Wuxuu qaybtii 1aad ( Halkan Riix) ee wareysiga Xassan ku soo bandhigay dhibaatooyin badan oo dadka shacabka loo gaystay intuu ka midka ahaa ciidamada maleesiyaadka gumaysiga Itobiya uu shacabka kula dagaalamo. Isagoo weli sii wada ka sheekeynta dhacdooyinka uu goobjooga u ahaa ayuu yidhi;
Sidaas lagu ma joojin hawl-galkaas ee waxa isna la toogtay Cabdi Carab oo ahaa nin degan is la xaafadaas. Marxuumkan Xaaskiisa ayaa horay Liyu-gu toogasho ugu dileen 2010-kii. Marxuunkan, Cabdi Carab ,waxa uu ifka kaga tagay 12 caruur ah oo aan sidaas da’deedu u waynayn. Is la markaas la dilay Cabdi Carab, waxa isna la dilay gu’doomiyihii Xaafada oo la odhan jiray Cabdi-waal. Waxa kale oo la dilay wiil kale oo la odhan jiray ina-Xasan Qeex oo u yimid tacsida 2-dii oday dhaq-meed ee la dilay. Waxa uuna ka soo galay is la markaas uun magaalada Jig-jiga. Wiil isna daris u ahaa oo la odhan jiray Ina-jaamac Yuusuf ayaa lagu daray xasuuqaas.
Maalin uun ka dib, waxa hawl-gal u baxay Regimentiga 11-aad qaybtiisa 3-aad is la markaasna reer ayaa la badh-til maamadeedsaday. Reerkaas waxa uu yaalay tuulada la dhaho ABSHIR oo dhinaca Koonfur galbeed kaga aadan Gu’na-gado. Reerkaas deganaa ABSHIR, waxa lagaga dilay hawlgalkaa 9 qof. Amarka lagu dilay waxa is ka lahaa, Shi’alaqe Bashiir Af-dheere. 9-kaas qof waxa ka mid ahayd,gabadh yar oo da’deedu ahayd 13 sano jir. Waxa sidoo kale ka mid ahaa nin ku jiray aroos. Intaas waxa dheeraa dhamaan hantidii ay lahaayeen dadkii deganaa Tuulada ABSHIR waa la mooraduugay oo xoolihii ay lahaayeen oo dhan waxa lagu shubay magaalada Gu’na-gado. Adhigu waxa uu dhanaa inta u dhaxaysa 280 -300 oo neef, Lo’duna waxa ay dhanayd 25 ilaa 40. Dhammaan hantidii noocaas ahayd ee Reerahaas la xasuuqay, markii xerada lagu soo xareeyay intii u dhimatay oon&gaajo mooyee, waxa qal-qashay Regimentiga 11-aad.
01 2013, Bulaale, Waxa ka dhacay in ciidanka Liyu Police-ka, regimenti-ga 11-aad ay ku laayeen dad aanan haynin tiradooda gudaha Bulaale.
03 2013, Bulaale waxa ay ku dileen Aabo 4 carruur ah lahaa, ka dib markii ay 4 habeen maxbuus meel ugu haysteen ayaa saacadu marka ay ahayd 7:00 PM cawaysnimo lagu toogtay fadhiisin ay ku lahaayeen Liyu-ga regimentiga 11-aad Tuulada Bulaale.
06 2013, Is la Bulaale, waxa la dilay nin la odhan jiray Indho-ceel markii 3 habeen la haystay .
Kufsi-diido, waa nabad-diido
Ciidankaas Liyu-ga regimentiga 9-aad waxa uu ku kufsaday Bulaale dumar aad u tiro badan. Kuwo la qabay oo carruur lahaa iyo kuwo aan wali la guursan oo gashaantimo ahaa. Waxa ka mid ahaa 3-dan dumarka ah oo aan magacooda hayo waa: F/awliyo, Ina-dhoola-biid, iyo S.X. Br. Liyu- Police markaa waxaa hal’hays u ahaa Galmo diido, waa nabad diido.
S. X. Br. markii ay magacdhabtay ninkii kufsaday ee ciidanka Liyu-ga regimentiga 11-aad ka tirsanaa, waxa loogu han-jabay in la (mal-gayo) dilayo haddii afkeeda mar danbe ka soo baxo hadal sheegaya in la kufsaday. Ciidanka ayaad fadeexadaynayaa ayaa lagu yidhi.
