jermalka ee Elwerath ayaa iyadana dhowr dugsi iyo xarumo boolis meela ka dhistay iyo jidad carra tuur ah. Ugu dambayntii shirkadihii ree Galbeedka waxay dalka ka baxeen 1974kii markii la afgambiyay Xayle Salaase oo ciidanka ay qabsadeen Itobiya.

Shirkadda Mareykanka ee Tenneco oo markii ugu horeysay soo saartay gaaska laga helay ceelasha Calub 1973 iyo ceelasha Heelala 1974, ayay xukuumadii Mengistu dalka ka saareen, waxayna ku wareejiyeen Soviet Petroleum Exploration Expedition (SPEE) – oo kaligeed qandaraas ku haysatay baadhitaanka iyo qodita shidaalka Ogadenya oo iyadana ka qoday Calub 9aal ceel, Heelala-na 3ex ceel intii u dhaxeysay 1986 – 1991. Shirkaddan waxay dhaxashay dhamaan ceelashii horey loo qoday oo gaadhayay 46ex ceel oo la qoday intii u dhaxaysa 1955-1991.

Markay qabsadeen xukunka kooxda Wayaanaha ee TPLF waxay dib u bilaabeen qoditaankii ceelasha Jeexdin iyo Heelaale. Intii u dhexeysay 1999 ilaa 2016ka waxay keeneen shirkadihii ugu badnaa caalamka oo shanta qaaradood ka kala socda. Waxay kala ahaayeen; Sicor Inc (USA), Methanol Joint Stock and Stroytran Gaz (Russia), Hunt Oil Company (USA), Maxus  Energy Corporation (USA), SI Tech International (SIL) – Jordan / Panama,  Zhoungyan Petroleum Exploration Bureau (ZPEB) – China,  Petronas (Malaysia), Weather Ford (UK), Gail India Limited, the Gujarat State Petroleum Corporation (India), GSPC (India), SouthWest Energy – China (Hong Kong), Tullow Oil Plc (UK), Petrotrans (China), Africa Oil Corporation (Canada),  Black Marlin Energy / East Africa Exploration Limited (UK), Lundin Petroleum AB / Africa Oil Corporation, (formerly Lundin East Africa BV) –Sweden, New Age (African Global Energy) Ltd – UK, POLY-GCL Petroleum Investment Ltd (China), Delonex Energy Limited (UK), Pexco Explorations (East Africa) – Malaysia.

Dhamaan shirkadahaasi  kor u dhaafaya 20ka shirkadood xamaantoodii way ka wada qaateen dalka, fara madhnaan ayayna kaga baxeen.

Itobiya oo markii ugu horeysay taariikhda la xasuusto gaadhay heer ay xeelad iyo xoogba ku maquuniso umadda Somaliyeed, min Jabuuti ilaa Raas-kamboni, arintaasoo siisay Itobiya kalsooni ay shirkadaha ugu sheegto inay dhoofin karto shidaalka Ogadenya, oy sugayso amniga ceelasha iyo dhuunta gaaska lagu qaadayo, hadana digniinta ONLF iyo diidmada shacabka Somalida Ogadenya uu ka muujiyay daafaha caalamka waxay ku abuurtay shirkadahasi argagax, waxayna dhab ahaan u arkeen in aan balaayiin doolar lagu biimayn karin Ogadenya, si kastooy u sheegaan Itobiya.

Noora Afgaab/Jigjiga

La wadaag