
Waxaa maalintii Axadda ee taariikhdu ahayd September 4, 2011 magaalada San Diego ka kicitimay wafdi uu hogaaminayo xidhiidhiyaha Jaaliyaadka reer Ogadenia ee galbeedka Maraykanka (WEST COAST) Mudane Ahmed Ali Yusuf. Waxaa mudanaha weheliyey xubo sare oo ka tirsan jaaliyada ay ka mid yahiin Mudane Abdirahman Mohamud Sheikh Abdi (Hollywood), Mudane Abdicasiis Abdi Ali Abshir iyo Mudane AhmedYassin Ugas Aadan Xadiis.
Waxaa wafdigan marti qaaday Jaaliyadda Axmarada ee magaalada Los Angeles oo munaasabadan ku marti qaaday dhamaan qoomiyaadka ku dhaqan xayndaabka Ethiopia iyo kuwa mucaaradka. Waxay jaaliyadda Amxaarada ay si gooni ah ugu marti qaaday Jaaliyadda Ogadenia ee San Diego. Waxaa kaloo ka soo qayb galay munaasabaddan ha’adaha samafalka, kuwa xuquuqul insaanka iyo kuwa aan dawliga ahayn.
Xubnihii wafdiga ayaa si heersare ah loogu soo dhaweeyey madasha munaasabada halkaana kula kulmay dhamaan xubnihii soo agaasimay. Waxay wafdigaasi kadib la kulmeen ha’adihii kala duwaan ee goobtaas isugu yimid lana qaybsadeen akhbaaro kala duwan oo dhinac walba taabanaya. Waxay halkaa ku qaybiyeen waraaqo farabadan oo qaar ay ka turjumayeen cunaqabataynta lagu hayo shacabka Ogadenia iyada oo xiligani abaar ba’ani jirto. Qaar waxay ahaayeen xad gudubka xuquuqul insaan iyo gumaadka ka socda Ogadenia. Qaar kalena waxay ahaayeen kuwa ku baraarujinaya shacabka Maraykanka iney dawladooda kula xisaabtamaan canshuurtooda lagu gumaadayo shacabka Ogadenia. Waxaa kaloo TVga si taxana ah oga socday sawiro maqal iyo muuqaal ah ee jidh dilka loo geystay shacabka Ogadenia.

Dhamaan qoomiyaadkii ka soo qaybgalay munaasabadan ayaa waxay wateen ama soo bandhigeen boodhadh ay ku qornaayeen akhbaaro dhan walba ah iyo sawiro ka turjumaya xaaladda ay maanta Ethiopia kusugan tahay. Waxaa qosol lahayd kolkii gudiga qaban qaabadu sheegeen in bakhtiyaa naxiib goobaha akhbaaraha ay isku xijisay safaarada Ethipia (TPLF) iyo Jaaliyadda Axmaarada iyo martidooda. Kadib markey akhbaartaas maqleen dhamaan dad weynihii goobtaas isugu yimid ayey qosol iyo sawaxan isku dareen waxayna dhaheen “markuu qofku xaq kusocdo waxwalba ayaa isugu toosa” waayo waxay arrintani usuurta galisay in marka dad weynaha munaasabadan kasoo qayb galay ay soo maraan safaarada Ethiopia ay kadib ku xigsan Jaaliyaadka halkaana beentoodii la gaga daba tagay.
Ujeedada kulankan qawmiyadaha ayaa waxuu ahaa sidii ay qoomiyaadka kala duwan ee ku dhaqan xayndaabka Ethiopia isaga kaashan lahaayeen dawladda Kaligii Taliye Zanawi, aduunkana ugu soo bandhigi lahaayeen tacadiga iyo xad gudubka xuquuqul insaan siiba xasuuqa uu kuhayo shacabka Ogadenia.
Waxaa in cabaar kadib ay waftigii la kulmeen wariye Maraykan ah oo u sheegay in uu daggan yahay magaalada Addis Ababa isla markaan usheegay in saxaafadda Ethiopia ay maanta xaaladda ugu xun kujirto ciddii hadashana jeelka loo taxaabo. Wuxuu intaa ku daray in uu lasocdo xaalada Ogadenia uuna aad uga xun yahay. Gabagabadii ayuu la qaybsaday akhbaar aad xaasaasi u ah oo aan halkan lagu soo bandhigi Karin.

