Barqiyad dagdag ah oo safiirka u fadhiya Ingriiska uu u diray Wasaaradda AD ee Itobiya oo si hoos ahaan ah ay u heleen qawmiyadda Amxaarada ayuu safiirka kaga eed sheegtay sabata ay xukuumadda dhexe u soo raaciyeen Cabdi ilay iyo kooxda Somalida ah ee la socotay wafdiga. Taasoo uu ku tilmaamay inay sabab u ahayd fashilaadii shirka iyo banaabaxyadii Intifaadada ahaa ee safaaradda lagu qabsaday.
Safiirka wuxuu warqadiisa ku sheegay inay arintaasi keentay in jaaliyadda S.Ogadenya oo aad u abaabulan ay ku daydaan qawmiyadihii kalee Itobiya. Wuxuu safiirka sheegay in sababta shirka loo qabanayo ee ahayd in shacabka Itobiya laga gado mashaariicda horumarineed aanay wax shaqa ah ku lahayn qawmiyadda Somalida sidaa darteed sabab loo soo raaciyo Cabdi ilay oo uu ku tilmaamay in aanu sumcad fiican ku dhex lahayn jaaliyadda xooga badan ee dagan dalka Ingriiska.
Sidoo kale, inkastoo aan la helin wararkii ay direen safaaradda iyo qunsuliyadaha Itobiya u jooga dalka Mareykanka, waxaa hubaal ah inay qudhooda siyaba la mid ah warbixinta safiirka Ingriiska ay gudbiyeen.
Xuuraanse aan la yeelanay ila-wareedyo si hoos ahaaneed ula shaqeeya wakaaladda ONA oo ku sugan Adisababa waxay noo sheegeen inuu jiro dareen xoogan oo muujinaya in maamulka KT Meles ay isku khilaafsan yihiin Cabdi ilay iyo nidaamkiisa. Waxaa jira koox saraakiil iyo wasiiro iyo xoghaynta Meles ka tirsan oo iyagu ku xidhan Cabdi ilay oo boqolaal kun oo laaluush ah laga siiyo badjet-ka loo qoondeeyo gobolka. In maamulada kililada ay iska laaluushaan kooxda awooda ku dhex leh maamulka Meles waa badbaadada kali ahee ay haystaan qawmiyadaha waxan maamul ku-sheegyada lagu tilmaamo ay Wayaanaha TPLF u dhoo-dhoobeen.
Dhanka Jigjiga ayaa laga soo warinayaa inuu iska horimaad xoogan ka dhex sodo kuwii dugsanayay maamul ku sheega ee islahaa riwaayadda uu Cabdi ilay soo alifay ayaa hirgali doonta. Qaar badan ayaa hadda ku waabariistay in ujeedada Wayaanaha ay tahay un inuu marwalba abuuro shiqaaqo iyo iska horkeen dadka shacabka ah si marwalba loogu baahdo isaga inuu kala saaro taasoo aan dhamaad lahayn. Filimka hadda ka shidan Jigjiga ayaa waxay ku sheegeen dadkii aan kala xidhiidhnay degmooyinka lagu dhawaaqay oo si xirfad leh loo agaasimay inuu abuuro buuqa hadda taagan.
Qodabkan iyo arima kale oo la xidhiidha maleesiyadii cabdi ilay oo lakala dirayo ayaan warbixin dheeraad ah ka sugaynaa.
ONA.
In an urgent cable sent by the ambassador to Britain to Ethiopia's Ministry of Foreign Affairs, which the Amhara community obtained confidentially, the ambassador blamed the central government's decision to send Cabdi Ilay and the Somali group that accompanied the delegation. He described this as the cause of the failure of the conference and of the Intifada-style demonstrations held at the embassy.
In his letter, the ambassador said this had led other Ethiopian nationalities to emulate the highly organised Somali Ogadenia community. He said that the purpose of the conference was to sell development projects to the Ethiopian people, and that it had nothing to do with the Somali nationality, so there was no reason to send Cabdi Ilay, who he said does not have a good reputation among the large community living in Britain.
Likewise, although the reports sent by the Ethiopian embassy and consulates in the United States have not been obtained, it is certain that they themselves submitted reports similar to that of the ambassador in Britain.
However, sources in Addis Ababa who work confidentially with ONA told us that there is a strong feeling showing that the administration of PM Meles is divided over Cabdi Ilay and his system. There is a group of officers, ministers and members of Meles's secretariat who are tied to Cabdi Ilay and are given hundreds of thousands in bribes from the budget allocated to the region. Bribing the group that holds power within the Meles administration is the only means of survival that the regional administrations have, these so-called administrations that are described as having been patched together by the TPLF Woyane.
From Jigjiga, it is reported that a fierce confrontation has broken out among those who had been backing the so-called administration and who believed that the play Cabdi Ilay had scripted would succeed. Many have now woken up to the fact that the Woyane's only aim is always to create discord and conflict among the civilian population, so that he is always needed to separate them, which has no end. The people we contacted in the districts that were declared said that the film now playing in Jigjiga was skilfully orchestrated to create the current turmoil.
We are awaiting further reports on this matter and other issues related to Cabdi Ilay's militias, which are being disbanded.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
