Waxaa maanta ka furmay xarunta Qaramada Midoobay (QM) ee Geneva shir Jamhuuriyada Soomaaliya lagaga dhageeysanayo guud ahaan xaalada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku sugan yihiin dhinac walbaba. Shirkan oo lagu magacaabo Universal Periodic Review ayeey Jamhuuriyada Soomaaliya qoraalo soo gudbisay soona dirtay wafdi heer sare ah. Sidoo kale dowlada iyo heeyadaha aan dowliga ahayn ayaa iyagina gudbiyay qoraalo guud iyo kuwa gaar ahaaneed oo ku saabsan waxa Soomaaliya ka dhacaya, cida masuulka ka ah iyo dalabyo in qeeybaha kala duwan ee Soomaaliya dhowraan shuruucda caalamiga ah.
African Rights Monitor (ARM) ayaa ka mid ah heeyadaha aan dowliga ahayn ee gudbiyay qoraalo si gaar ah u taabanaya dhibaatooyinka gobolada Soomaaliya qaarkood loogu geeysto dadka shacabka ah ee ka soo cararaya dhibaatada itoobiya ka wado Ogaadeenya. Masuuliyiin sare oo ka socda ARM ayaa ku sugan xarunta QM ee Geneva halkaa oo aay kula kulmayaan masuuliyiinta matalaya wadamada qaarkood.
African Rights Monitor ayaa dadaal ugu jirta sidii loo ciqaabi lahaa kuwa ka masuulka dhibaatooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Ogaadeenyaba loogu geeysto Bariga Afrika.
A meeting opened today at the United Nations (UN) headquarters in Geneva at which the general situation of the Republic of Somalia, and the conditions the Somali people are living in on every front, is being heard. For this meeting, called the Universal Periodic Review, the Republic of Somalia submitted written reports and sent a high-level delegation. Governments and non-governmental organisations have also submitted general and specific written reports about what is happening in Somalia and who is responsible, along with demands that the various parts of Somalia respect international law.
African Rights Monitor (ARM) is one of the non-governmental organisations that submitted reports specifically addressing the abuses inflicted in some regions of Somalia on civilians fleeing the atrocities Ethiopia is committing in Ogadenia. Senior officials from ARM are at the UN headquarters in Geneva, where they are meeting officials representing a number of countries.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
