Waxaa caalamka saaqay dabayl wadata udug ah inaan kaligii-taliye danbe aysan bulshadu ka gabban, qoraaga/suxufig caalamiga ah ee soomaaliyeed Raage Omar-na haddaad daawatay Documentary-giisan uu ugu magac daray “ The death of Fear”, waxay marag u tahay arinkaa. Waxan sidoo kale wada xusuusanaa badhtameeyihii 2005-ka, waagii ay Ethiopia ka dhaceen kacdoonada iyo rabshadaha ay wadeen ardeyda Jaamcadaha Wadanku. Waxaana filayaa ineynu badankeenu iyo dadka siyaasada Ethiopia indha indheeyaaba aynu sugeynay kacdoon iyo rabshado iney dhici doonaan markey soo jeediso EPRDF tu natiijada doorashada ee u badneyd ku shubashada. Haddaba wixii aynu filaynay oo ahaa rabshado ayaa bilowday, waxayna ka bilowdeen meeshi ay waligeedba rabshadaha iyo kacdoonada Ethiopia ka bilaaban jireen oo ah Jaamacda Addis Ababa oo hadda ka hor la oran jirey Haile Selaase University .
Idaacadaha mucaaradka ama qawmiyadaha dulman haddii aad dhagaysato waxay leeyihiin axwaashan ku soo korortay dhulalka carbeed/muslimka ama afrikaanka, sida Egypt , Tunisia , Libiya iwm. Waxay walwal ku haysaa taliska Ethiopia , haddii ay ka bilaabato Addis-Abeba-na waa arrin khatar ah. Waxaana aad iyo aad u xasuustaa bishii September ee sanadkii 2005ka, waagii rabshadaha ardaydu ka bilowmeen Addis abeba, nin ay BBC World Service (TV) wareysanaysey oo safaarada Mareykanaka ee Addis Ababa horey la taliye uga ahaan jirey, ayaa waxay weydiiyeen arrinta khatarteedu inta ay la egtahay? Wuxuuna ku jawaabay arrintu waa khatar oo Ethiopia waxay caan ku tahay in rabshadaheedu ay ku bilaabmaan (Ethiopian…….are triggered by this kind of incidents and they go out of control) sidan oo kale dabadeedna ay faraha ka baxaan oo ay fufaan. Hadalka u diblomaasigaas hore yiri runimadiisa waad aragtaan oo waatan arrimihii si doqoni-magaratey ah ay u fidayaan.
Maadaama waxa kacdoonkan la filayay bilaabay ay yihiin dadkii waligood bilaabi jirey ee jaamacada Addis Ababa (oo horey loo oran jirey Haile Selasse 1st University), waxaa haboon bal ineynu wax ka ogaano taariikhada halgameed ee ardayda Jaamacada Addis Ababa.
Jaamacada Addis Ababa waxaa la aasaasay, 1951 (under the administration of Canadian Jesuits). Intii hadaba u dhaxeysay 1951 ilaa 1960 ardeyda jaamacadu dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo la sheegi karo ma ayna lahayn. Waxaana hawlahooda maamuli jiray maamulka Jaamacada. Waxaa kale oo liidatay isku xirnaantooda siyaasadeed iyo mida ijtimaaci. Haddaba in kasto u jirey xanaaq ku wajahan xukunka boqortooyada ee dhaxaltooyada ah ee ka jiray wadanka, haddana waxaa xanibayeye in meel looga soo wada jeedsado dhibakaas dhowr sababood oo kala ah:
1- Culeyska iyo xooga xukuumada Xayle Selaase oo badnaa
2- Kaniisada Ethiopian Orthodox oo boqorka dadka u tuseysay inuu ALLE doortey
3- Iyo dhaqan ahaan waalidiinta ardeyda oo ilaa xad caruurtooda dhadhaqaaqooda faraha ku hayay.
