Waxaan kaga hadalnay Qaybtii 1aad ee maqaalkan in la yagleelay laba is-bahaysi oo kulminaya in ka badan 90% shucuubta ku nool Itobiya ee la dagaalamaya ama mucaaradka ku ah kooxda TPLF/EPRDF ee xukunka haysata. Waxaan soo sheegnay inay labadaa is-bahaysi ka midaysan yihiin in la gaadhay waqtigii loo midoobi lahaa in la’iska dul qaado xukunkan Wayaanaha oon ahayn xukuumad lasii dhowran karo. Waxaan intaa raacinay inay ku kala duwan yihiin labada isbahaysi fikirka (Ideology). Waxaan ku sheegnay inuu jiro qodob asaasi u ah isbahaysiga PAFD oy ugu muuqato inuu udub dhexaad u yahay sidii loo wada noolaan lahaa, hasa ahaatee uu is-bahaysiga UMSED u arko inuu yahay qodob burburinaya Itobiyaduu asaasay Minililkii 2aad. Qodobkaa wuxuu ahaa qodob lagu heshiiyay Cahdigii ku-meel gaadhka ahaa (the transitional charter), isla markaana dastuurka hadda jira lagu daray oo ah Q.39aad.
Inta aynaan ka hadlin qodobka 39aad ee dastuurka Itobiya siduu u qoran yahay, waxaa haboon in aan yarehe ifino macnaha Xaqqa Aaya-katashiga (Right of self determination) iyo goorta uu bilowday iyo sababta qodobkaasi loogu daray xeerka Qaramada Midoobay.
Ugu horeyn Xaqqa Aaya-katashiga macnaha uu xambaarsan yahay waxaa lagu soo koobi karaa;
- Qofka inuu khiyaarkiisa ku doorto masiirkiisa iyadoon xoog kale qasbin.
- In shacabka dalka iska leh awood loo siiyo inay doortaan nidaamka siyaasadeedee ay doonayaan.
Xaqqa umadaha inay Aayahooda ka-tashadaan waa qodob waajib ku ah (binding) dhamaan dawladaha caalamka ee ka tirsan Qaramada Midoobay wuxuuna qeexayaa in la ixtiraamo rabitaanka umadaha oo kayaankooda siyaasiga ah aan lagu fargalinin inay si xor ah oon cabsi lahayn ku dhistaan. Bishii Dec. 1960 ayuu Golaha loo dhanyahay ee QM soo saaray Qaraarka 1514 oo cinwaankiisu ahaa – Bayaan Lagu Cadaynayo in Gobanimo La Siiyo Shucuubta la Gumaysto-. Bayaankaa waxaa la xidhiidhsanaa qodobo kale oo lagu muujinayo ahmiyadda Aaya-katashiga si caalamka looga sifeeyo gumaysiga.
Hadaan intaa ku dhaafo faalada Qaramada Midoobay iyo qodobkii 1514 ee aaya-katashiga shucuubta, waxaa iyadana muhiim ah in aan fiirino fikirka ururka Wayaanaha ee talada dalka lawareegay siduu ahaa intaanay qabsan Adisababa. Waxay TPLF-tu soo saareen bayaanka loo yaqaano (TPLF Manifesto 1976) oy kusoo bandhigeen dhulka ay u dagaalamayaan, xuduudihiisa, calankooda iyo hadafka ugu dambeeya ee TPLF ay hiigsanayso. Qodobada hore oon qiima noolahayn hadaan ka tagno, waxay ku sheegeen bayaankaa in hadafka ugu dambeeya ee TPLF uu yahay inay ka goostaan qabtolka Itobiya oy ka xoreeyaan dalka iyo dadka Tigree gumaysiga Amxaarada. Wuxuu u dhignaa sidan; (c)- The final destination of the TPLF is to secede from Ethiopia as an independent Republic of Great Tigray by liberating the lands and peoples of Tigray. Shaki kuma jiro inay aaminsanaayeen mabda’a aaya-katashiga qawmiyadaha iyo shucuubta Itobiya. Mabda’aa ayuuna ahaa mudka ay kula bahoobeen ururkii gobanimadoonka Eretreeya ee EPLF.
