Muddo hadda qarni laga joogo ayaa waxa wadanka Ogadeniya soo weerary Gumeystayaashi Cadaanka ahaa waxayna damceen in dadka Somaliyeed ay dulleyaan xoogna ku maamulaan. Waxaana arrintaas diiday halyayo badan oo taarikhda Somaliyeed magac iyo darajo ku leh agtooda. Waxaana waqtigaas ka dhacay dhulka Ogadeniya iyo goobo badan oo Somaliya kamid ah xasuuq aan loo kala aabo yeelin waayeel iyo caruur iyada oo larabo in lagu qab jabiyo halyeeyadi somaliyeed ee diiday Gumeystaha.
Dadka Xasuuqa geysanaya maysan aheyn kaliya ciidamada Gumeystaha cadaanka ah, ee waxa kamid ahaa dad somaliyeed oo lasiiyay darajo aad u sareysa oo ay ku maamulaan dadka Somalida ah iyaga oo wakiil ka ah Ciidamada gumeysiga. Waxayna dadkaasi si fool xun ula dhaqmeen bulshada Somaliyeed ee rayidka ah. Waxaba xattaa dhacday in mar nin Somali ah oo gobolada waqoyiga heystay uu dil ku xukumay nin walaashiis ugasoo fadhiistay isaga oo kibir awgiis iyo isku haleyn uu daba fadhiyo cidamada Ingiriiska ku toogtay ninkaas gabadha soo doontay.
Waa sida hada ka dhacda Ogadeniya ee dad somali ah oo u dhashay wadanka ay ku dilaan dad badan oo Somali ah iyaga oo darajada gumeysigu , umala awaalay ku faanaya.
Haddaba taariikkhda ayaa ah mid soo noqnoqota balse dadku aysan ka faa ideysan. Waxaana maanta dhamaanteen wada aragnaa Kibirka Cabdi UBO isaga oo daba fadhiya gumeystaha uu gabdhaha Somaliyeed ee la dhashay uu naasaha uga garaaco qaarkoodna kaba jaray, dilka iyo xidhayga saa idka ah iyo xasuuqa uu horjjoogaha ka yahay intaba. Isaga iyo inta lamidka ah ee magaca somaliga wataba waxaa kibirkoodii soo qab jabiyay Jaaliyada Melbourne ee wadanka Australiya halkaas oo faro caaradiis ay ku fakadeen kadib markii Polisku ka qabtay dadkii garaacayay ee ku soo xoomay sidii Madaxweynihii Libya Qaddaafi. Cabdi UBO isaga oo fakad ah ayuu ku laabtay magalada Addis Ababa Waxaana soo afjarmay Kibirikii iyo Foolxumadiisii uu meel kasta la taagna ee bulshada ku ceebaynayay. Waxa iyana xasuus mudan in Dadka ku sugan USA ay talaabo sharci ah ka qaadeen kuwo daba dhaan ah oo rabay inay wax isugu duba ridaan Cabdi UBO. Kuwaas oo Poliska wadanka Loo gudbiyay lana xidhi doono.
Ragow Kibirka waa lagu jabaa ee taas ha la oggaado!
Waxa Males Zenawi iyo dadka uu xasuuqa u wakiishayba aan xasuusinaynaa Qisooyin yaab leh oo adduunka ka dhacay. Imisa Dictator ayaa gacanta Shacabka wadankiisa lagu dilay. Mase la socotaa kacdoonka shacabku innuu yahay mid aan laga hor iman karin. Zenawi iyo Aydiisa ha oggaadeen taarikhdooda meeshay ku danbeyn doonto.
Qisadii Dictator Nicolae Ceausescu oo ahaa Madaxweynaha Romaniya
Nicolae Ceausescu waxa uu ahaa nin madax adag oo macangag ahaa waxa uuna xasuuqa dad aad u tiro badan oo kumanaan ah kulaayay wadankiisa Romaniya kadib markii shacabka Romaniya ay ka hor yimaadeen kaligi taliye Nicolae iyo xukunkiisa askariga ahaa ee uu ku xasuuqay shacabka aadka u tirada badan isaga iyo haweenaydiisuba
Sida aad Filimkan kore ka aragto waxa uu lahaa ciidamo xoog badan dadkuna aad ayay uga cabsan jireen balse maxuu ku danbeyay. Waxaa Gadoodaday Shacab aan la hor istaagi karin. Waxaana shacabkii gadooday ee Romaniya ay ku guuleysteen inay xilka ka tuuraan Nicolae Ceausecue oo walibana ciidamada wadanka Romaniya ay markii danbe la saftaan Shacabka Romaniya halkaasna ay kasoo qabtaan gurigiisa.