Haddaba arrimahani waxay is badaleen wixii ka danbeeyey 1960 gii. Waxaana sababo u ahaa dhowr arrimood oo ay ugu horeyso arrin inqilaab dhicisoobay oo ay sameeyeen labo nin oo walaalo ah lana kala oran jirey General Mengistu Neway iyo walaalkiis ka yar oo la oran jirey Germame Neway. Haddaba labada nin waxay kala ahaayeen, General Mengistu Neway oo ahaa taliyaha cidan waardiyeeya boqortooyada (waa kuwa u dhigma koofiyad gaduudii Siyad Barre), walaalkisna wuxuu ahaa nin Mareykanaka waxa ku soo bartey ( Columbia University ) oo la oran jirey Germame Neway. Ilma Neway hddii ad odayaasha Soomaaliyeed weydiiso aad iyo aad ayeye u garanayaan, waxayan Soomaalidu ku hala qabsan jireen “Gumeysiga u diiday Germaame maxaa aniga qoorta ii surey”. Waxayna Germame ku xasuustaan, markuu waxbarashadiisa ku soo dhameystey Mareykanaka ayaa waxaa loo magacaaby gudoomiye gobol isagoo ka noqday dhowr meelood oo kala dambeeyey. Waxaana magaalooyinka u gudoomiyaha gobolka ka ahaa ka mid ah magaalada JIG-JIGA. (N.B. magaalada Jig-Jiga waa magaalo cajiib ah oo wixii Ethiopia inqilaabka ka ridey ama isku deyey sida Mengistu Xayle Mariam iyo Germaame Neway labaduba iyaday joogi jireen).
Haddaan u soo noqdo inqilaabkii ilmo-Neway, waxaa fikrada iska lahaa Germaame oo ahaa nin LEFTIST ah, waxaana keenay awooda ciidamada General Mengistu oo soo dagaal galiyey ciidamadii uu xukumayey. Waxyaabihii ugu weyn ee inqilaabka fashiliyey (inkatoo ay sababuhu badan yihiin) waxaa ka mid ahaa Baadariga Kaniisada Orthodox oo ka sheegay idaacad iney ninmaankaas inqilaabka wada ay RIDOOBEEN oo laga dheeraado. Haddaba inqilaabku wuxuu dhacay mar u Xaile Selaase ku maqnaa booqasho u ku aaday dibada oo an u maleynayo iney ahayd MEXICO . Waxaa haddaba intuu inqilaabku u socday u General Mengistu u tagay ardeyda Jaamacada maanta looyaqaan ADDIS ABABA UNIVERSITY oo barigaa la oran jirey HAILE SELASSE 1st UNIVERSITY. Wuxuuna ka codsaday iney gacan siiyaan inqilaabkiisa. Inqilaabkii wuu fashilmay, markuu arrintaas ogaadeyna Germaame oo guriga boqortooyad qol kamid ah ku haystey maxbuus ahaan wasiiradii Xayle Selaase ayaa baas mariyey oo dilay dhamaantood, kadibna isaga iyo walaalkiis iyo intii ka ag dhaweyd ayaa baxsady. Balse nasiib daro waa la soo qabtey oo waxaa la daldalay Germaame oo meyd ah iyo Mengitu oo nool, waxaana lagu ag daldalay Kaniisada Tekele Haymanot ee ku taal magaalada Addis Ababa .
Arrintan inqilaabku waxay ardeyda ku reebtay raad an dhamaaneyn. Waxa kale oo ka sii darnaa, in Xayle Selaase u Qasrigii (Palace) kii u Germaame ku diley wasiiradiisa u ku wareejiyeye Jaamacada inuu ka mid noqdo CAMPUS ka mid ah CAMPUS yadeeda. Waxaana la yiri qolkii lagu laayeye wasiiradu wuxuu ka mid ahaa qololka Jaamacda ee ay ardaydu arki jireen ama wax ku baranjireen.
Arrintan inqilaabka oo ah mid wax ka badashay tafkiirkii ardeyda iyo fikradii ay ka haysteen boqortooyada oo ahayd lama taabtaan ayaa wax iska badaleen. Balse waxaa haddana ku soo birey laba arrimood oo kale oo ay midi tahay. In September 1961 u ururkii ERITREAN LIBERATION FRONT (ELF) (N.B. waa kii ka horeeyey EPLF ta Isaayaas Afewarki) u dagaal buuxda ku soo qaaday ciidamadii fadhiyey meelo ka mid ah Eritrea . Tani oo ka dhigtey lama taabtaankii Xayle Selaase inuu yahay wax lagu dhici karo oo waliba la soo hujuumi karo.
