Mucaaradka Itobiya ee ka soo horjeeda maamulka Wayaanaha ayaa waxay aad ula yaaban yihiin wararka sheegaya inuu KT Meles ka dalbaday dalka Ukraine 200 oo Taankiga nooca T72 sida uu qoray wargays ka soo baxa dalkaa oo yidhi wuxuu ku bixin doonaa Taankiyadaa lacag gaaraysa 100 malyan oo Doolar. Mucaaradka ayaa isweydiiyay dadka lagu difaacayo Taankiyadan iyagoo ku tilmaamay in lagu difaacayo un kooxda dhiigyacabka ah ee Wayaanaha.
Warar kale ayaa iyagu tibaaxaya in hubka ay Itobiya ka soo iibsanayso dalka Ukraine lagu qiyaasay qiimahiisa 1bilion oo Doolar, kuwaasoo isugu jira sawaariikh iyo Taankiyo iyo agab kale oo ciidanka ah. Hubkan ayay khubarada ku tilmaameen inay Itobiya u gadanayso colaada u dhexeyas iyaga iyo dalka Ertreeya iyo dagaalada kaga socda Ogadenya oy ku tilmaameen khubaradaa inuu dhiigbax ku yahay Itobiya ay qarsanayso.
Taariikhda laguma hayo nidaam gumaysi oo lagu difaacay hub iyo ciidan. Waxaan ogsoonahay gumaysiyadii reer Yurub ee maal iyo ciidanba ka badnaa Itobiya ugu dambayntii lagaga adkaaday dagaaladii gobanimadoon. Sidoo kale maamulkii Mingisto oy taageerayeen isbahaysigii xooga badnaa ee Warsaw ay afka dhulka u dareen jabhadihii ka soo horjeeday ee EPLF iyo TPLF. Sidaa daraadeed hub urursiga Meles waxba kama duwana kuwii ka horeeyay, hubka uu soo iibsanayo umbaana CWXO hub u ah.
ONA.
The Ethiopian opposition, which is opposed to the Woyane regime, is greatly astonished by reports that PM Meles has ordered 200 T72 tanks from Ukraine. According to a newspaper published in that country, he will pay up to 100 million dollars for the tanks. The opposition asked whom these tanks are meant to defend, saying they will serve only to defend the bloodthirsty Woyane clique.
Other reports indicate that the weapons Ethiopia is buying from Ukraine are estimated to be worth 1 billion dollars and include rockets, tanks and other military equipment. Experts said Ethiopia is buying these weapons for the conflict between it and Eritrea and for the fighting it faces in Ogadenia, which the experts described as a haemorrhage that Ethiopia is concealing.
History records no colonial system that has been preserved by weapons and troops. We know that the European colonial powers, which had more wealth and more troops than Ethiopia, were ultimately defeated by liberation wars. Likewise, the Mengistu regime, which was backed by the powerful Warsaw Pact, was brought to its knees by the opposing fronts, the EPLF and the TPLF. Therefore, Meles's arms build-up is no different from those that came before it, and the weapons he is buying may well end up as weapons for the ONLF.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