Bishii Luulyo, 2013, ayaa is la Bulaale,waxa lagu toogtay gabadhaa la kufsaday ee kor ku xusan walaalkeed oo la odhan jiray Astur Xasan Bashiir. Sababta loo dilay walaalkeed, wiil kale oo walaalkeed ah oo ku maqan Sacuudiga ayaa la is ku qab-saday waxa uu ku jiraa ama ka mid yahay taageerayaasha ONLF iyo kuma jiro, nasiib daro inta aan la hubin wiilka jooga Sacuudiga in uu yahay waxa lagu sheegi iyo in kale ayaa ba la (is’raa’iilay) la dilay.
03-04 2012, Dhabo-jiriso oo ka tirsan Degmada Birqod waxa is ku meel lagu toogtay 9 qof oo is ku qoys ahaa.
04 2012,Labiga oo Gobalka Dhagax-buur ka tirsan, waxa la dhacay hanti adhi ah oo dhanayd 76 oo ay lehaayeen 6 caruur ah oo ay 2 mataano yihiin. Carruurtan hooyadood horay ayay Liyu-gu u dileen. Markaas caruurtan laga dilay hooyadood 2-da mataanaha ah naaska ayay jaq-siinaysay oo wali ka ma ayna gudhin. Sababta looga dhacay xoolaha, waa maxay?! Waxaa mar-marsiinyo looga dhigtay in wiil la dhashay caruurtan hooyadood markii la dilay uu ku biiray Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogaadenia. Waxa ay dajisteen Cabdi Ilay iyo kuwa uga hooseeya xukunka in la dhaco hantida guurtada ama ma guurtada ah ee uu leeyahay Reerka uu kaga jiro 1 qof haba ugu yaraatee oo ka tirsan dagaal yahanada ONLF.
03-04 2012, Is la Labiga oo ka tirsan Gobalka Dh/buur, waxa kale oo dhacday in Reer Yuusuf Dhuxul ay Ciiidanka Liyu-gu ka dhaceen 90 adhi ah, 23 lo’ ah, iyo 36 geel irmaan ah. Nasiib wanaag, geelii wuu u bad-baaday oo Xerada ayuu ka fakaday, haseyeeshee, adhi’gii iyo lo’dii dhamaantood say-lada Xoolaha Dh/buur ayaa lagu xaraashay.
03-04 2012, Is la Labiga oo ka tirsan Gobalka Dh/buur, Ciidanka Liyu-ga ee fadhiisinkoodu yahay Gosola-leey oo gobalka Dh/buur ka tirsan ayaa hawl-gal ciidan ku soo xidh-xidhay dad shacab ah oo tiradoodu dhan tahay ilaa 24 qof. Dadkan jidh dil aad u daran ayaa loogu soo gaystay inta la soo waday. Waxa luquntooda ka muuqday raad-ka xadhig lagu dabay si ay wax u sheegaan oo xog dheeri ah looga helo. Marka ay soo gaadheen Labiga, baco ayaa madaxa loo wada galiyay si ay u neef qabatoobaan oo ay u sheegaan warar dheeri ah, haddi ay ba ay jiraan. Gabdhahana waa la qaawiyay mid walba iyada oo looga danleeyahay in laka la saaro in ay ONLF qabto iyo in kale. Gabdhaha qaar ayaa aniga oo ah, Shaanbal Xasan Maxamed Cabdi (Xasan Aafo) ii sheegay in la kuf-saday intii la soo waday. Gabdhaha qaar markii laga dan dhamaystay waa la iska sii daayay. Halka qaarkii kalena la a hadhay. Taliyaha Ciidankan watay waxa uu ahaa Shi’alaqe Farxiye.
Shi’alaqe Farxiye waxa uu la hadhay, gabadhii ugu wada qurux-da badnayd gabdhaha isaga oo guur qasab ah ku xalaashaday gabadhaas. 6 bilood marka uu haystay ayay fursad heshay ay kaga baxsato gabadhaas, Ina Yuusuf Maxamed Cali (Yuusuf-goodaad) ahayd.