Haddaba mida ugu dambeysa ayaa waxay tahay, shir ay yeesheen wadamadii Afrika ee xorta ahaa 1958 kii oo ka dhacay Accra, Ghana (Accra Conference of Independent African States in 1958), ayaa isagoo Xayle Selaase iska dhigaya odayga Africa u ku balanqaaday inuu wadamada Afrikaanka ah u ardeydooda siin doono SCHOLARSHIP sanad walba. Ardeyda waxbarshadan ku timid ee Afrikaanka ahaa ayaa waxay ka yinmaadeen wadamo xornimadooda qaatey oo ay ka soo dhaceen halgamo siyaasadeed iyo kuwo hubeysan. Waxa kale oo ay ka yimaadeen wadamo ay saxaafadu ilaa xad xor ay ahayd oo dadku ay lahaayeen maskax furan iyo biseyl siyaasadee. Waxay haddaba ardeydani qeyb weyn ka qaateen iney ilaa xad raad ku yeeshaan fikradaha asaxaabtii ay isla dhiganayeen.
Haddaba ardayda Jaamcada Addis Ababa waligoodba waxay ahaayeen kuwo halgan ku abtirsada oo leh taariikh halgan oo an la qarin karin layisakana soo dhaxley oo u Jiilba Jiilka kale u soo gudbinayeye. Wixii ka dambeyey bartamihii 1960s waxaa ka dhex taagnaa xukuumadii Xayle Selaase iyo ardeyda Jaamcada Addis Ababa dagaal cad oo an la qarina karin. Dagaalkoodi iyo halgankoodi joogtada ahaa ayaa wuxuu sababay in dawladii Xayle Selaase lagu wada kaco oo ay dhacdo. Ka dibna ay Jaamacda Addis Ababa ardaydeedi iyo ardeydii dugsiyada kaleba, wixii ka dambeyey dhicitaankii Xayle Selaase ay u kala jabaan laba qeybood oo kala ahaa xisbi la oran jiray EPRP (Ethiopian Peoples Revolutionary Party) oo ahaa shuuci ayna u badnaayeen qowmiyada Tigreega iyo qaybo kamid ah qowmiyada Axmaarada; iyo xisbi kale oo la oran jirey MEISON oo isna aaminsanaa shuuciyad oo ay u badnaayeen qowmiyada Oromada iyo qaybo ka mid ahaa Axmaarada. Labadan xisbi wey is khilaafeen waxaana ka dhex dhacay dagaal, dagaalkaas oo ahaa iney MEISON la safatay Dergiga (Mengistu Haile Mariam), EPRP na ay dagaal dhuumaaleysi oo magaalooyinka ah ay ku qaaday Dergiga iyo MEISON. Waxaa mrkii hore cagta la mariyeye EPRP oo firxadkii ka haray ay u carareen buuro ku yaal gobolka Tigray ( Tigre ) oo la yiraahdo ASIMBA. Waxaana hadhaagoodii baaba’shay markey xoogeysatay jabhada TPLF. Qoladaas halkaas ayeye sheekadoodu ku xirantay, inkastoo ay baryahan qaar iyaga ka mid ahi ay leeyihiin wali waanu jirnaa oo waxaanu nahay xisbi dimoqraadi ah. Waxayna leeyihiin WEBSITE. Qoladii Mengistu la safatey ee ahayd MEISON laftigeeda markuu Mengistu xoogeystey ayuu cagta mariyey oo xitaa waxaa la dilay ninkii ururkaas GODFATHER ka u aha oo la oran jirey MR. HAILE FIDA si an la aqoon oo ay dadka qaar yiraahdaan waxaa la dilay isagoo baxsanaya.
Arrinta maanta taagan ayaa ka duwam arrimihii hore ee ku saabsanaa halgankii ardayda Jaamcada Addis Ababa. Waxayna arrintu uga duwantahay dhowr sababood oo kale ah:
1- Barigii hore Jaamacadaha iyo ardeyduba wey yaraayeen
2- Barigii hore ardeydu waxay ka sinaayeen (LEFTIST TENDENCY) oo mideynayeye
3- Barigii hore waxay ardeydu u badnaayeen Axmaaro iyo wax ka ag dhow
4- Hadda ardeyda iyo Jaamacaduhuba wey bateen
5- Hadda ardeydu waxay aad u qadariyaan (THEIR ETHNIC ALLEGIANCE)
4- Hadda qowmiyadihii oo dhan waxay leeyihiin dad wax bartey ama ugu yaraan wax fahmaya.
