Waxaa maalintii Sabtida ee bishu ahayd 22-5-2011 lagu qabtay magaala madaxda dalka Finlad shir balaadhan oy ka soo qaybgaleen dadweyne farabadan oo ka kala socda jaaliyadda S.Ogadenya iyo jaaliyadda Somaliyeed. Aayado qur’aan ah iyo wacdi diini ah ayuu shirka ku furay sheekh maxamed al azhari. kadib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhoweeyey gudoomiyaha jaaliyada ogadenia ee dalka finland mudane axmed cali (axmed jamaal) oo ka warbixiyey waxqabadka jaaliyada iyo taariikhdeeda.
Waxaa kaloo meesha ka hadlay oo qudbado wax ku ool ah kasoo jeediyey aqooyahaniin soomaaliyeed oo dhamaantood kuwada qanacsan halganka xornimo doon ee JWXO ay hormuudka katahay, waxaana kamid ahaa suxufiga soomaaliyeed ee cabdiqaadir xasan bolay oo aad ugu nuuxnuuxsaday siddii uu ahaa halkankii ururkii SYL ay ula dagaalantay cadawga ummada soomaaliyeed iyo siday udoonayeen inay umadda uga xoreeyaan gumeystayaashii kala qayqaybiyey carriga soomaaliyeed.
intaas kadin ayaa waxaa codbaahiyaha lagusoo dhoweeyey hogaanka arimaha bulshada iyo abaabulka(jwxo) mudane maxamed cabdi yaasiin oo shacabweynihii shirka soo xaadiray siiyey warbixin dheer oo meelo badan taabanaysa iyo taariikhdii dheeraayd ee uu soo maray halganka ogadenia.
kadibna waxaa codbaahiyaha lagusoo dhoweeyey gudoomiye ku xigeenka jabhada wadaniga xoraynta ogadenia mudane Maxamed Ismaaciil Cumar oo isna shacabkii siiyey warbixin dheer oo qiimo badan, kana sheekeeyey guulaha uu gaadhay halganka ay JWXO hormuudka ka tahay gudo iyo dibadba. Waxa uu ku dheeraaday sida wayaanuhu uu naflacaari u yahay, isuguna dayayo inuu u jaha wareeriyo shacabka, kolbana dhan kaga imaanayo isagoo isku daygiisa ugu danbeeya uu yahay inuu leeyahay waxaan la heshiiyay JWXO, taas oon wax kajirta jirin.
On Saturday, 22-5-2011, a large meeting was held in the capital city of Finland, attended by a great many people from the Somali Ogadenia community and the Somali community. Sheikh Maxamed Al Azhari opened the meeting with verses from the Qur'an and a religious sermon. Then the chairman of the Ogadenia community in Finland, Mr Axmed Cali (Axmed Jamaal), was welcomed to the microphone, and he gave a report on the community's activities and its history.
Also speaking there and delivering effective speeches were Somali intellectuals, all of whom are in agreement with the struggle for freedom led by the ONLF. Among them was the Somali journalist Cabdiqaadir Xasan Bolay, who strongly emphasised how the SYL organisation struggled against the enemy of the Somali nation, and how they wanted to liberate the nation from the colonisers who divided the Somali land.
After that, the head of social affairs and mobilisation (ONLF), Mr Maxamed Cabdi Yaasiin, was welcomed to the microphone, and he gave the public attending the meeting a long report touching on many areas and the long history that the struggle of Ogadenia has gone through.
Then the deputy chairman of the Ogaden National Liberation Front, Mr Maxamed Ismaaciil Cumar, was welcomed to the microphone, and he too gave the public a long and very valuable report, recounting the successes achieved by the struggle led by the ONLF both at home and abroad. He spoke at length about how the Woyane are desperate and are trying to confuse the public, coming at it from a different direction each time, with their latest attempt being to claim "we have reached an agreement with the ONLF," which has no truth to it.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