06 2012, Caga-sur/Geedi-soor oo ka tirsan gobalka Dh/buur waxa lagu dilay nin shacab ah, waxaana dilay Ciidanka fadhigoodu yahay Awaare oo uu madax ka yahay Shi’alaqe Axmed Shuun. Maxay tahay sababta ka danbaysa dilka ninkaas shacabka ah?! Hooyadii oo ahayd wadaad/islaan cimri’day oo da’ ah isla markaasna hadalku is kaga darsamay (asaa’sac) ayaa waxa u yimid Liyu-ga oo isaga soo dhigay Ciidan ONLF ah. Waxa ay ku tidhi, wiilkayga ayaa ONLF ah ee ordaya oo u taga oo waraysta!
Juun 2012, Wado-abaareed, Waxa lagu dilay wiil dhalin yar ah oo da’diisu ahayd ilaa 28 sano jir. Wiilkaas ayaa goor ay habeen tahay u haasaawo tagay gabdho, isla soo laabadkii uu soo laabtay, waxa lagu qabtay kadinka aqalkooda oo halkaas ayaa lagu marjiyay.
2-dii bisha Luulyo, 2012, Galool-goose oo ka tirsan Santarka Bukudhabo, waxa lagu dilay wiil jiifay gurigiisa. Waa maxay sababta loo dilay wiilkan?! Waxa dagaal ku dhax-maray ONLF iyo maleeshiyu Liyu ah meel aan sidaas uga fogayn Galool-goose ,waxa lagu qaniinay waa in ay ONLF soo ag mareen gurigiisa isaga oo hurda.
5-tii Luulyo, 2013, Awaare oo ka tirsan Gobalka Dh/buur waxa lagu xidhay 4 qof. Waxa ay magacyadoodu ka la yihiin 4-tan qof : Deeq Badal, Cali Gotaale,Naasir Sh. Xirsi, Maxamed Aw. Muxumed Haybe. Waa maxay sababta loo xidhay wiilashan?! Waxa ay is ka diideen in qasab lagu ciidameeyo oo ay noq-daan Maleeshiyaadka Tuulo joogta ah. Waxa ay ku jireen wiilashaas Koonteenar markii iigu dambaysay.
ONA.
In Part 1 ( Click Here) of the interview, Xassan presented many abuses inflicted on civilians while he was a member of the militia forces with which the Ethiopian colonial regime fights the civilian population. Continuing his account of the events he witnessed, he said:
That operation did not stop there; Cabdi Carab, a man who lived in the same neighbourhood, was also shot dead. The Liyu had earlier shot and killed this late man's wife in 2010. The late Cabdi Carab left behind 12 children who are still quite young. At the same time Cabdi Carab was killed, the neighbourhood chairman, known as Cabdi-waal, was also killed. Another young man, known as Ina-Xasan Qeex, who had come for the mourning of the 2 traditional elders who were killed, was also killed. He had arrived from the city of Jig-jiga at that very time. A young man who was also a neighbour, known as Ina-jaamac Yuusuf, was added to that massacre.
Just one day later, the 3rd unit of the 11th Regiment went out on an operation and, at the same time, a family was half wiped out. That family was located in the village called ABSHIR, which lies to the southwest of Gu'na-gado. In that operation, 9 people from the family living in ABSHIR were killed. The order to kill them came from Shi'alaqe Bashiir Af-dheere. Among those 9 people was a young girl aged 13. Also among them was a man who was in the middle of his wedding. In addition, all the property owned by the people living in ABSHIR village was looted, and all their livestock was brought into the town of Gu'na-gado. The sheep and goats numbered between 280 and 300 head, and the cattle numbered 25 to 40. Of all such property belonging to those massacred families, apart from those that died of thirst and hunger once they were penned in the enclosure, the 11th Regiment slaughtered the rest.
01 2013, Bulaale: The Liyu Police forces of the 11th Regiment killed people, whose number I do not have, inside Bulaale.
03 2013, Bulaale: they killed a father of 4 children; after holding him prisoner somewhere for 4 nights, he was shot at 7:00 PM in the evening at a post the Liyu of the 11th Regiment had in the village of Bulaale.
06 2013, also in Bulaale, a man known as Indho-ceel was killed after being held for 3 nights.