Waxaa yaab leh oo dadka uu kamidka yahay Zenawi ay tahay inay ku waano qaataan. In Nicolae hal maalin gudaheed lagu xukumay oo waliba goobtii xukunku ka dhacay lagu toogtay si aad u fool xun, isaga oo ay toogteen dad ay kamid yihiin dad gaadhkiisa kamid ahaa. waxaana illaa hada laga daawada Wadanka Romaniya Dilkii Nicolae oo shacabka Romaniya sanadkasta daawadaan… Hoos ka daawo Filimkii iyo qaabkii loo dilay Nicolae.
Qisadii Dictator Qaddafi
Qaddafi waxa uu ahaa nin carab ah oo markii hore wadankiisa looga aqoonsana innuu yahay nin halyay ahaa. Balse kadib markii uu xukunka wadanka uu ka yeelay mid uu isagu iska leeyahay wadanka dhan ee Libya. Waxaa dadka Ree Libya muddo dheerba ay raadinayeen awood ay isaga kiciyaan Kaligi Taliye Qaddafi oo ahaa isagu ninka kaliya ee ku tagri fala maaliyada wadanka. Waxa uu gaadhay heer uu soo saaro Kutub oo yiri kan ayaa ah ka muqadaska ah. Waxa uu qaatay Shuciyada waxana shacabka uu galiyay cadaadis aan la arag. Balse qof kasta oo calamka jooga waxa uu arkayay ku tagri falka Qadafi.
Qaddafi waa ninka yiri waxa aan raba innaan noqdo dhowr iyo labatan jir isaga oo jira 50 sanno. Waxa qaddafi uu sameystay sida la sheegay Face Surgery uu kula dagalamayo gabowga IWM. Kibirkiisa iyo fatooshnimadiisa waxaa laga wada arkayay caalamka oo dhan. Waxana lagu eedeyay inuu dad badan oo Libiya u dhashay innuu dilay. Si kastaba ha noqote markii dadkii ay dhaheen kuma rabno ee xilka ka dag. Waxa qadaafi uu bilaabay daggaal adag oo uu ku qaday shacabkiisi waxana iyada oo daggaalkan ay qeyb ka ahayen wadamada Ree galbeedku hadana aan la ilaawi karin in Kibir awgeed uu ku layay shacab badan oo Islaam ah waxba galabsan isaga oo awoodisa kaliya u daneynaya.
Hadaba Gadoodkii Shacabka Libiya waxa ay keentay in Koronel Qadafi oo mar ka ahaa wadankaas nin sumcad leh in kibirkiisii iyo kalinimadii uu isbidiay innuu iska leyahay dadka ay la rogmatay oo shacabkiisii si aad u fool xun ay ku dileen.
Hoos ka daawo Filimkan naxdinta badan.
QISADII KOOFIL
Waxa yaab leh oo lama illaawaan ah inqisadaas mid lamid ah ka dhacday dhulka Somaliyeed. KOOFIL oo ahaa nin Cadaan ah oo horjoooge u ah Ciidamada Boqortoyada Ingiriisku inuu shegay innuu soo afjarayo Dagaalka Darwaashta ee Halyay Sayid Maxamed Cabdile Xasen hoggaaminayay. Waxa uu goostay innuu kaxeysto boqolaal Askari iyo rashin, biyo iyo saad bilo aan go’ayn isaga oo raba innuu ka so taqaluso Sayid Maxamed Cabdile Xasen iyo waxii lahalmaalayay oo dhan. (qisada Kofil ayaa boqortayda ingirisku ay ku sheegan in isaga laso weraray magacisa saxda ahna waxa la odhan jiray Colonel Richard Corfied)
Balse Koofil Xaguu ku danbeeyay. Waxa ciidamada Daraawiishtu ka adkaadeen Koofil iyo cidamdiisi waxaana halkaas uu ku dhintay Kofil isaga oo kibirkisi iyo xoogi uu isbidayba laburburiyay- nin cadaan ah oo ka socda Boqortooyada Ingiriiska oo waqtigaas aheyd Dowlada ugu xooga badan caalamka..
Waana tii maahmaahda iyo gabayga uu mariya ISmacil Mire. Raggow Kibirka Waa lagujabaaye taas hala oggaado.
Adaa dunida kaligaa leh buu, Koofil eersadaye
Kaskiisaba ma galin wiil yar baa, keebka kuu qabanne
Ragow kibirka waa lagu kufaa, kaa’ halla ogaado.
Zenawi iyo ragga uu shaadhka usoo galiyayba miyay ku talo galeen Melbourne iyo Camp David iyo South Africa ayaad caga cadi ugasoo fakaneysaan. Wali laisma gaadhin Ciyaartu Waa half Time. Illaa Godka lagu hubsado oo shaashadaha Caalamka Laga daawado dadaalku waa soconaya. Ogadeniyana Xoriyada waa gaadheysa ee taas hala oggaado.
ONA
About a century ago, white colonialists invaded the country of Ogadenia, intending to humiliate the Somali people and rule them by force. Many heroes who hold a name and rank in Somali history refused this. At that time, in the land of Ogadenia and in many places in Somalia, massacres took place that spared neither the elderly nor children, with the aim of breaking the pride of the Somali heroes who rejected the colonialist.
