
Cinwaanka maqaalkan waxaa igu kalifay markaan akhriyay maqaal ay gabadha Shamsa ah ku qortay shabakadda kilil5 anigoo aad markii horeba ula yaabanaa koobka loogu magacdaray nabadda ee Ibraahim dheere uu ka gudoomay Cabdi iley.
Waxaa quraanka ku xusan inuu jiray nin wadaad ahaa oo reer banii israaiil ahaa oo Ilaahay intuu siiyay cilmi ugu dambayntii ka doortay duunyo oo sidaa ku mutaystay cadaab oo lagala mid dhigay eyga.
وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ الَّذِيَ آتَيْنَاهُ آيَاتِنَا فَانسَلَخَ مِنْهَا فَأَتْبَعَهُ الشَّيْطَانُ فَكَانَ مِنَ الْغَاوِينَ – الأعراف : 175
Nin oday ah ayaa dad la yaaban arimaha Ibraahim dheer ku yidhi; war ninkan Haan ayuu madaxa la galaye iska day. Qisadii haanta ayuu ka sheekeeyay oo yidhi; nin inan-la-yaal ah ayay sodohdii markay dareentay inuu yarehe gaajoonayo xoolihiina barqa foof ku maqan yihiin ku tidhi; hooyow aan haantaa caanaha ciirta ah ee ku jirta furka xoogaa kuugu shubo. Inan-layaalkii oo xishoonaya ayaa ku yidhi; eedo waligayba ciir afkaa ma saarin, sababtoo ah waayadii hore ceeb ayay ahayd inay ragga cabaan ciirta. Islaantii oo yaxyaxsan ayaa iska tagtay. Xoogaa markay ka maqnayd ayuu damcay inuu afka ku yarehe xado inta aanay soo noqonin sodohdii. Haantii ayuu intuu kor u qaaday damcay inuu qudh-qudhiyo, balse intay ku soo fakatay ayay madaxa u gashay. Ninkii oo la dagaalamaya haantii inuu madaxa kala boxo ayay islaantii ku soo noqotay. Shaki kuma jiro inuu Ibraahim dheere ceeb dhex fadhiyo aduun iyo aakhiraba.

Ibraahim dheere iyo Cabdi iley hadda waxay isu jiibiyaan riwaayadda, maadaama ay xaqiiqsadeen inuu fashilay mashruuc beenaadkii ay ka iibiyeen KT Zinawi ee ahaa waxaa soo qulquli doona oo isa soo dhiibi doona shacabka Ogadenya oy horsocdaan wadaadada jimciyada doonka ah.
Shamso Cumar waxay sheegtay xaqiiqada ka jirta dalka iyo dhibaatada ay ku hayaan maxaysatada Cabdi iley dadka shacabka ah. Waxaan horey uga akhrinay dhibaatadii uu ku sameeyeen gabdhaha Jigjiga Guuleed Casoowe iyo maamulka Cabdi iley. Maqaalkan dambe oy cinwaan uga dhigtay gabadha – Damaanad nabadgalyo La’aanta deegaanka ka jirta – Waxaa ka mid ahaa meelaha ay xustay ee murugada leh;
( Dulmiga iyo dhibka ka jira degmooyinka, tuulooyinka iyo dhulka miyiga ayaa waxaa ka mida kufsiga ay ciidankani kula kacayaan gabdhaha. Waxaa had iyo jeer dhacda in ciidanku ay qasab ku kaxaystaan gabdhaha, waxay doonaana ku sameeya, iyagoo kuwa diidana u sameeya wanjal ay ugu magacdaraan inay taageersanyihiin kooxaha nabadiidka ah, kadibna laaya. Ciidankan ayaa had iyo jeer lagaga soo cawdaa inay xataa dumarka xaaska leh ee laqabo kafurtaan ragooda iyagoo ugu hanjaba in ay dilidoonaan hadii ufuriwaayaan haweenkooda.)
