- Xubno kasocda Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliya ooy Hoggaamineyso Guddoomiyaha Ururka haweenka Qaranka, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa muddooyinkan ku sugnaa Magaaladda Jowhar ee Gobolka Shabeellada Hoose, si ay u xoojiyaan doorka haweenka ee maamullada ladhisayo.
Haweenkan ayaa u joogo Degmada Jowhar inay Waxgaradka, Aqoon-yaanada, Haweenka, Dhallinyada iyo Culummada ay ka Dhaadhiciyaan sidii Haweenka Door Muuqda ay ugu yeelan lahaayeen Siyaasadda Maamulka loo sameynayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Kulammo is-daba-joog ah ayay Haweenka ka socdo ururka Haweenka Qaranka laqaateen maamulka Gobolka Shabeellada Dhexe, Wasiiro Dowlaha Madaxtooyadda Guddoomiyaha Gudiga farsamada maamul u sameynta labada gobol waxay intaba kala hadleen muhiimada ay leedahay in haweenka siyaasadda kaalin muuqdo lagasiiyo.
Gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa balan Qaaday in Haweenka ay ku Taageerayaan in Siyaasadda Qayb muuqato lagasiiyo waliba mida gobolladda oo howshooda lagu jiro wax ay sidoo kale sheegeen in aysan qaban doonin diiwaan aysan ku jirin Haweenka intay wadaan howsha maamulka loogu un-kayo gobollada hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
Dhinaca kale, Haweenkan ayaa shiriyay 300 oo Dumar ah kuwaasoo ay is weydaar-sadeen sida ugu wanaagsan ee ay siyaasadda uga qeyb-qaadan karaan waxay haweenkii hadlay soo jeediyeen inay dadaal muujinayaan, laakiin loo baahan yahay in raga ay wax ogolaadaan kasokow go’aanka dowladda.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegtay inay sii wadayaan dadaalka ay ugu jiraan sidii Haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda uga qaadan lahaayeen siyaasadda wadanka waxa ay tiri,
“ waxa aan bilownay kacdoon ka dhan ah raadinta qoontada haweenka ee 30% waxa aan u taagan nahay in meel kasto aanu tagno sidii ay Haweenka qayb la arki karo ugu yeelan lahaayeen Masiirka dalka waxaan goor dhaw gaari doonaa magaalada Baladweyn ee Gobolka Hiiraan Halkaasoo aan ka sameyn doono barnaamijyo wacyi gali ah sidaasi waxa tiri gudoomiye Batuulo.”
Ugu dabmeyn, Tan iyo mudada ay Haweenka Qaranka ku sugan yihiin Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeellada Dhexe waxay qaybaha kala duwan ee dadka ku nool magaaladda iyo Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe heer Gobol iyo heer Degmo la qaateen in ka badan Shan kulan oo midkiiba xooga lagu saarayay in Haweenka Siyaasadda laga Qayb-galiyo.
ONA
- Members of the Somali National Women's Union, led by the chairwoman of the National Women's Union, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe, have recently been in the town of Jowhar in the Lower Shabelle region, in order to strengthen the role of women in the administrations being formed.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