Sababahan iyo kuwa badaan oo ay ka mid yihiin qaar ay Ethiopia dunida saddexaad la wadaagto iyo qaar kale oo ay kala simanatahay AFRICA ayaa waxay ka dhigayaan arrinata maanta Ethiopia ka socota midaan la saadaalin karin. Hadda ka hor ayaan iri Ethiopia oo ay kanisadu hor boodayso sidey u dhaqanto waa la yaqaan, sidoo kalena iyadoo ay Shuuciyad hor cararayso waa la soo arkey. Balse waxaana hadda ka hor la arag iyadoo nidaam dastuuri-qawmiyadeed loogu magic daray tijaabinaysa oo ay isugu darsantay inay ku fashilanto, dhanka kalena ay ku soo beeganto xilli ay daafaha caalamka gilgilayaan dabayl wadata udug ah inaan kaligii-taliye danbe laga baqin, waxaa intaa dheer qawmiyaadka Ethiopia ku wada nool oo ay colaad taariikhi ah ka dhaxayso, Waa arrin u baahan in si fiican loola socdo oo laga war sugo natiijada ka soo baxada (Insha Allaahu) tijaabadana ka socota sheybaarkan (Laboratory) weyn ee magaciisu yahay ETHIOPIA.
Peace & mercy everywhere :)
Horseed
The world has been swept by a fragrant wind carrying the message that society will no longer cower before a dictator, and if you have watched the documentary by the international Somali journalist Raage Omar, which he titled "The Death of Fear", it bears witness to this. We also all remember the middle of 2005, when uprisings and riots led by the students of the country's universities broke out in Ethiopia. I think most of us, and the people who observe Ethiopian politics, were expecting uprisings and riots to take place when the EPRDF announced the election results, which were mostly rigged. So what we had expected, namely riots, did begin, and they began where riots and uprisings in Ethiopia have always begun: Addis Ababa University, which was previously called Haile Selaase University.
If you listen to the opposition radio stations or those of the oppressed nationalities, they say that these events that have arisen in the Arab/Muslim or African lands, such as Egypt, Tunisia, Libya, etc., are worrying the Ethiopian regime, and that if they start in Addis Ababa it will be a dangerous matter. I remember very well September 2005, when the student riots began in Addis Ababa: a man whom BBC World Service (TV) was interviewing, who had previously been an adviser at the American Embassy in Addis Ababa, was asked how dangerous the situation was. He replied that the matter was dangerous, because Ethiopia is known for its riots starting (Ethiopian.......are triggered by this kind of incidents and they go out of control) in this way and then getting out of hand and spreading. You can see the truth of what that former diplomat said, as here are the events spreading in an unpredictable way.
Since those who started this expected uprising are the people who have always started them, the students of Addis Ababa University (formerly called Haile Selasse 1st University), it is fitting that we learn something about the history of struggle of the students of Addis Ababa University.
Addis Ababa University was founded in 1951 (under the administration of Canadian Jesuits). Between 1951 and 1960 the university students had no political movement worth mentioning. Their affairs were managed by the university administration. Their political and social connections were also weak. So although there was anger directed at the hereditary monarchical rule in the country, uniting against that problem was hindered for several reasons, namely:
1- The great weight and strength of the government of Haile Selaase
2- The Ethiopian Orthodox Church, which presented the king to the people as chosen by GOD
3- And culturally, the students' parents, who to some extent kept control over their children's activities.
These matters changed after 1960. Several factors caused this, the first of which was a failed coup carried out by two brothers called General Mengistu Neway and his younger brother called Germame Neway. The two men were, respectively, General Mengistu Neway, who was the commander of the Imperial Guard (the equivalent of Siyad Barre's Red Berets), and his brother, who had studied in America (Columbia University) and was called Germame Neway. If you ask Somali elders, they know the Neway brothers very well, and Somalis used to have a saying: "Germaame rejected colonialism, so what put the yoke on my neck?" They remember Germame as having been appointed a regional governor when he completed his studies in America, serving in several places one after another. Among the towns where he was regional governor was the town of JIG-JIGA. (N.B. Jig-Jiga is a remarkable town: those who overthrew or attempted to overthrow Ethiopian rulers, such as Mengistu Haile Mariam and Germaame Neway, both used to be stationed there).