Refusing Rape Is Refusing Peace
That Liyu force of the 9th Regiment raped a great many women in Bulaale. Some were married with children and some were not yet married and were young maidens. Among them were 3 women whose names I have: F/awliyo, Ina-dhoola-biid, and S.X. Br. At that time the Liyu Police's slogan was Refusing sex is refusing peace.
When S. X. Br. named the man who raped her, a member of the Liyu force of the 11th Regiment, she was threatened that she would be killed (made to disappear) if words saying she had been raped ever came out of her mouth again. She was told: you are disgracing the army.
In the month of July 2013, also in Bulaale, the brother of the raped girl mentioned above, known as Astur Xasan Bashiir, was shot dead. The reason her brother was killed: there was suspicion about another of her brothers who is away in Saudi Arabia, over whether or not he is among the supporters of the ONLF. Unfortunately, without even verifying whether the young man in Saudi Arabia is what he was said to be, he was (Israeli-style) killed.
03-04 2012, Dhabo-jiriso, part of Birqod District: 9 people from the same family were shot dead in one place.
04 2012, Labiga, part of Dhagax-buur Region: property of 76 sheep and goats belonging to 6 children, 2 of whom are twins, was looted. The Liyu had earlier killed the mother of these children. When these children's mother was killed, she was breastfeeding the 2 twins, who had not yet been weaned. What was the reason the livestock were looted?! The pretext given was that a son born to these children's mother joined the Ogadenia National Liberation Army after she was killed. Cabdi Ilay and those beneath him in the administration decreed that the movable or immovable property belonging to any family that has even just 1 person among the ONLF fighters be looted.
03-04 2012, also in Labiga, part of Dh/buur Region, it also happened that the Liyu forces looted from the Reer Yuusuf Dhuxul family 90 sheep and goats, 23 cattle, and 36 milking camels. Fortunately, the camels survived and escaped from the enclosure; however, the sheep, goats and cattle were all auctioned at the Dh/buur livestock market.
03-04 2012, also in Labiga, part of Dh/buur Region, the Liyu forces stationed at Gosola-leey, which is part of Dh/buur Region, rounded up in a military operation civilians numbering up to 24 people. These people were subjected to very severe beatings while they were being brought in. Marks of ropes they had been strangled with could be seen on their necks, to make them talk and extract additional information. When they reached Labiga, plastic bags were put over all their heads to suffocate them so they would give further information, if there was any. And the girls were each stripped naked, with the aim of determining whether or not they were holding something for the ONLF. Some of the girls told me, Shaanbal Xasan Maxamed Cabdi (Xasan Aafo), that they were raped while being brought in. Some of the girls were simply released once they were done with them, while others were kept. The commander of this force was Shi'alaqe Farxiye.
Shi'alaqe Farxiye kept the most beautiful of all the girls, legitimising it through a forced marriage to her. After he had held her for 6 months, that girl, who was the daughter of Yuusuf Maxamed Cali (Yuusuf-goodaad), found an opportunity to escape.
06 2012, Caga-sur/Geedi-soor, part of Dh/buur Region: a civilian man was killed, and he was killed by the forces stationed at Awaare, headed by Shi'alaqe Axmed Shuun. What is the reason behind the killing of this civilian man?! His mother, an elderly religious woman whose speech had become confused (senile), was approached by the Liyu, who presented themselves as ONLF fighters. She told them: my son is ONLF, run and go to him and interview him!
June 2012, Wado-abaareed: a young man aged about 28 was killed. That young man had gone one night to court some girls, and upon his return, he was caught at the door of their house and executed there.
On the 2nd of July 2012, in Galool-goose, part of Bukudhabo Centre, a young man lying in his home was killed. What is the reason this young man was killed?! A battle took place between the ONLF and the Liyu militia not far from Galool-goose; he was accused of the ONLF having passed near his house while he was asleep.
On the 5th of July 2013, in Awaare, part of Dh/buur Region, 4 people were arrested. The names of these 4 people are, respectively: Deeq Badal, Cali Gotaale, Naasir Sh. Xirsi, Maxamed Aw. Muxumed Haybe. What is the reason these young men were arrested?! They refused to be forcibly conscripted and to become permanent village militia. When I last saw them, those young men were being held in a container.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