The people committing the massacres were not only the white colonial forces; among them were Somalis who had been given very high ranks with which they ruled the Somali people as representatives of the colonial forces. These people treated the Somali civilian population in an ugly manner. It even happened once that a Somali man who controlled the northern regions sentenced to death a man who had come to ask for his sister's hand, and out of arrogance and self-confidence, backed by the British forces, he had that man who came to propose to the girl shot.
It is just like what happens now in Ogadenia, where Somalis born in the country kill many Somali people, boasting of the rank given to them by the colonialist, which they imagine to be theirs.
History repeats itself, yet people do not benefit from it. Today we all see the arrogance of Cabdi UBO, who, backed by the colonialist, beats the Somali girls who are his own kin on their breasts and has even cut off those of some of them, along with the killings, the excessive imprisonment and the massacres that he leads. He and those like him who carry the Somali name have had their arrogance broken by the community in Melbourne, Australia, where he slipped through their fingers after the police arrested the people who were beating him and who had swarmed on him like Libya's president Qaddaafi. Cabdi UBO, having escaped, returned to the city of Addis Ababa, and his arrogance and ugliness, with which he shamed the community wherever he stood, came to an end. It is also worth remembering that people in the USA took legal action against some followers who wanted to organise something for Cabdi UBO. They have been handed over to the country's police and will be detained.
O men, arrogance will be broken, so let that be known!
We remind Males Zenawi and the people he has delegated to carry out massacres of astonishing stories that have happened in the world. How many dictators have been killed at the hands of their own country's people? But are you aware that a popular uprising is something that cannot be stopped? Let Zenawi and his group know where their history will end.
The Story of Dictator Nicolae Ceausescu, Who Was the President of Romania
Nicolae Ceausescu was a stubborn and obstinate man who massacred a very large number of people, thousands, in his country Romania after the people of Romania rose up against the dictator Nicolae and his military rule, with which he and his wife massacred very large numbers of the people
As you can see in the film above, he had powerful forces and people feared him greatly, but how did he end up? A people who could not be stopped rose up. The people of Romania who rose up succeeded in removing Nicolae Ceausecue from power, and moreover the forces of Romania later sided with the Romanian people, and there they captured him at his home.
What is astonishing, and something people such as Zenawi should take as a lesson, is that Nicolae was sentenced within a single day and was shot in a very ugly manner at the very place where the sentence was handed down, shot by people including some who had been among his guards. To this day the killing of Nicolae is watched in Romania, and the Romanian people watch it every year... Watch below the film and the manner in which Nicolae was killed.
The Story of Dictator Qaddafi
Qaddafi was an Arab man who at first was recognised in his country as a hero. But after he made the rule of the country something he alone owned, the whole country of Libya. The people of Libya had for a long time been searching for the strength to rise against the dictator Qaddafi, who was the only man abusing the country's finances. He reached the point of producing books and saying this is the holy one. He adopted socialism and put the people under unprecedented pressure. But everyone in the world could see Qadafi's abuses.
Qaddafi is the man who said I want to become twenty-something years old while he was 50 years old. Qaddafi reportedly had face surgery with which he was fighting ageing, etc. His arrogance and vanity were seen by the whole world. He was accused of killing many people born in Libya. In any case, when the people said we do not want you, step down from power, Qadaafi began a fierce war that he waged against his people, and although Western countries took part in this war, it cannot be forgotten that out of arrogance he was killing many innocent Muslim people, caring only about his own power.
So the uprising of the Libyan people caused Colonel Qadafi, who was once a man of reputation in that country, to have his arrogance and his self-imagined sole ownership of the people turned against him, and his own people killed him in a very ugly manner.
Watch this very shocking film below.
THE STORY OF KOOFIL
What is astonishing and unforgettable is that a story just like this happened in the Somali land. KOOFIL, a white man who was a commander of the British Royal forces, said he would put an end to the Dervish War led by the hero Sayid Maxamed Cabdile Xasen. He decided to take hundreds of soldiers and rations, water and supplies for endless months, wanting to get rid of Sayid Maxamed Cabdile Xasen and all those who were with him. (In the story of Kofil, the British Crown claims that he was the one attacked; his real name was Colonel Richard Corfied)
But where did Koofil end up? The Dervish forces defeated Koofil and his forces, and Kofil died there, with the arrogance and strength he imagined he had destroyed—a white man coming from the British Crown, which at that time was the most powerful state in the world..
That is the proverb and the poem recited by ISmacil Mire. O men, arrogance will be broken, let that be known.
"You alone own the world," Koofil was told It never crossed his mind that a young boy would take your weapon from you O men, arrogance makes one fall, let that be known.
Have Zenawi and the men he has dressed in shirts considered that from Melbourne, Camp David and South Africa you will flee barefoot? The game is not over yet; it is only half time. Until the end is confirmed and watched on the world's screens, the effort continues. Ogadenia will achieve freedom, so let that be known.
ONA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