Waxay wafdigaasi nasiib uyeesheen iney goobtaas kula kulmaan U.S Congresswoman Karen Bass kulana qaybsadeen akhbaar farabadan oo isugu jira dukumentiyo iyo sawiro. Waxay usheegeen in aabarta geeska Africa maanta ka taagan ay ka bilaabatay Ogadenia nasiib xumana dawladda Zanawi aysan u ogalayn ha’adihii samafalka iyo saxaafadda aduunka. Waxay u sheegtay in arrintaasi tahay “unacceptable” waxaan la ogolaan Karin ayna usoo bandhigi doonto dawlada Maraykanka. Waxay ka ballan qaaday in xubnaha wafdiga ay iyadda iyo shaqaalaheedu la shaqayn doonaanan.
Socdaalkan ayaa waxaa uu ahaa mid guul usoo hoyatay shacabka Ogadenia, isla markaana ay ogaadaan in shacabkooda dhibaddu aysan fadhiisanayn ilaa xaqooda loo ogolaado.

Jaaliyadda Ogadenia ee San Diego ayaa halkan mahad gaar ah uga soo jeedinaya Jaaliyadda Axmaarada ee magaalada Los Angeles, iyo sida qiimaha iyo qadarinta leh ee ugu marti qaadeen.
Sawirada ka daawo halkan:
ONA
On Sunday, September 4, 2011, a delegation led by the coordinator of the Ogadenia communities of the western United States (WEST COAST), Mr. Ahmed Ali Yusuf, departed from the city of San Diego. Mr. Ahmed was accompanied by senior members of the community, among them Mr. Abdirahman Mohamud Sheikh Abdi (Hollywood), Mr. Abdicasiis Abdi Ali Abshir and Mr. AhmedYassin Ugas Aadan Xadiis.
The delegation was hosted by the Amhara community of the city of Los Angeles, which on this occasion invited all the nationalities living within the borders of Ethiopia as well as the opposition groups. The Amhara community extended a special invitation to the Ogadenia community of San Diego. Charitable, human rights and non-governmental organisations also took part in the event.
The members of the delegation were given a high-level welcome at the event venue, where they met all the members who had organised it. The delegation then met with the various organisations gathered there and shared a range of information touching on every aspect. There they distributed numerous papers, some of which described the blockade imposed on the people of Ogadenia at a time when a severe drought is under way. Some concerned the human rights violations and the genocide taking place in Ogadenia. Others were aimed at urging the American people to hold their government to account over their taxes being used to slaughter the people of Ogadenia. In addition, audio and video images of the killings carried out against the people of Ogadenia were shown continuously on the TV.
All the nationalities that took part in the event carried or displayed boards bearing information of every kind and pictures depicting the situation Ethiopia is in today. There was laughter when the organising committee announced that, by a stroke of luck, the information stands of the Ethiopian embassy (TPLF) had been placed right next to those of the Amhara community and its guests. After hearing this news, the whole crowd gathered there broke into laughter and commotion, saying, "when a person walks in the right, everything falls into place," because this arrangement meant that the people attending the event would pass by the Ethiopian embassy's stand and then reach the communities' stands right after it, where the embassy's lies were exposed right on their heels.
The purpose of this meeting of nationalities was for the various nationalities living within the borders of Ethiopia to cooperate against the government of the dictator Zenawi, and to expose to the world the abuses and human rights violations, especially the massacre he is committing against the people of Ogadenia.
A little while later, the delegation met an American journalist who told them that he lives in the city of Addis Ababa, and at the same time told them that the press in Ethiopia today is in the worst situation, with anyone who speaks out being dragged off to jail. He added that he is following the situation in Ogadenia and is deeply saddened by it. Finally, he shared very sensitive information that cannot be presented here.
The delegation had the good fortune to meet U.S. Congresswoman Karen Bass at the venue and shared with her a great deal of information, including documents and pictures. They told her that the drought currently affecting the Horn of Africa began in Ogadenia and that, unfortunately, Zenawi's government is not allowing charitable organisations and the world press access. She told them that this matter was "unacceptable" and something that cannot be allowed, and that she would bring it before the United States government. She promised that she and her staff would work with the members of the delegation.
This trip was a success for the people of Ogadenia, and at the same time it let them know that their people's suffering will not end until their rights are granted.
The Ogadenia community of San Diego hereby extends special thanks to the Amhara community of the city of Los Angeles for the valued and respectful way in which they hosted it.
Watch the pictures here:
ONAAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