Marka aad akhriso qoraalada noocan ah ee ka tarjumaaya xaqiiqada dhabta ah ee Cabdi iley iyo kooxdiisa ay ku hayaan dadweynaha masaakiinta ah ee dumarka aadka u nugul ay ugu horeeyaan, eed aragto Ibraahim dheere iyo qaar wadaado sheeganaya oo uu sii horqaaday iyo farxadda iyo qosolka ka muuqda wajiyadooda, waxaad si dhab ah u xusuusan in la joogo waqtigii uu Rasuulka CS sii saadaaliyay. Qoraaga maqaalkaa marwo Shamso oo sii weadata waxay qortay;
(Guud ahaan deegaanka ayaa waxaan kajirin wax damaanad qaad nabadeed ah, qofkastaana wadnaha ayuu farta kuhayaa, wuxuuna sugayaa xiliga loo imandoono, haba u sii daraadaan dadka kunool magaalooyinka yaryar, tuulooyinka iyo miyiga. Waxaa meesha kabaxday kaladambayntii ka jirtay dagmooyinka iyo tuulooyinka, gaar ahaan gobolada ay colaadu kajirto, waxaa luntay damaanadii nabada iyo nolosha, dadkiina waxaa loolaynayaa gar iyo maag la’aan. Hadaba waxay dadku iswaydiinayaan yaa looga dacwoon karaa ciidankan anshaxoodu xunyahay.)
Ibraahim dheere wixii uu qarsan jiray ee ahaa nifaaqa ayuu Ilaahay banaanka soo dhigay Ilaahay ayaana ballan ku qaaday inuu kuwa noocaa ah fashilinayo markuu yidhi;
ولو نشاء لأريناكهم فلعرفتهم بسيماهم ولتعرفنّهم في لحن القول والله يعلم أعمالكم
ONA
I was prompted to choose the title of this article when I read an article that the young woman Shamsa wrote on the kilil5 website, having already been greatly astonished by the so-called peace cup that Ibraahim dheere received from Cabdi iley.
It is mentioned in the Quran that there was a religious man of the Children of Israel to whom God gave knowledge, but who in the end chose worldly wealth instead, and thereby earned punishment and was likened to a dog.
وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ الَّذِيَ آتَيْنَاهُ آيَاتِنَا فَانسَلَخَ مِنْهَا فَأَتْبَعَهُ الشَّيْطَانُ فَكَانَ مِنَ الْغَاوِينَ - الأعراف : 175
An elderly man said to people who were astonished at the affairs of Ibraahim dheer: "This man has got his head stuck in a milk container, so leave him be." He told the story of the milk container, saying: a young bridegroom's mother-in-law, when she sensed that he was a little hungry while the livestock were away grazing in the late morning, said to him: "My son, let me pour you some of the soured milk in that container." The young bridegroom, feeling shy, said to her: "Auntie, I have never put soured milk to my mouth," because in the old days it was shameful for men to drink soured milk. The old woman, feeling embarrassed, went away. When she had been gone for a while, he decided to steal a little before his mother-in-law returned. He lifted the container up, intending to gulp from it, but it slipped and his head went into it. The old woman came back while the man was struggling to get his head out of the container. There is no doubt that Ibraahim dheere sits in shame in both this world and the hereafter.
Ibraahim dheere and Cabdi iley are now passing the play back and forth between themselves, since they have realised that the false project they sold to KT Zinawi has failed, namely that the people of Ogadenia, led by the clerics seeking associations, would come flooding in and surrender.
Shamso Cumar told the truth about what is happening in the country and the suffering that Cabdi iley's militias are inflicting on civilians. We have previously read about the harm that Guuleed Casoowe and Cabdi iley's administration did to the young women of Jigjiga. In this latest article, which the young woman titled "The Lack of Security Guarantees in the Region," among the sorrowful points she mentioned were:
(Among the oppression and suffering in the districts, villages and rural areas is the rape these forces commit against girls. It regularly happens that the forces take girls away by force and do whatever they want with them, while for those who refuse they fabricate an accusation, claiming that they support the anti-peace groups, and then kill them. These forces are regularly complained about for even taking married women away from their husbands, threatening to kill the men if they do not release their wives.)
When you read writings of this kind, which reflect the true reality of what Cabdi iley and his group are doing to the poor public, foremost among them the very vulnerable women, and then you see Ibraahim dheere and some self-proclaimed clerics whom he has led along, and the joy and laughter visible on their faces, you truly remember that we are in the time the Prophet (PBUH) foretold. The author of that article, Mrs Shamso, continuing, wrote;
(Generally in the region there is no guarantee of peace, and everyone has their heart in their mouth, waiting for the moment they will be come for, especially the people living in small towns, villages and rural areas. The order that existed in the districts and villages has vanished, particularly in the regions where there is conflict; the guarantee of peace and life has been lost, and people are being killed without right or recourse. So people are asking themselves: to whom can one complain about these undisciplined forces?)
What Ibraahim dheere used to hide, namely hypocrisy, God has brought out into the open, and God has promised to bring failure upon those of that kind when He said;
ولو نشاء لأريناكهم فلعرفتهم بسيماهم ولتعرفنّهم في لحن القول والله يعلم أعمالكم
ONAAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
