Waxaan cidna ka daahsoonayn maanta shirqoolada ay maleegayaan kuwii heshiisyada kula soo galay KT Meles inay halganka gobanimadoon ee ka socda Ogadenya soo afjaraan, ka dibna abaalmarin looga dhigo in shirkadahooda ay la wareegaan Ogadenya. Hadaladii uu yidhi Sh Shakuul markuu ka soo noqday socdaalkii uu ku tagay Adisababa iyo Jigjiga lama iloobin. Waxaan soo arkay dal dihin oo khayraadka uu ceegaago, iyadoo markii wax laga weydiiyay dhibaatada dadka haysata iyo cadaadiska iyo cadaabka gumaysiga Itobiyana yidhi intaan dhex socday Ogadenya kuma aanan arkin wax saldhig ah oo ciidanka Itobiya ay ku leeyihiin. Idan arintiisa banaanka ayay taalay iyo ujeedada uu ka leeyahay Sh. Shakuul inuu aaso qadiyadda shacabka S.Ogadenya ee awoowayaashiisii la soo factirsatay.
Nafta wax ka qaalisan oo qofka bani-aadamka uu huro ma jirto. Waxayna ogsoonyihiin kooxdii shalay dadka ku shirisay Islii-Hall in Ogadenya uu ka socdo halgan hubaysan oo maalin walba ay ku shihiidayaan wiilal iyo gabdho naftooda u hibeeyay inay umadooda ku xoreeyaan gumaysiga oo qaali ah ka ah agtanada. Waxay ogsoonyihiin diidamada aan diidnay gumaysiga Itobiya darteed in shacabkeena loo ciqaabayo oo maalinwalba dadweyne aan waxba galabsan ay ku leynayaan miyiga ciidamada Itobiya iyo maxaysatada Cabdi ilay-ga soo diray uu qoray. Waxay ogsoon yihiin dilka, kufisga, xadhiga aan aabayeelka lahayn ee ka socda dalka. Iyagoo intaasoo idil ogsoon hadday ku dhiiradeen inay soo horjoogsadaan dadweyne intaasoo dhibaata ah tirsanaya oo Ibraahim dheere uu yidhaahdo sida ay qortay OgadenToday – — jawaabo uu bixiyay Sheekh Ibraahim Maxamed Xuseen oo ku saabsanayd in Meles Zenawi uu dan u yahay dalka iyo dadka Ogaadeeniya. – waxaan filayaa dhibka soo gaadhay inuu yahay midkii ugu yaraa ee marxaladaa iyo goobtii la joogay loogu gaysan lahaa.
Hadday doonayaan Sh. Shakuul iyo Shibili iyo inta la aaminsan fikirka ah hala taageero is-dhiibidda Ibraahim dheere, in sidii suufiyadii gacanta looga dhunkado oo waxay sheegaanba loo yidhaahdo awliyadii ayaa tidhi, haka baxaan sheekashada salafiyiin ayaan nahay oo xadrada hanoo jiibiyaan.
Waxaan aad uga xunahay oo ceeb aan waligeed ka hadhin ku ah Sh Shakuul sida ay qoreen saxaafadda inuu ku bixiyo 100,000 oo laaluush ah oo xaaraan ay tahay in la bixiyo si loo xidho laba wiiloo uu adeer u yahay. Taasoo aduunkiina aan waxba uga tarin aakhirana ay ku sugayso xisaabteeda. Waxaa kaloo aan ka xunahay inuu Sh.Shakuul dagaalkii ka socday Ogadenya uu u soo raray Islii-Mall oo maanta loo kala baxay qaar gumaysiga u ololeynaya oo isaga iyo inta ku xeeran ay maalgalinayaan iyo qaar ka soo horjeeda oo diyaar u ah inay naftooda u huraan difaaca sharafta halgankeena.
Kooxdan uu horboodayo Shakuul iyo kuwa la socda ee suuqii Islii uu qaadi waayay, ee hadda doonaya inay Ogadenya kula wareegaan hab raqiis ah, waxaa la gudboon inay taariikhda dalka Ogadenya dib u akhriyaan oo aanay sharaftooda (hadday in un ku hadhay) ku waayin wax aan suurtagal ahayn.
Ugu dambayntii waxaan leenahay Ogadenya way xoroobi Inshaa Alaah. Gumaysiga Itobiyana meeshii ay mareen gumaysiyadii caalamka umbay marayaan.
ONA.
It is hidden from no one today what plots are being hatched by those who entered into agreements with PM Meles to bring an end to the struggle for independence underway in Ogadenia, after which their reward would be for their companies to take over Ogadenia. The words Sh Shakuul spoke when he returned from his trip to Addis Ababa and Jigjiga have not been forgotten. "I saw a virgin land overflowing with resources," and when he was asked about the hardship afflicting the people and the oppression and torment of Ethiopian colonialism, he said, "While I travelled through Ogadenia I did not see any base belonging to the Ethiopian army." So his position was out in the open, as was the aim Sh. Shakuul has of burying the cause of the people of S. Ogadenia, whose forefathers he traces his lineage to.
There is nothing more precious than life that a human being can sacrifice. And the group that yesterday gathered people at Islii-Hall know that in Ogadenia an armed struggle is underway in which every day boys and girls who have devoted their lives to liberating their nation from colonialism, which is dearer to them than their own lives, are martyred. They know that because of our refusal to accept Ethiopian colonialism, our people are being punished, and that every day innocent members of the public are being killed in the countryside by the Ethiopian army and the militia recruited by Cabdi ilay, whom they dispatched. They know of the killing, the rape, and the indiscriminate imprisonment taking place in the country. Knowing all of this, if they dared to confront a public counting so much suffering, and Ibraahim dheere says, as OgadenToday wrote - -- answers given by Sheekh Ibraahim Maxamed Xuseen concerning Meles Zenawi caring about the land and people of Ogadenia. – I think the trouble that befell them was the least of what would have been done to them at that stage and in that place.
If Sh. Shakuul and Shibili and those who share that thinking want to support the surrender of Ibraahim dheere, to kiss his hand as the Sufis did and, whatever he says, to say "the saints have said," then let them drop the claim that "we are Salafis" and let them chant the hadra.
I am deeply saddened, and it is a disgrace that will never leave Sh Shakuul, that, as the press has written, he paid 100,000 as a bribe, which is forbidden to pay, in order to have two boys to whom he is an uncle imprisoned. That will benefit him nothing in this world, and its reckoning awaits him in the hereafter. I am also saddened that Sh.Shakuul has moved the war that was raging in Ogadenia to Islii-Mall, which today has become divided between some who campaign for the colonisers, whom he and those around him are financing, and others who oppose them and are ready to sacrifice their lives in defence of the honour of our struggle.
This group led by Shakuul and those who go along with him, who could not even take over the Islii market and now want to take over Ogadenia cheaply, would do well to reread the history of the land of Ogadenia so that they do not lose their honour (if any of it remains) over something that is impossible.
Finally, we say Ogadenia will be free, God willing. And the Ethiopian colonisers are heading where the colonisers of the world went.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