To return to the Neway brothers' coup, the idea belonged to Germaame, who was a LEFTIST, and the force was provided by the troops of General Mengistu, who sent the forces he commanded into battle. Among the main things that caused the coup to fail (although the reasons are many) was the Patriarch of the Orthodox Church, who announced on the radio that those men carrying out the coup had become APOSTATES and should be shunned. The coup took place while Haile Selaase was away on a visit abroad, which I believe was to MEXICO. While the coup was under way, General Mengistu went to the students of the university known today as ADDIS ABABA UNIVERSITY, which at that time was called HAILE SELASSE 1st UNIVERSITY, and asked them to support his coup. The coup failed, and when he learned of this, Germaame, who was holding Haile Selaase's ministers prisoner in a room of the royal palace, opened fire and killed them all, and then he, his brother and those close to them fled. Unfortunately, however, they were captured, and Germaame was hanged as a corpse and Mengistu alive; they were hanged next to the Tekele Haymanot Church in the city of Addis Ababa.
This coup left an indelible mark on the students. What made it even worse was that Haile Selaase transferred the Palace in which Germaame had killed his ministers to the university, to become one of its CAMPUSES. It was said that the room in which the ministers were killed became one of the university rooms that the students would see or study in.
This coup changed the students' thinking, and their view of the monarchy as untouchable changed. But then two other matters emerged. One of them is that in September 1961 the ERITREAN LIBERATION FRONT (ELF) (N.B. the predecessor of Isaias Afwerki's EPLF) launched a full-scale war against the troops stationed in parts of Eritrea. This turned Haile Selaase's untouchability into something that could be attacked and even assaulted.
The last one is that at a meeting of the independent African countries in 1958 held in Accra, Ghana (Accra Conference of Independent African States in 1958), Haile Selaase, presenting himself as the elder of Africa, promised that he would give African countries SCHOLARSHIPS for their students every year. The African students who came on these scholarships came from countries that had gained their independence and had gone through political and armed struggles. They also came from countries where the press was relatively free and people had open minds and political maturity. These students therefore played a big part in influencing, to some extent, the ideas of the classmates they studied with.
So the students of Addis Ababa University have always been people descended from struggle, with an undeniable history of struggle that they inherited and passed on from generation to generation. After the mid-1960s an open and undeniable war stood between the government of Haile Selaase and the students of Addis Ababa University. Their constant war and struggle led to a general uprising against Haile Selaase's government and its fall. Afterwards, following the fall of Haile Selaase, the students of Addis Ababa University and the students of other schools split into two parts: a party called the EPRP (Ethiopian Peoples Revolutionary Party), which was communist and mostly made up of the Tigrayan nationality and parts of the Amhara nationality; and another party called MEISON, which also believed in communism and was mostly made up of the Oromo nationality and parts of the Amhara. These two parties disagreed and war broke out between them, a war in which MEISON sided with the Derg (Mengistu Haile Mariam), while the EPRP waged an urban guerrilla war against the Derg and MEISON. At first the EPRP was crushed, and its scattered remnants fled to mountains in the Tigray region (Tigre) called ASIMBA. Their remnants were wiped out when the TPLF front grew strong. That group's story ended there, although some of them these days say "we still exist and we are a democratic party". And they have a WEBSITE. As for MEISON, the group that sided with Mengistu, when Mengistu grew strong he crushed it too, and even the man who was the GODFATHER of that organisation, called MR. HAILE FIDA, was killed in unknown circumstances; some people say he was killed while fleeing.
Today's situation differs from the earlier events concerning the struggle of Addis Ababa University students. It differs for several reasons:
1- In the past, universities and students were few
2- In the past, the students shared a (LEFTIST TENDENCY) that united them
3- In the past, the students were mostly Amhara and those close to them
4- Now students and universities have both multiplied
5- Now students greatly value (THEIR ETHNIC ALLEGIANCE)
4- Now all the nationalities have educated people, or at least people who understand things.
These reasons and many others, including some that Ethiopia shares with the third world and others it has in common with AFRICA, make the situation unfolding in Ethiopia today unpredictable. I said earlier that how Ethiopia behaves when the church leads it is known, and likewise it has been seen when communism drives it. But what has not been seen before is Ethiopia experimenting with a system named ethnic-constitutionalism, which has combined with its failure, while on the other hand coinciding with a time when the corners of the world are being shaken by a fragrant wind carrying the message that a dictator will no longer be feared; in addition, there are the nationalities living together in Ethiopia between whom there is historic enmity. It is a matter that needs to be followed closely, awaiting the outcome (Insha Allaahu) of the experiment taking place in this great laboratory (Laboratory) whose name is ETHIOPIA.
Peace & mercy everywhere :)
HorseedAI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
