Opens in a new tab

Shir Xuquuqul Insaanka ah oo ka Dhacay Minneapolis.

ONA10 April 2011
Read in English

Waxaa gobolka Minnesota ee caraiga maraykanka  ka dhacay shir balaadhan oo ku saabsanaa siyaasada iyo xuquuqul insaanka khaasatan gobolada geeska Africa. Shirkan ayaa waxaa si wada jir ah isula soo qaban qaabiyay Jaaliyada Ogadenya ee gobolka Minnesota, jaaliyada Oromiya iyo haayado caalami ah oo xuquuqul insaanka ka shaqeeya.

Dhanka kale shirkan waxaa lagu casumay oo ka soo qayb galay siyaasiyiin martaba sare ku leh gobolkan  Minnesota iyo waliba wadankan maraykanka sida siyaasiga rugadaaga ah isla marahaantaana ah duqa magaalada Minneapolis mudane Mayar R.T.Rybak. mudane Rybak ayaa isgu si aad ah ugu nuux nuuxsaday xadgudubyada binii aadminimo ee ka dhacaya guud ahaan Ethiopia gaar ahaana gobolada Ogadenya iyo Oromiya. Waxaa uu mudane Rybak intaasi ku daray in la soo gaadhay wakhtigii lala xisaabtami lahaa kaligiitaliye Malez Zanaawi.

Kasokow dadkii faraha badnaa ee shirkaas ka hadlay waxaa jaaliyada Ogadenya matalaysay oo u hadashay Hibaaq Cabdullahi Ducaale oo ayadu ah gabadh dayar oo u dhalatay Ogadenya si xeel dheerna u taqaana xaalada Ogadenya iyo dhibaatada gumaysiga Ethiopia. Hibaaq ayaa ayadu khudbadeedii saamayn wayn ku samaysay ka soo qaybgalyaashi sjirka ayadoo halkaasi ku soo bandhitay xago aan horay loo haynin oo ku saabsan xuquuqul insaanka Ogadenya.

Dhamaanba hayadihii iyo jaaliyadihii shirkan isla soo qaban qaabiyay ayaa hoosta iskala xariiqay inay howshan sii wadayaan shirar isdaba jog ahna ay qaban doonaan mustaqbalka dhow.

Hayada xuquuqul insaanka ee ee loo yaqaano “The Advocates for Human Rights” waxay ololebalaadhan ugu jiraan sidii dhaqalaha Ethiopia la siiyo uu maraykanku uga jari lahaa. Waxaayna ka soo qayb gala yaashii shirka ka codsaden inay u saxii xaan warqado loo dirayay baarlamaanka maraykanka si loogu muujiyo dareenka muwaadiniinta maraykanku ee ku aadan Ehtiopia iyo xumida xuquuqul insaanka.

Dhanka kale waxaa shirka wacdaro ka muujiyay ururka dhalinta iyo ardayda Ogadenya oo ku soo bandhigay hido iyo dhaqan aad u sareeya.

Shirka oo ay si aad u bilicsan ay uga soo qayb galeen jaliyadihii iyo ururadii qaban qaabinayay ayaa jawi aad u qurxoon ku dhamaday.

Mohamed Darba wayne,

Minneapolis, Minnesota.

 

 

La wadaag