Opens in a new tab

Taliska Woyanaha oo Shacab Badan Jeelka u Taxaabay

ONA20 July 2015
Read in English

Taliska Woyanaha Ethiopia ayaa kor u qaaday tacadiga ay ku hayaan shacabka Somalida Ogadeniya, waxaana todobaadkan iyo kii hore ay olole ka bilaabeen deegamo kamida Ogadeniya oo ay Dadka jeelasha korka ka banaan ku gurayaan.

Ciidanka Gumeysiga Ethiopia ayaa xidhaygan u adeegsada sidii ay ku heli lahaayeen ilo dhaqaale iyaga oo qof kasta oo ay soo xidhaan ka qaata xoolo madax furasha ah. Sidoo kale dadka ay Baadiyaha kasoo qabtaan waxay soo mooraduugaan xoolo waxii uu ka lahaa iyaga oo xoolaha nool kasoo dareersada.

Cabdi Cali Muuse iyo Axmed Cali nuur oo kamida dadka Xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanka Bulxan ee laga maamulo Degmada Gunagado ayaa Ciidanka gumeysiga Ethiopia weerar ku qaadeen taariikhdu markay aheyd 13 July 2015.  Shacabkaas Xoola dhaqatada ah Waxaa ciidamadu gumeysigu ka dhaceen adhigoodi ay dhaqan jireen. Cabdi Cali Muuse waxay ka dhaceen 90 neef oo Adhi ah halka Axmed Cali nuur ay ka dhaceen 105 Neef oo adhi ah isna.

Labadaas nin ee shacabka ah Ciidanka gumeysiga Ethiopia waxay u dhaadhiciyeen Jeelasha lagu ciqaabo shacabka Somalida Ogaden. Dadka kale ee jeelasha lagu xidhay lana ciqaabay waxaa kamida-

Maxamed Aadan faarax iyo Maxamed Babyad oo lagu xidhay dagmada Iimey Bari ee Gobolka Nogob. Labadaas nin ayaa laxidhay taariikhdu markay aheyd 11 July 2015. Lama garanayo illaa hada sababta loo xidhay mana jiraan dacwad lagu oogay iyo cid u doodaysa toona.

Dadka kale ee dhibaatadan leh jidh dilka iyo xadhigu soo gaadheen waxaa kamida dad shacab ah oo laga qabtay Degmada Fiiq, ee Gobolka Nogob.

Ciidamada Gumeysiga Ethiopia ayaa Degmada Fiiq oo baryahanba shacabka ku nool lagabagabeeyay  gobolkaas, waxaa todobaadkii hore ee ay ku beegneyd taarikhdu 7 July 2015 lagu xidhay dad aan magacyadooda ka heyno

1 Tamaan axmad
2 Cabdulaahi kaamil cabdi
3 Axmad daahir mowliid
4 Aadan shariif xuseen
5 Axmad daahir xukun.

Dadkaas shacabka ah ayaa loo taxaabay Xabsiga Degmada Fiiq.

Sidoo kale  7 july 2015 waxaa degmada Birqod lagu xidhay Wadaadyare iyo Aamina oo magacyadooda oo buuxa aananu helin wali.

ONA

La wadaag