Taariikhda TPLF dadka wax ka qora, waxay qaarkood aaminsan yihiin inuu ururka TPLF kaga tanaasulay goosashada shirweynihii xisbiga, hasa ahaatee taariikhda sugan ee la taaban karo waa inay ku qoreen cahdigii kumeel gaadhka ahaa iyo dastuurka ay u dajiyeen Itobiya xaqqa aaya-katashiga qawmiyadaha iyo shucuubta. Waxayse dad badan oon ka mid ahay aaminsan yihiin inuu yahay qodobka 39aad albaab ay furihiisa haystaan TPLF-tu oy soo xidheen markay ka fureen Eretreeya, hasa ahaatee aanay u ogolayn cid kale inay ka furan, aan ka ahayn inay iyaga ka baxaan hadday xaajada ku xumaato.
Qodobka 39aad ee dastuurka Itobiya wuxuu dhigayaa; Umad kasta iyo shacab walba oo ka mid ah Itobiya wuxuu xaq buuxda u leeyahay inuu aayaihiisa ka tashado ilaa heer go’itaan .. (1. Every nation, nationality or people in Ethiopia shall have the unrestricted right to self determination up to secession.)
Qodobkan Xaqqa Aaya-katashiga ee ku cad Q39aad, waa mid caalamka dhab ahaan u ogaaday inuu yahay sida kaliya ee lagu kala badbaadin karo shucuubta wada dagan oy ka dhaxeyso taariikh ku dhisan dagaal iyo xoog lagu maquuninayo qayb ka mid ah shucuubta dariska ah.
Hadaan usoo noqono shacabka Somalida Ogadenya iyo Xabashida, waxaa ka dhexeeya taariikh soo taxan in ka badan 400- oo sano oo dagaalo ah. Laga bilaabo markuu Menelik jabiyay ciidankii difaacayay Harar 1887 oo uu qabsaday, shacabka S.Ogadenya waxay ku jireen dagaal iyo iska caabin joogta ah oo lagaga soo horjeedo gumaysiga Xabashida. Dagaaladaa iyo iska caabintaa oo ilaa maanta socda sida kali ah ee lagu joojin karo waa iyadoo dadweynaha Somaliyeed loo ogolaado Xaqooda Aaya-katashi, si loo baajiyo dagaalada joogtada ah ee ka socda gobolka. Taariikhda Itobiya oo ku dhisnayd in shacabka Somaliyeed ee Ogadenya qasab lagu ogolaysiiyo Itobiyanimada ma’aha mid soconaysa, sidaa taariikhda ku cad. Dadka qaar ayaa kugula doodaya Itobiya waxay ku xisaabtamaysaa inuu soo koro facaad ku barbaaray gumaysiga oon waligiiba arkin Somali xor ah oo ka madaxbanaan gacanta Itobiya, haduu joogo Jigjiga iyo haduu tago Xamar ama Hargaysa. Xaaladda ay maanta ku sugan tahay umadda Somaliyeed, waxaad moodaa inay fikradaasi taageerayso. Hasa ahaatee, sida taariikhda shucuubta ku sugan, Somaliduna ay horey usoo martay, lagama yaabana inay nabad waarta kula noolaadaan shacab dareensan in qasab lagu ogolaysiiyay wax aanay doonaynin iyo kuwii ku qasbay.
Noora Afgaab/Jigjiga.
- That a person chooses his destiny by his own choice without being compelled by another force.
- That the people who own the country are given the power to choose whatever political system they want.
If we return to the Somali people of Ogadenia and the Abyssinians, there is between them a continuous history of more than 400 years of wars. Since Menelik defeated the forces defending Harar in 1887 and captured it, the people of Somali Ogadenia have been in constant war and resistance in opposition to Abyssinian colonialism. The only way to stop these wars and this resistance, which continue to this day, is for the Somali people to be granted their Right of Self-Determination, in order to put an end to the continuous wars taking place in the region. Ethiopia's history, which was built on forcing the Somali people of Ogadenia to accept being Ethiopian, is not one that will endure, as history makes clear. Some people will argue with you that Ethiopia is counting on a generation growing up that was raised under colonialism and has never seen a free Somali independent of Ethiopia's hand, whether he stays in Jigjiga or goes to Xamar or Hargaysa. The situation the Somali nation is in today would make you think that this idea is supported. However, as is established in the history of peoples, and as the Somalis themselves have experienced before, a people who feel they were forced to accept something they did not want cannot be expected to live in lasting peace with those who forced them.
Noora Afgaab/Jigjiga.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
